Caqabadaha horyaal doorashooyin xor ah oo xalaal ah iyo xalka lagaga gudbi karo Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac
Caqabadaha horyaal doorashooyin xor ah oo xalaal ah iyo xalka lagaga gudbi karo
Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac
Doorashooyinku waa qayb muhiima oo dimuqraadiyadu leedahay. Waa ta u saamxda muwaadinku in uu doorto ka xukumaya. Doorashadaas waxa loo maraa asxaabta ama ururada siyaasadeed. Sidaas awgeed, ururada/asxaabta siyaasadeed waa kuwa soo xula ama qora cida dalka xukumay. Marka laga bilaabo Madaxweynaha dhamaan dadka dalka xukumaya waxa si dadban ama toos ah u soo xula asxaabta/ururada siyaasadeed. Ururada/asxaabta siyaasadeed waay tartamaan si aay u helaan cod. Tartankaas oo aay ku baxdo lacag badani.
Lacagtaasi waxa aay ka timaadaa ilo kala duwan. Cidda lacagta siisa urur/xisbi ama qof waxa aay saamayn ku yeelataa go'aanada uu qaadanayo ama/iyo cida loo xulayo hogaaminta dalka. Waayo lacag la'aanteed urur/ xisbi na ma soo bixi karo. Dhinaca kalena ururkii/xisbigii waxa uu u bahaan yahay lacag si uu tartamo ama u jiro. Waydiintu waxa aay tahay, sidee la isugu miisaamayaa in urur/xisbi ama qof lacag la siiyo iyo in laga hortago saamayn quracan oo lagu yeesho?
Wadamada dimoqraadiyadoodu mudada dheer soo jirtay ee ka soo dabaashay duruufo badani, waxay aay dejiyeen xeer adaga oo waajib ka dhigaya qofka ama urur/xisbi siyaasadeed in uu sheego oo cadeeyo xadiga lacag ah ee uu doorasho ku gelayo iyo ilaha aay ka soo galeen. Taa waxa looga gol leeyahay in aan cid shisheeye ah ama qof ama koox gaar ihi gacanta ku qaban hogaanka dalka. Waxa jira dhawr arimood oo waxyeelo ku ah in la helo doorasho xor ah oo xalaal ah iyo in dimoqraadiyadu bed qabto oo noqoto mid lagu kalsoonaado. Maanta oo la furay ururo siyaasadeed oo cusub, waxan soo jeedin lahaa in la qaado talaabooyinkan si doorashadu u noqoto mid xor ah oo xalaal ah:
- Xadidida lacagta qof, koox, shirkad ama urur siin karo musharax, xisbi ama urur. Waa in la xadidaa lacagta u badan (maximum) ee loogu deeqi karo xisbi/urur si looga hortago in qof ama shirkadi maalgeliso xisbi oo dabadeed hadhoow uu adeegsato oo u maamusho.
- Si aan xisbiga/ururka ama qofka lacag badan haystaa oo keliya u soo bixin oo aanay noqon in takoor ku salaysan hanti u iman, waa in la xadida lacagta qof ama urur/xisbi uu qarash garayn karo doorashada.
- In la mamnuuco in wax lacag ah laga helo debeda ama shisheeyaha. Ma jiro dal ogol in shisheeye maal geliyo urur/xisbi siyaasadeed ama qof tartamaya. Yaa shisheeye ah? Qofka ka soo jeeda Somaliland ee ku nool tusalae ahaan USA ee mudo halkaa degenaa dhalashada dalkaas qaatay, ma Somalilander baa mise waa American. Yaa og in uu daacad u yahay Somaliland ama ogol yahay muwaadininimadeed? Lacagata uu bixiyo ma mid muwaadin bixiyey uun baa loo qaadanayaa? Waa in aaynu ogaanaa in muwaadinimada lagu helo hab oo qof kasta oo ina hebel ahi aanu ahayn muwaadin.
- In la mamnuuco in xisbi/urur ama qof uu u adeegsado warbaahinta debeda ololaha doorashada .
- In la mamnuuco in xisbi/urur ama qof u siin karo codbixiyaha wax hanti ah sida qaad ama lacag kaash ah. In wax la siiyo codbixiyaha waxa aay ka dhigan tahay in aan doorashadu ahayn xor. Waa in la mamnuucaa oo ka bixinaya iyo ka qaadanayaba la ciqaabaa.
- In lagu daro Xeerka doorashooyinka ciddii jebisa ciqaabta la marinayo. tusaale, hadii goobata codbixinta lagu shubto doorashada, yaa masuuliyadeeda qaadaya? Qofka ula yimaada goob codbixin lacag uu doonayo in ku boobo doorasho waa inuu u ogyahay sharci xaaraantinimaynaya oo ciqaabi kara.
Guuleed Axmed Dafac 4468227
No comments:
Post a Comment