11 October, 2011

Xubnihii UDUB Iyo UCID Ee Doorashadii Madaxtooyada Kulmiye Ku Biiray Iyo....


Liiska Siyaasiyiinta U Kala Guur-Guuraya Axsaabta, Xubnihii  UDUB Iyo UCID Ee Doorashadii Madaxtooyada Kulmiye Ku Biiray Iyo Tabcada Lala Helay Xisbiyada Hore U Jiray
HAATUF

Akhristayaal waxaanu idiin soo gudbinaynaa qaybtii 14aad ee barnaamijka liiska siyaasiyiinta axsaabta u kala guur-guuraya ee sida taxanaha ah aanu idiinku soo bandhigno, kuwaas oo ururada cusub ee siyaasada ee lagu dhawaaqay ay saamayn ku yeesheen saddexdii xisbi ee hore u jiray Kulmiye, UCID iyo UDUB, xubnahoodii golayaasha Baarlamaanka ugu jiray oo mudanayaal door ahi ay muddadii lixda sano iyo dheeraadka ahayd ee golahaasi jiray ay dhawr jeer ka guur-guureen xisbiyadii laga soo doortay, iyadoo ka hor intii aan wax ka badal iyo kaabis lagu samaynin xeerkii axsaabta ee xeer Lr 14/2000 ay sharci daro ahayd in xubnaha golayaasha Baarlamaanka iyo deegaanadu xisbiyadii laga soo doortay ay ka baxaan, kaas oo qodobka 7aad ee xeerkii hore ee Lr 14/2000 uu dhigayay in xubnaha golayaasha ee laga soo doortay xisbiyada muddada xilka golayaashooda aanay ka bixi Karin, isla markaana aan laga saari Karin xisbiyada laga soo doortay, hase yeeshee xeerka cusub ee ururada iyo axsaabta siyaasada xeer Lr 14/2011 ee golayaasha Baarlamaanku ay wax ka badalka ku sameeyeen ee ururada siyaasada ee cusub furitaankooda lagu sharciyeeyay mudaneyaasha Baarlamaanku ka saareen xeerka cusub qodobkaasi xayirayay in mudanayaashu xisbiyo iyo ururo kale ku biiraan, iyagoo isla markaana ku jideeyay in xildhibaanada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka haddii xisbiyadii laga soo doortay ay ku hadhaan doorashooyinka golayaasha deegaanada ay ku biiri karaan xisbigay doonaan, taas oo sababaha ay wakiiladii laga doortay xisbiyadu ay ugu digo-roganayaan ururada cusub ugana baxayaan xisbiyadii laga soo doortay.

Saddexda xisbi ee hore u jiray ayaan iyagu hore uga hadlin 13 xildhibaan oo iyagu kasoo kala jeeday UDUB iyo UCID oo xilligii ololihii Doorashada Madaxtooyada ee sanadkii hore 2010-kii ka qabsoontay dalka, warsaxaafadeed ay soo saareen ku cadeeyay in xisbiga Kulmiye ay ku biireen kana baxeen UCID iyo UDUB, kuwaas oo todoba ka mid ahi ay ka soo jeedeen xisbiga UDUB halka lix ka mid ahina ay ka tirsanaayeen UCID. Todobada mudane ee xisbiga UDUB laga soo doortay ee horaantii 2010-kii Kulmiye ku biiray ay kala ahaayeen:-
1. Md. Aadan Tarabi Oogle 2. Md Farxaan Maxamed Cali 3. Md Maxamuud Dhunkaal Guutaale, 4. Md C/casiis Ismaaciil Dhul-cun, 5. Md Xariir Siciid Bulaale, 6. Ex Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), 7. Md Ibraahim Maxamed Xuseen.

Halka mudanayaashii UCID ee Kulmiye ku biirayna ay ka mid ahaayeen:-
1. Md Bashiir Xuseen Tukaale, 2. Md Maxamed Jaamac Cali, 2. Md Maxamed Jaamac Cali, 3 Md Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), 4. Md Jaamac Xasan Aadan, 5. Md Mahdi C/llaahi Maxamuud.
Xisbiyada Udub iyo Ucid ayaan iyagu ka hadal xilligaasi ay wakiiladoodu ka guureen iyo markii wax ka badalka lagu samaynayay xeerka axsaabta ee xeer Lr 14/2000.
La soco……….

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: