08 November, 2010

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Max’ed Suldaan C/Qaadir Oo Soo Jeediyey In Madaxdhaqmeedyada Beeluhu Soo Doortaan Golaha Guurtida

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Max'ed Suldaan C/Qaadir Oo Soo Jeediyey In Madaxdhaqmeedyada Beeluhu Soo Doortaan Golaha Guurtida, Maadaama Ay Dhamaatay Mudadii Sharciyada Ahayd Ee Loo Doortey

"Qadiyada Uu Madaxwayne Siilaanyo Shirkada Wadaniga Ah Ee SOMCABLE Ku Siiyey Xaqii Ay Lahayd Waxaan Aamin-Sanahay In Shacbigan Dan Wayni Ugu Jirto, DALKOM Somalia Waxa Iska Leh Nin Reer Muqdisho Ah Oo Dubai Dagan" Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir


Hargeysa, November 8, 2010 (Haatuf) – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, ayaa soo jeediyey in madaxdhaqmeedada beeluhu ay soo doortaan Xildhibaanada golaha guurtida, maadaama oo ay dhamaatay wakhtigoodii sharciyada ahayd ee loo dhaariyey.

Waxaanu Suldaanku si weyn u difaacay, isla markaana Madaxwayne Siilaanyo uga mahad celiyey talaabadii uu ugu ogolaaday shirkada wadaniga ah ee SOMCABLE inay dalka keento Cable-ka isgaadhsiinta ee badda laga soo jiidayo, waxaanu sidoo kale eedayn u soo jeediyey xildhibaano wakiilada ka tirsan oo watay mooshin ka dhan ah shirkadaa wadiga ah ee SOMCABLE, isla markaana ay taageero ugu raadinayaan shirkada DALKOM Somalia oo uu iska leeyahay maalqabeen reer Muqdisho ah oo dagan magaalada Dubai.


Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf waraysi khaas ah ku siiyey gurigiisa magaalada Hargeysa.

Suldaanku waxa kale oo uu ka hadlay safarkii uu madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo dhawaan ku tagay Jamhuriyada Djibouti, waxaanu u mahadnaqay madaxwaynaha Jamhuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu ku tilmaamay shaqsi wax wayn ka tari kara arimaha qadiyada Somaliland, miisaan siyaasadeed oo wayna ku leh mandaqada geeska Afrika gaar ahaan IGAD, wadamada carabta iyo guud ahaanba beesha caalamka.


Suldaan Maxamed waxa kale oo uu ka hadlay shaqo xumo iyo musuqmaasuq uu sheegay in uu hadheeyey golaha deegaanka ee Hargeysa, isla markaana waxa uu baaq qaylo dhaan u diray madaxwayne Axmed Siilaanyo uu kaga dalbanayo in maayarka caasimada Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir in la soo horfadhiisiyo, suldaanku isaga oo ka hadlaya golaha guurtida ee wakhtigoodii sharciyadu dhamaaday, isla markaana ku dalbanaya in golaha guurtida ay soo doortaan madaxdhaqmeedka beeluhu, waxa uu yidhi  "Golaha guurtida laguma keeni karo doorasho, waa gole dhaqan, anigu waxaan qabaa oo aan soo jeedinayaa in golaha guurtidu sidii ay markii hore ku yimaadeen hadana ku yimaadaan, waayo waxay matalayaa waa ummada, waxaana quruxbadan oo danta dalku ku jirtaa in ay xul ku yimaadaan oo madaxdhaqameedku soo doortaan. Hadii doorasho lagu doorto xildhibaanada guurtida oo la soo doorto waxay dhibtu ku dhacaysaa oo ay haleelaysaa cidii soo dooratey, waxaan mar labaad soo jeedinayaa oo aan shacbiga iyo xukuumadaba u soo jeedinayaa in golaha guurtida loo soo xulo sidii markii hore loo soo xulay, waxaynu ognahay oo marag ma doon ah golaha guurtidu halka uu dalka soo gaadhsiiyey iyo dhibaatooyinkii uu ummada kala soo dabaashay kalamuu soo dabaasheen hadii aanu xul ku iman, waxa iyaduna run ah odayaasha dhaqanku in ay kala yaqaanaan ninka fidmo wadaha ah ee beelaha walaalaha ah kala dilaya iyo ninka dantooda iyo maslaxadooda ka shaqaynaya, laakiin hadii la yidhaa ha loo codeeyo,waxa loo codayn mid tuug ah ama mid fidmo wade ah oo kala dila ummadaa walaalaha ah ee wanaaga iyo nabada ku wada dagan. Waxa shaqada culus ee golaha guurtida ka dabaalan kara rag madaxdhaqmeedkoodu soo xulay".


"Markii ugu horaysay ee golayaasha qaranka la samaynayey, mudadii sharciyada ahayd ee la doortey waxay ahayd 5 sano, shantaa sano ayuunbay qaranka u dhaarteen inay daacad u noqdaan, shanta sanadood intaa danbe ee ka danbaysay ee ay isku kordhiyeen waxay noqonaysaa oo cad in aanay ummada u dhaaranba, markaa xildhibaanku hadii aanu dhaarsanayn oo xilka ummada uu u hayo aanu ugu dhaaran in uu daacad ugu shaqaynayo siduu doono ayuu yeelayaa. Xalay waxaan Tv-ga ka daawanayey arin aan aad ula yaabay runtii, waxaan daawanayey nin xildhibaan ah oo mushahar ka hadlayey oo leh ha naloo kordhiyo, waxa uu yidhi waxaan qaataa $400, markaa waxa uu ku doodayey ninkaas xildhibaanka ahi in mushaharka loo kordhiyo, markii aan intaa maqlay waxa markiiba niyadayda ku soo dhacay askarta reer Somaliland ee ummadooda daacada ugu adeegaya ee lacagta ka yar $30 qaata, ee waliba laga yaabo in uu dhawr reer ku masruufayo, waxa quruxbadan in xildhibaanada figradaas qabaa ay u daneeyaan kuwa ay hurdada ku ladaan, hadii ay askarta u danayn waayaan shacbigii soo doorteyna u danayn maayaan.


Xukuumada cusub ee talada dalka haysa waxa aan kula talinayaa in ay dhaariyaan xildhibaanada golayaasha iska fadhiya ee wakhtigoodii sharciyadu ee ay ummada u dhaarteen uu dhamaaday"

Sudlaan Maxamed Suldaan C/qaadir mar uu ka hadlayey shirkada SOMCABLE, isla markaana uu ku dhaleecaynayey dadka taageersan shirkada DALKOM Somalia, waxa uu yidhi "Shirkada SOMCABLE waxa inoola yimid nin ganacsade ah oo reer Somaliland ah oo muwaadin ah, isagaana arintaas soo dhamaystey oo ilaa France iyo meelkastaba ka soo dhamaystey, madaxwaynihii hore ee Rayaale wuu ka ogalaaday markii hore, intaa ka dib waxa soo baxday qolo cusub oo malaha kharashkii la bixinayey ka yara  gacan roonaadey ninkii hore loogu saxeexay, madaxwayne Rayaale talaabadii uu qaaday waxay noqotey in uu ninkii muwaadinka ahaa ka qaado ruqsadii, nimankaas iska leh shirkadaa kale ee koonfurta laga leeyahay ee Dalkom Somalia reer Somaliland umay ogolayn 5% inay ku lahaadaan, qoladaa qorshahoodu waxa uu ahaa in dhaqaalaha Somaliland oo dhan laga xukumo Muqdisho, isla markaana ay meesha ka baxaan shirkadaha isgaadhsiinta sida Telesom, Telcom iyo Somtel-ba. 


Anigu waan aqaanaa ninka iska leh shirkadaas Dalkom Somalia, waxa la yidhaa Shariif, waxaanu dagan yahay Dubai, waana nin reer Muqdisho ah oo Hawiye ah, waa ninkii ay shuraakada la ahaayeen ee ku lug  lahaa Baatroolkii barigii ay keeneen Ilma Faarax Xarbi, anagu barigaa geed dheer iyo geed gaabanba waanu u kornay, markii danbe ayaanu sheekada fahanay, ninkan Shariif la leeyahay waxa weeyi nin qolada TFG-da u fadhiya Dubai oo dhaqaalaha lagu caawiyo dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia isaga ayaa laga sii qaataa, waxa halkaa ka cad in ninkaas ganacsadaha ah ee reer Muqdisho uu Cable-kan badda hoos mara u galay danta dadkiisa".


Suldaan Maxamed isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray "Xukuumadan talada dalka haysa ee uu hogaaminayo madaxwayne Axmed Siilaanyo waxaan uga mahadnaqayaa qaabka ay samaysay ee cadaalada ku salaysan. Hadii anigu intaan daasad gudaafad ka soo qaato la igaga dhago, hadii markaa xukuumadaas jirtaa inta ay waxba iiga qaban wayday ay xukuumada danbe ee iyada ka danbaysaa ay ii soo celiso, waxa ay samaysay cadaalad wayn".

"Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay waar inta aad ninka Hawiye aad sheerarka la galaysaan ee aad kula heshiinaysaan waxaan dalka dani ugu jirin, taageera oo gacan qabta muwaadinkiina ku hawlan in uu dalka wax ku soo kordhiyo, isagana la gala sheerarka aad kuwaas la gali lahaydeen. shacbiga waxaan ugu baaqayaa in ay ka fikiraan dantooda oo ay iska ilaaliyaan dagaalka dhaqaalaha ee bilaabmay.


waxa xaqiiqo ah in ninka muwaadinka ah ee iska leh shirkada wadiga ah ee SOMCABLE in ay danta dalku ku jirto oo faa'ido badani shacbiga ugu jiraan, laakiin ninkaa reer koonfureedka ah aanay wax dan ahi ugu jirin oo dalka aanu u ogolayn wax ka badan 5%. Waxaan aaminsanahay lacag faa'ido ah oo badan hadii uu nin reer koonfureed ahi uu ka qaato Somaliland in uu dhaqaalahaas dhibaato ugu gaysanayo ummada aynu walaalaha nahay ee koonfurta oo siyaabo kale oo khaldan loogu tagri fali doono. Qadiyada uu Madaxwayne Siilaanyo shirada wadaniga ah ee Somcable ku siiyey xaqii ay lahayd, waxaan aaminsanahay in shacbiga dan wayni ugu jirto. waxaanu xukuumada cusub ku taageersanahay talaabadaas ay maslaxaada Somaliland ku jirto ee shirkadaa wadaniga ah loogu ogolaaday in ay keento Cable-ka isgaadhsiinta ee badda laga soo jiidayo".


Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir mar uu la hadlayey xildhibaano taageersan shirkada Dalkom Somalia, waxa uu yidhi "Xildhibaanada u doodaya in shirkada Dalkom Somalia, waxaan leeyahay waar u dooda oo u ololeeya shirkada wadaniga ah ee Somcable, hadii aad ka talinaysaan danta ummadiina. Waxaan u sheegaya xildhibaanada qadar lacag ah oo aad ka qaadato meel waxa ka qiimo badan wixii dalkaaga dani ugu jirto ee shacbigaaga horumar u keenaya. Ugu danbeyn xildhibaanada sharafta leh ee wada arinta ka dhanka ah shirkadaa wadaniga ah, waxaan u soo jeedinaya ka noqda waxaad aad wadaan oo taageera ninkaa muwaadinka ah ee dalka waxa wayn ku soo kordhiyey"


Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir isaga oo ka hadlaya safarkii uu madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku tagay dalka Djibouti iyo waxa la odhan karo way uga soo qabsoomeen safarkaas, waxa uu yidhi "Safarkaas uu madaxwayne Siilaanyo ku tagay Djibouti waxa ay iila muuqataa guul wayn oo Somaliland u soo hoyatey, waxaana la odhan karaa waa talaabo ay Somaliland u qaaday xaga Ictiraafka"

Suldaan Maxamed mar uu ka hadlayey Madaxwaynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo sidii uu u soo dhaweeyey madaxwaynaha Somaliland, waxa uu yidhi "Madaxwaynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu shacbiga reer Somaliland ka kasbaday kalsooni faro badan iyo taageero aad u wayn, madaxwayne Geelle waxa u hore gurmad ugu galay walaalaheen Koonfurta oo uu isku dayey in uu abaalkii Djibouti loo galay in uu u celiyo, in badan ayuu aad u dadaalay laakiin waxba ugamay qabsoomin dadaaladaas oo dadkii koonfurta ayaan fahmin Somali-nimada iyo walaalnimada uu  ugu naxayey, laakiin soo dhawayntii qiimaha lahayd ee uu soo dhaweeyey madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo waftigiisii, waxay noqonaysaa mid taariikhi ah".


Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir mar uu ka jawaabayey su'aal ahayd sida uu u arko kala duwanaanshahay siyaasada arimaha dibada ee  madaxwaynihii hore Somaliland Daahir Rayaale iyo madaxwaynaha hada Axmed Siilaanyo ee ay ku kala gadisnaayeen sida ay u abaarayeen arinta qadiyada Somaliland, waxa uu yidhi "Waxaan aad ugu farxay markii aan arkay ee aan Tv-ga ka daawaday madaxwaynaha Siilaanyo oo si toos ah ugula gor-gortamaya qadiyada Somaliland madaxwayne Geelle, waxa uu si cad u yidhi madaxwayne Siilaanyo oo uu ka codsaday madaxwaynaha Jamhuriyada Djibouti in ay kala shaqeeyeen sidii qadiyada Somaliland ay uga dhaadhicin lahaayeen wadamada IGAD iyo aduunwaynahaba, hadalkaa markuu lahaa Axmed Siilaanyo, madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle aad ayuu madaxa u ruxay, waa hadal cad oo shacbiga jidhiidhico galiyey. Laakiin madaxwaynihii hore askari ayuu ahaa takhasuskiisuna waxa uu ahaa cid uu dhagaysto iyo sirdoon oo wuxuu ahaa sarkaal nabadsugida ka tirsan, halka uu madaxwayne Siilaanyo Diblomasiyada ku bartey oo uu ku soo dhexjiray wakhti dheer taas ayaa keenaysa in uu si cad qadiyada Somaliland ugula gor-gortamo wadamada jaarka, markaa sidaas ayey u kala khibrad badan yihiin madaxwaynihii hore ee Somaliland iyo madaxwaynaha hada talada hayaaba. Aqoonsiga Somaliland waxaan aaminsanahay in uu maanta ugu dhaw yahay oo ay shacbiga heli doonaan wixii ay mudada badan u soo dadaalayeen. Aqoonsigeenuna waxa uu u baahan yahay dhaqaale, waxaana loo baahan yahay in wufuuda kuu imanaysa aad wax siiso oo aad wax ka iibsato".


Suldaanku mar uu ka hadlayey golaha deegaanka Hargeysa oo uu sheegay ay ummada madaxa isku wada galiyeen, waxaanu xukuumada u soo jeediyey in ay wax ka qabtaan habdhaqanka iyo karti daro uu sheegay in ay ku habsatey golaha deegaanka Hargeysa, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi "Masuuliyiinta Golaha deegaanka ee uu maayarku ugu horeeyo hadii aan ummada laga qaban dhib wayn ayaa ka iman karta, waxa magaalada ka dhacay  in dhul qof leeyahay oo uu sharcigiisii haysto oo uu cashuurtii sanad walba bixiyo in qof kale la iska siiyo, markaad tidhaa waar meeshan aad dadka siiseen miyaanay ahayn meeshaydii lacagta cashuurta ah la iga qaadi jiray mar walba, jawaab ku shaafida laguma siinayo, taasi waxay keenaysaa in adna markaa aad meeshii col galiso oo dhibaato halkaas ka dhacdo. Meesha la yidhaa Masalaha mishkilad ayaa ka taagan, dhul uu bixiyey maayarkan kii ka horeeyey ee sadexaad oo la kala iibsaday, marka maanta lagu yidhaahdo biriishyo ayaa lagu dhisayaa, sadex Garoon kubadeed oo meel ku wada yaala caalamka laguma arag, sadexdaa garoon waa la hayaa waraaqihii ay dadkii lahaa ku bixiyeen ee ay dan guud ahaan ugu bixiyeen, markaas ayey niman hay'ad oo BAAY la yidhaahdaa ay yidhaahdeen caruurtaanu wax idiin baraynayaa, markaanu aragney iyagoo caruurtii calaamadii Karooska ahayd samanaya ayaanu nidhi caruurtayada garoonkaa aanu siinay wax ugu sheega, markii danbe hay'adii way iska tagtey, garoomadiina wax aan ahayn lix birood oo ay kaga tagtey may jirin, anaguna waxaanu ugu tabaruucnay sadexboqol iyo kontan mitir iyo afar boqol oo mitir in loogu sameeyo garoonkii kubada cagta, kii fooli boosha, kii baaskitka iyo guud ahaanba kuwii Sports-ka, iyadoo markii hore dadka lagu yidhi hadii aad intaa bixisaan wax danbe la idiinku iman maayo ayaa hadana waxa la leeyahay waxa dhulkiinii la siiyey Biriijka, waa nasiib daro oo waa xaq daro arintaasi"


 Suldaanku isaga oo ka hadlaya dhul uu lahaa oo laga qaaday, waxa uu yidhi "Anigaygan kula hadlaya ee Suldaan Maxamed ah, meel ka soo horjeeda Kawaanka, shirkad Maandeeq la yidhaa ayaa dhisatey, dhulkaas markasta cashuurtiisa waan bixin jiray, ilaa maantana sifo la igaga qaaday garan maayo. Xukuumadii Rayaale Maayarna lamay hadlayn cidna lamay hadleyne, waxaan dawladan cusub leeyahay ha nalaga qabto maayarka Hargeysa oo ha la iskaaya soo horfadhiisiyo, maayarku waxa uu abuurayaa dad kicin iyo burbur, mar wuxuu odhanayaa dhulkiinii waan idin siiyey marna wuxuu odhanayaa waa dan guud"


Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir mar uu ka hadlayey fal uu doraad sameeyey afhayeenka madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cakuse), isla markaana uu talo ku siinayey afhayeenka, waxa uu yidhi "Afhayeenka madaxtooyadu waxa uu ahaa bahda saxaafada kuwooda ugu cad cad, maantana waa afhayeenka madaxtooyada Somaliland waxaan jeclaaday in aan midh waano ah aan u soo jeediyo, waxaan odhanayaa bahdaadii C/laahi Cakusoow ha ka bixin ee soo dhawee oo la shaqee"

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir mar uu ka hadlayey waxa xukuumada talada haysa u qabsoomay 100 cisho ee ugu horeeyey oo maanta ku beegan waxa uu sheegay in xukuumada wax wayni u qabsoomay, balse la odhan karo waxa ay ku liidataa xaga amniga oo dhaliisheeda ugu wayni ay tahay arimaha amaanka.


Dhinaca kale warqad qoraal ah oo uu Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir xalay soo gaadhsiiyey xafiiska wargeyska Haatuf, isla markaana kaga hadlayo kaaf iyo kala dheerida xildhibaanada wakiilada ee hadh iyo habeenba wasiirka maaliyada ka codsada in mashaharka loo kordhiyo iyo askariga 24-ka saac ilaalinaya amnigooda ee qaata waxa ka yar $30, waxaanu suldaanku qoraalkiisaas oo dhamaystirani u dhignaa sidan:-

"Sedexda gole qaran waxay ummadu u dooratey mudo shan sano ah, loona dhaariyey, mudadiina way ka dhamaatey dibna looma dhaarin, awood uma laha mudo ay kordhiyaan iyo mudo ay iyagu kordhistaan midna, waayo wax sharci ahba kuma fadhiyaan  maadaama oo wax sharci ah oo ay ku fadhiyaanba aanu jirin ma ansixin karaan xeer iyo sharci toona. Sidaa daraadeed marka dib loo dhaariyo ayey ummada matali karaan, wakiilna ka noqon karaan. Markaa xukuumada cusub waxaan leeyahay isbadalkii la doonayey, meelihii la doonayey in uu ka yimaado waxa kaw ka ah sadexda gole Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanka midna lama taaban, halkaa hadaan la dhexgalina waxaan aaminsanahay in aanu jirin wax isbadal ah oo imanayaa, markaa isbadaldoonkiinu ma waxa uu ahaa in aad mudada u kordhisaan idinka oo aan dhaarin. Waxaan leeyahay isbadalkii halkii uu ka imanayey way muuqataaye sidii Gorayadii lugta ha kala maagina ciyaarta'e saani gacanta u galiya.


Midan aad leedihiin golaha guurtidu doorasho ayuu ku imanayaa wax la aqbali karayo iyo wax suuro gal ah midna maaha ee goluhu waa gole dhaqan, marka dhaqanka laga hadlayo anigu waan aqaan ninka tuuga ah ee aan dadka ka qabanayo iyo samo-taliska, nin reeraha isku jabinaya iyo ninka sahankiisu wanaagsan yahay ee maslaxada beelaha iyo ummada guud ahaan ka talinaya iyo ninkaan ummada ka hortaaganahay. Sadexda gole qaran waxay u dhaarteen mudo shan sano ah, shantii sano way dhamaadeen, wixii mudo ay kordhisteen cidna uma dhaarsana intaas oo khiyaamo qaran ah ayey geysteen dhan walba way u rideen cid la xisaabtanteyna ma jirto, shacbigan Somaliland ee masaakiinta ee aqoonta diblomaasiyadeed ku yartahay yaa uga masuul ah?.


 Xildhibaankii ka tirsanaa golaha wakiilada ee shalay hadlayey ee lahaa waxaan qaataa $400 ee mushaharka hanaloo kordhiyo miyaanu hoosba u eegin askariga gobolada fog fog ka yimid ee aan guriga lahayd ee ku shaqeeya $30 ee kiro laga doonayo, fiiga waxbarashada laga doonayo ee biilka laga doonayo ee xidid iyo xigaalba leh iyo marti iyo mudane ee nabadgalyadiisa habeen iyo maalin u soo jeeda ee uu wakiilka u yahay, miyaanu ka fikirin xildhibaankaasi. Miyaanu la mid ahayn ninkii 100 laxaad lahaa, ee ninka laxda kaliya lahaa ku yidhi aan boqol kaga dhigto".


HAATUF

No comments: