Hawlgalladii gudaha ee SNM guulaha ka gaadhay waxaa ka mid ah Jabintii jeelka Mandheere. Hawlgalkaa Jeelka Mandheera lagu jabiyay oo ahaa jeelka 3aad ee ugu weyn dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya kaasoo dhacay 02/1/1983kii hawlgalkaas oo ay fuliyeen koox ka tirsan Halgamayaashii SNM, iyagoo hawlgalkaa ku furtay dad badan oo maxaabiis ahaan ugu curduduubnaa jeelkaas oo uu taliskii Siyaad Barre u adeegsan jiray cabudhinta iyo cadaadinta dadkii ku noolaa goboladii waqooyi (Somaliland).
Hawlgalkaas oo loogu magac daray (Badbaado) waxa uu ku beegnaa 02 January 1983kii, waxaa hogaaminayay halgamayaashii SNM ee hawlgalkaa fuliyay Ilaahay ha u Naxariistee Muj: Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyagoo ka soo ambabaxay saldhigii Gaashaamo oo uu taliye ka ahaa Muj: Maxamed Kaahin Axmed, kuwaas oo ku guulaystay hawlgalkii ay fulinayeen, iyagoo u soo babac dhigay ciidamadii cududa isbidayay ee ka amar qaadanayay taliskii Muqdisho ee Siyaad Barre............................SII AKHRI
TogaHerer News Network » Sanad Guuradii 28 Aad ee Hawlgalkii Badbaado ee lagu jebiyay Jeelka MandheeraLixle Damacyadiisii
Diric Ina Saleebaan
Duxan baan ku dhaartay
(Daalalo, Hadraawi)
Hawlgalladii gudaha ee SNM guulaha ka gaadhay waxaa ka mid ah Jabintii jeelka Mandheere. Hawlgalkaa Jeelka Mandheera lagu jabiyay oo ahaa jeelka 3aad ee ugu weyn dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya kaasoo dhacay 02/1/1983kii hawlgalkaas oo ay fuliyeen koox ka tirsan Halgamayaashii SNM, iyagoo hawlgalkaa ku furtay dad badan oo maxaabiis ahaan ugu curduduubnaa jeelkaas oo uu taliskii Siyaad Barre u adeegsan jiray cabudhinta iyo cadaadinta dadkii ku noolaa goboladii waqooyi (Somaliland)."
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment