22 December, 2011

Miidaanka Ha Loo Hubiyo Durbaannada Siyaasadda

Miidaanka Ha Loo Hubiyo Durbaannada Siyaasadda
 by Mohamoud Abdi Mohamed   

Sansaanta fagaarayaasha bandhigga siyaasadeed iyo baylahda hantida/agabka ummadda midna uma san bannaana jawigii ay dhinacyada siyaasadeed ee dalku si siman oo caddaalad ah ugu tartami lahaayeen doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo fool leh. Marka hore dawladdu muddadii sanadka iyo badhka ahayd ee ay jirtay kumay dhaqaaqin tallaabooyin gacan qabasho dhinaca farsamada iyo toosinta nidaamka ah oo ay u fidisay golayaasha degaanada.

 Sidoo kalena umay muujin bulshada S/land isbaddal la taaban karo kuna qancin kara bulshada dhab ahaantii sida ay uga go'an tahay ilaalinta hantida qaranka, ku dhaqanka sharciga & kala dambaynta iyo dhismaha dawlad wanaaggii ay ku soo ballan qaaday. Dardar galin la'aanta hawlaha maamulka ee golayaasha degmooyinku waxay doc wareen ku noqonaysaa inay dhinacyadu si caddaalad ah ugu baratamaan, xuquuq simanna u yeeshaan saaxadda tartanka siyaasadeed.

Tan labaadna waxa si aan qarsoonayn u muuqanaya dhaqdhaqaaqyo u eeg in uu hogaanka xisbiga talada hayaa ku horumarinayo, kuna sii casriyaynayo dabinnadii siyaasadeed ee hogaankii hore u dhigayey mucaaradkiisa. Xaqiiqaduna waxay tahay in isbaddalkii dalka ay ku samaysay go'aankii doorashadii M/tooyadu ahaa mid ku koobnaa xubnahii hogaanka dalka hayey hase yeeshee aanu nidaamkoodii waxba iska doorin. Haddaan u fiirsanno garbaduubka lagu muquuniyey dimuqradiyadda iyo xaqa madaxbanaanida ismaamulka iyo iskutashiga talada ee golayaasha degaanada dhexdoodu wuxu tusmayn cad oo hordhac ah u yahay khariidadda iyo nidaamka hogaamineed ee dawladdu ugu diyaargarawday inay ku waajahdo loollanka ay la galayso ururrada siyaasadda ee ka soo hor jeeda. 

Intaas waxa dheer is muujinta awoodeed ee shaqsiyaadka kala fikirka duwan kuna midaysan oo kaliya magaca xisbigu ay isku xaglinayaan sheegashada guulaha siyaasadeed ee gobollada iyo degmooyinka, taaso oo ay dawladdu kaga mashquushay inay wax badan ka oofiso wacadkii ay la gashay bulshada waqtigii ololaha. Haddaba waxa tusaale fiican inoogu filan Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa durba noqday masuulkii ugu horeeyey ee hogaankan dalka hadda ka taliya ka mid ahaa oo waxyeello ka soo gaadho boholihii sharciga uu uga qoday jidadkii madaxbanaanida isxukunka degmooyinka oo isaga iyo gaadhigiisuba ku dul kufaan golayaasha degaanada. Walibana intii uu ku mashquulsanaa heensaynta faraskiisa cusub ee "UMMAD"na waxa la sii casriyeeyey kaartooyinkan uu isagoo khajilsan immika innagala hadlaayo.

 Degmo kasta waxa laga soo calaamadsaday shaqsi, gobol kastana horaabu ugu sii kala seeraysnaa xubnaha siyaasad maalka ah iyadoo walibana mayor walba ballan lagu siiyey in uu sharciyadda dalka ku dhalaashado mid walba wixii karaankiisu noqdo iyagana uu ku beer diiranaado. Waxay mayor-ada kuwooda ugu nuguli liitaa yihiin inay ka heleen gabbaad adag oo ay kaga nabad gali doonaan caddaaladda. Taas darteedna waxay faraha ka qaadeen xaqiiqada shaqadii ay ummadda u hayeen waxanay isku baddaleen adeegayaal gaar ah. Waxay albaabada ka xidheen golaha intoodii kale mana jirto cid u muuqata inay la xisaabtamayso.Markaa kuma dhib yaraanayso haddaba dhakhtarka iyo qayrkiiba inu bulshada ku qanciyo lexejeclada gaarka u haysa ee uu durbaannada ugu qaatay inu mar labaad ku baddalo dhismaha nidaam dawladeed oo uu isagu ummadda ku dirqiyayey inay taageeraan isla markaasna uu qorshayaasha hawlgalkeeda qayb muhiim ah uu ku lahaa. Isku gaynta muuqaalladan siyaasadeed iyo kuwo kale oo badani waxay ifafaale ka bixinayaan hubanti la'aanta ka soo fool leh diyaargarawga iyo tabaabulshaha loogu jiro doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta waqtigii loo cayimay.

Si kastaba ha ahaatee waxa jira astaamo gaar ah oo S/land awood u siinaya inay si xasillooni iyo taxadir badan leh uga dabbaashaan caqabad kasta oo la soo derista qaddiyadahooda ayna ugu waawayn yihiin; mudnaanta ay siiyaan xeerarka dhaqanka, qaab-dhismeedka adage e bulshada, kala soornaanta arrimaha siyaasadda & military-ga, ahmiyadda ay u leedahay u madaxbanaanida talada dalka, horumarka ay sameeyeen xarumaha daraasaadka cilmiga iyo doorka hormoodnimo ee aqoonyahanku ka qaato go'aan qaadashada mawduucyada xasaasiga ah. Jiritaanka fursadahani waxay hubanti ka dhigayaan in deganaanshaha S/land sii jiri karto in kastoo ay muddada iyo muranku sii socdaanba. Ugu dambayn, marka arrimahaas lagu daro dulmiga uu hogaanka xisbigu ku hayo dhiiranaantii ay dawladdu si hufan ugu gudan lahayd waajibaadkeeda shaqo, lama fogaysan karo inay abuurmi karaan muranno dhinaca sharciga u badan oo loogu qiil samaynayo in muddada loogu kordhiyo golayaasha iyo dawladdaba, iyadoo sidii awalba dhici jirtayna lagu meel marinayo go'aanno dhinaca dhaqanka ka soo fula.

Si looga hor tago hantaaqo siyaasadeed oo ummadda lama filaan ku noqota, waxa loo baahan yahay inay dawladdu olole ballaadhan ku qaaddo toosinta maamullada degmooyinka, dib u soo celinta sharciga & kala dambaynta iyo xallinta mishliladaha golayaasha dhexdooda. Sidoo kalana waa inay dawladdu bayaan cad ku soo saarto qorsha ay ugu talo gashay inay ku xakamayso isticmaalka hantida qaranka ee dhinac ka mid ah kuwa tartamaya si tuhunnada meesha looga saaro.

Mohamoud Abdi Mohamed

Gabiley - Somaliland

yaldo001@gmail.com

No comments: