08 November, 2010

Ninka Caadaysta Qodobada Hoos Ku Qorani Waxa Uu Ku Guulaystaa Himilada Qoyskiisa

Ninka Caadaysta Qodobada Hoos Ku Qorani Waxa Uu Ku Guulaystaa Himilada Qoyskiisa.

Nolosha qoyska ayaa ah mid aan ku duusha labada garab ama baa lee aabaha iyo hooyada. Inkastoo ay labada lamaane kala leeyihiin masuuliyado kala duwan oo midba qaybi ku waajibtay ayaa waxa muhiim ah in la ogaado oo wax laga barto astaamaha ay yeelan karaan lamaanaha, ku guulaysan kara nolosha fiican ee lagu nasto. 
Hadana waxa aynu maanta wax ka tilmaami doonaa astaamaha lagu garto ninka wanaagsan ee hanan kara masuuliyda balaadhan ee qoysnimo.

Kaas oo ah ninka ilaaliya xuquuqda xaaskiisa Raga ayaa had iyo jeer raadiya haweenay raaliya ah, halka ay haweenkuna ka raadiyaan nin u dhigma haweenayda "Raaliyada ah", kaas oo loogu yeedho "Raaligaliye". Kadibna marka ay raaliyada iyo Raaliyuhu is helaan waxa ay dhisaan reer aan waligii dumin oo ku salaysan jacayl waara.  

Hadaba calaamadaha lagu garto ninka wanaagsan kasoo guta xilka qoysnimo oo raalin kara qoyskiisa iyo xaaskiisa ayaa ah sidan ayaa ah kuwan:  

1. Waa nin had iyo goor ka warqaba baahida xaaskiisa iyo qoyskiisa guud ahaan.  
2. Waa nin ay xaaskiisu ku faraxdo marka uu soo hadlayo.  
3. Waa mid jecel in xaaskiisu leedahay aqoon badan, kuna waaniya in ay wax barato markasta.
4. Waa nin  aan dilin xaaskiisa, hadal xun ku odhan, xaqiraadna ka ilaaliya.  
5. Waa nin had iyo goor farxad ku abuura qalbiga xaaskiisa.  
6. Waa nin deeqsi u ah qoyskiisa.  
7. Waa mid soo dhaweeya qaraabada ay xaaskiisu leedahay.  
8. Waa nin aan ka hagran xaaskiisa waxa nafteeda u roon oo u hura aduun waxa uu u awoodo.  
9. Wuxu had iyo jeer ka codsadaa xaaskiisa in ay cafiso, maadaama aanu dhammayn karin xaqa ay ku leedahay.  
10. Waakan ugu yeedha xaaskiisa magacyo qurux badan oo raali galiya nafteeda.  
11. Waa mid aan u quudhin xaaskiisa erayada ay ka mid yihiin "waad fool-xuntahay iyo waan ku-nacay".  
12. Waa nin caawiya markay xanuunsato  iyo markay uurka leedahay.  
13. Waakan ka abaal mariya ugana mahad naqa xaaskiisa dadaalkeeda.  
14. Wuxuu baraa carruurtiisa xaqa hooyadood iyo in ay ushaqeeyaan.  
15.Wuxu u caddeeyaa xaaskiisa in gurigu iyada kutaagan yahay.  
16. Waa kan tusa xaaskiisa in isaga waalidkiisa iyo iyada waalidkeedu  isku mid u yihiin.  
17. Waa mid aan ficil xun iyo hadal xun ku horsamayn xaaskiisa.  
18. Waa nin qowlkiisa iyo ficilkiisu isku mid yihiin.  
19. Waa mid ayna xaaskiisu uga baqan sidii bahalka oo kale.  
20. Waa mid aan cadho badnayn.  
21. Waa mid aan naftiisa oo qudha ka fikirin ee dareema in nafo kale uu masuul ka yahay  
22. Waa ninka ka digtoonaada xanta iyo wixii diinta khilaafsan
23. Waakan mid ay xaaskiisu usheegan karto waxa baahideedu tahay, dhakhsana uga hesho.  
 
Hadaba hadii uu ninku yahay mid laga helo timaamahan kor ku xusan oo ku sifooba wanaagyadan faraha badna waxa uu awood u leeyahay in uu ku guulasyto horumarka iyo raali noqoshada xaaskiisa, xaatii hadii ay iyadu tahay mid aan wanaag badan lahayn waxa ay u dhowdahay in ay ku
 saaqanto samafalka iyo dhaqan wadaaga ninkeedu u muujo ay ugu danbayta iyaduna noqoto mid aan ku kicin fil wanaagsan mooye mid cadho galiya saygeeda.

HAATUF

No comments: