24 November, 2011

Ahmiyada Bangiyada Islaamiga iyo Adeegyadooda: Saciid Cabdillahi Saciid.

Ahmiyada Bangiyada Islaamiga iyo Adeegyadooda: Saciid Cabdillahi Saciid.


   Hordhac:
Waxaynu sanadahan u danbeeyey goobjoog u ahayn isbedel xoogan oo hilfaha u qaaday suuqyadii maaliyadeeed ee bulshada reer galbeed, iyadoo khalkhal iyo jahawareer dhaqaale uu ku dhacay bangiyo iyo hay'ado maaliyadeed oo magac iyo maamuusba ku lahaa suuqyada maaliyadeed ee dunida. Waxa intaas dheer in dawlado ka horumaray dhanka Tiknoolojiyada casriga ahi ay weheshanayaan warwar iyo walaac dhaqaale kadib markii ay ku dhawaaqeen in aanay iska bixin Karin daymaha lagu leeyahay taasoo sababtay in masuuliyiin badani xilalkoodii waayeen kadib markii ay khaati iska taageen mudaharaadyada joogtada ah ee ay dhigayaan shucuubtooda hantidoodii waayey. Taa ka soo horjeedkeeda waxa jira hay'ado iyo bangiyo ka badbaaday aafooyinkaa dhaqaale isla markaana ku jira koritaan iyo kobac balaadhan—waa bangiyada iyo shirkadaha ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamka. Hadaba maqaalkan waxaan ugu talo galay in aan si kooban ugu soo gudbiyo sawir guud oo iftiiminaya nidaamkan maaliyadeed ee Islaamiga ah, kaasoo soo jiitay indhaha bulshawaynta caalamka guud ahaan, gaar ahaan daneeyayaasha isbedelada dhaqaale ee dunida.

Bangiyada Islaamiga ah. 
Ugu horeyn aan is waydiino waxa ay yihiin bangiyada Islaamiga ahi. Bangiyada Islaamiga ahi waa hay'ado maaliyadeed oo hadafkoodu yahay inay fuliyaan dhamaan adeegyada loo baahanyahay inuu bangi qabto iyada oo si feejigan loo ilaalinayo mabaadiida shareecada Islaamka iyo hanaanka maaliyadeed ee islaamiga ah isla markaana laga fogaanayo waxa loo yaqaano dulsaarka ama ribada iyo wax kasta oo madmadow ku jiro. Waxa khubaro badan oo caalami ahi ay ka markhaati kacayaan kobaca iyo koritaanka laxaadka leh ee ay sameynayaan hayadahan sodomaadka sano jirsaday ee ku shaqaynaya hanaanka maaliyadeed ee ribada ka madaxa banaan. Horumarkan oo runtii ka dhashay hufnaanta mabaadiida ay ku shaqeeyaan bangiyadani iyo ka jawaabida baahiyaha mudanta ah ee macaamiisha ay u adeegaani wuxuu sababay in bangiyadani ay ku faafaan qaaradaha oo dhan.

Hiigsiga Bangiyada Islaamiga ah:
v Bangiyada Islaamiga ahi waxa ay hiigsanayaan kor u qaadid dhaqaale oo miisaaman taasoo ku waajahan bulshada ay ka dhex shaqaynayaan, iyaga oo islamarkaana tiigsanaya kasbashada macaash xalaal ah.
v Bangiyada Islaamiga ahi waxay sidoo kale tusaale muuqda u yihiin hirgelinta cadaalada umada dhexdeeda, iyaga oo ilaalinaya hantida mulkiilayaasha bangiga, xuquuqda macaamiisha bangiga iyo xurmaynta hantida guud ee umada.
v Bangiyada Islaamiga ahi waxay sidoo kale hiigsanayaan dhawrista iyo dhug u lahaanshaha mabaadiida iyo qawaaniinta guud ee shareecada Islaamka.
v Bangiyada Islaamiga ahi waxay hiigsanayaan furfuridda dhaqaalaha wadanka iyo fududaynta farsamooyinka ganacsi ee bulshada.



Doorka Bangiyada Islaamiga ah:

Bangiga Islaamiga ahi waxa uu ka ciyaaraa door laxaad leh arimaha dhaqan dhaqaale ee bulshada uu ka dhex shaqeeyoo.
v Bangiga Islaamiga wuxuu ciyaaraa door isku xidh/dhexdhexeeye maaliyadeed (Financial Intermediary) taasoo hanti maalgalineed loo kala qaado dadka haya hanti maalganineed iyo kuwa haya mashaariic maalgalineed. (Capital owners and Entrepreneurs).
v Bangiga Islaamiga ahi waxuu sidoo kale fududeeyaa arimaha ganacsi ee wadanku leeyahay isagoo isticmaalaya habab casri ah oo loogu talagalay fududeynta ganacsi ee wadamada ka dhexeeya (Inter-trade Facilitation).
v Bangiga Islaamiga ahi wuxuu kor u qaadaa kaydka maaliyadeed iyo dhigaalka wadanka isaga oo macaamiisha ka qabta xisaab bangiyeedyada kala duwan.
v Bangiga Islaamiga ahi wuxuu fuliyaa adeega loo yaqaano Qard-al-Hassan kaasoo muhimad weyn u leh bulshada, macnaheeduna yahay 'dayn aan dulsaar lahayn' taasoo bangigu uu ku taageero dadka hayntoodu ay kaabista u baahantahay (Defecit Units).
v Bangiga Islaamiga ahi wuxuu sidoo kale qaataa door la talineed (Consultancy Role) taasoo uu siiyo ganacsatada iyo maalgashatada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba, waxa uu sidoo kale bangigu badhitaaraa ganacsatada soo koraysa (Small Business Traders) isaga oo u diyaariya mashaariic maalgalineed oo qodaxda laga guray.

Adeegyada Bangiyada Islaamiga ah oo kooban:
  1. 1.     Mudaraba: (Trust Financing).
Waa hab maalgalineed Islaami ah taasoo ay labada dhinac ee macmiilka iyo bangigu isku darsanayaan hanti iyo karti uu heshiis weheliyo. Bangigu wuxuu noqon karaa dhinaca keenaya hantida maalgalineed halka uu macmiilkuna keenayo kartida iyo khibrada ganacsi, amaba macmiilka ayaa bixinaya hantida bangiguna kartida iyo khibrada. Hantiiluhu wuxuu bangiga ka dalban karaa in hantidiisa loogu maalgaliyo mashaariic gaar ah oo uu isagu cayimay amaba waxa uu u dhaafayaa in bangigu ku maalgaliyo mashaariic maalgalineed oo midho dhal ah.
  1. 2.     Musharaka. (Participating Financing).
Waa hab-maalgalineed ay fuliyaan bangiyada Islaamiga ahi taasoo micnaheedu yahay 'Wadaag' ama wax isku darsi ganacsi, oo labada geesood ee bangiga iyo macaamiishu ay isku darsanayaan hanti maalgalineed kadibna ay wadaagayaan dheefta iyo dhibta ka dhalata ganacsigaasi iyada oo wax kastaba lagu jaangoynayo heshiis ganacsi oo raali lagu wadayahay.
  1. 3.     Murabaxa. (Sale with Profit).
Waa iib ama adeeg isticmaalkiisu batay taasoo ay macaamiishu bangiga ka dalbanayaan inuu u maalgeliyo alaab ama adeeg ay u baahan yihiin, kadibna bangiga ayaa bilaabaya maalgelinta iyo la soo wareegida alaabtaasi isaga oo ka sii iibinaya macmiilka isla markaana kala heshiinaya macaashka iyo mudada iibka.
Adeegan Muraabaxada oo loo qaabeeyey habab kala duwan waxa uu ka jawaabay baahi bulsheed ganacsi waxaanu soo jiitay macaamiil farabadan oo ku xidhan bangiyada Islaamiga ah, waana sababta ay muraabaxadu u noqotay adeega loogu isticmaalka badan yahay marka la barbardhigo adeegyada kale ee bangiyada islaamiga ahi fuliyaan.
Muraabaxada waxa loo isticmaalaa in lagu maalgeliyo mashaariic kala gedisan oo ay ka mid yihiin:
v Maalgalinta Guryaha.
v Maalgalinta Gaadiidka.
v Maalgalinta Alaabaha kala duwan (Inventory, Equipment & Raw materials.
v Waaridida iyo soo dhoofinta alaabaha (Import and pre shipment export financing).
v Maalgalinta arimaha bulshada sida Waxbarashada, Guurka, Caafimaadka iyo Dalxiiska. (Package Financing).


Saciid Cabdillahi Saciid.
4428498/4470037.

No comments: