09 April, 2011

Waxqabadkii Xukuumadda January-March 2011 Q. Sadexaad

Waxqabadkii Xukuumadda January-March 2011 Q. Sadexaad

Hargeysa -Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waxqabadkii xukuumada Somaliland ee bilihii January-March 2011 ee dhawaan xukuumaddu soo bandhigtay.
waxaanu  idiinku soo gudbinaynaa qeybtii sadexaad oo u qornayd sidan:-

W. Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga:
-          Iyada oo laga duulayo Balan-qaadkii Madaxweynaha waxa gobollada iyo degmooyinka dalka loo kala diray 30 kooxood oo ka tirsan Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Dhakhaatiir madaxbanaan oo iska kaashanaya daawaynta iyo daryeelka xoolaha, kooxahaas oo ka kala hawl-galay Afar gobol ee xuduudka la leeyahay Itoobiya (Sool, Togdheer, Maroodi-jeex, Awdal iyo  Gobolka Saaxil oo ah marinka Xoolaha ee ugu wayn Geeska Afrika. Kooxahaas gurmadku waxay u kala hawl-galeen Saddex weji oo kala duwan, iyada oo weji kastana ay goboladaasi uga hawl-galayeen min 10 kooxood.
-          Dawooyinka ay kooxuhu ku hawl-galeen ka sokow waxa gobolka Sanaag loo diray dawooyin badan si loola tacaalo cudurada ka dhashay abaaraha, iyada oo ay u qorshaysan tahay weliba in laba kooxood xarunta lagaga daro si loo xoojiyo hawlaha gobolkaasi.
-          Intii lagu guda-jiray gurmadka iyo daawaynta xoolaha Somaliland, waxa lagu guulaystay inay ka soo baxdo natiijo wax ku ool ah,kuwaasoo u kala dhignaa sidan hoos ku xusan:
D. Natiijada Mashruuca Gurmadka Deg dega ah ee Daaweynta
NoWajigaMudadaGobolkaAdhiGeelLoDameeroH/H
11AAD25 Dec -12 Jan (17 days)Sool, Saxil, Awdal, tog, M/jeex27002588311285285 
22aad24 Feb – 10 March (15 days)Sool, Saxil, Awdal, tog, M/jeex20480593371225126 
33 aad15march -31 March(15days)Sool, Saxil, Awdal, tog, M/jeex2039159045126318212374
           TOTAL418745272133773593 

-          3 bilood ee sanadkan waxa Dekedda Berbera ka dhoofay xoolo caafimaadkooda Xukuumadu hubisay oo tiradoodu dhan tahay Geel, 22274, Adhi 227670, Lo 22857.
-          iyada oo la ogsoon muhiimada ay xooluhu bulshadeena u leeyihiin oo ah laf-dhabarta dhaqaalaheena waxa ilaa hada lagu guulaystay in xoolaha laga daweeyo cuduradan hoos ku xusan:-
-          – Caalka, Dhukatada Geela, Raaf-dilaaca, Dhukaanka Geela, Cadhada, Sangaalaha, Sanbabka Riyaha, Hiinkaarka iyo furuqa adhiga.
-          Sidoo kale iyada oo la fulinayo balanqaadkii Madaxweynaha ee daryeelka deegaanka, waxa la abuuray deegaan ilaaliyaal si loo badbaadiyo deegaanka, loona ilaaliyo seerayaasha.
-          Deegaan ilaaliyaasha iyo dhiryaqaanada shaqaaleysan:-
-           
-          1. Gobolka Awdal                       7 xubnood
-          2. Gobolka Maroodi jeex        25 xubnood
-          3. Gobolka Saaxil                                   4 xubnood
-          4. Gobolka Togdheer               11 xubnood
-          5. Gobolka Sool                           13 xubnood
-          6. Gobolka Sanaag                     41 xubnood
W. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare:
  • Dal kasta oo Caalamka ka tirsan waxa umadiisa lagu qiimeeyaa heerkooda aqooneed, hadaba si loo kobciyo heerka aqooneed ee bulshadeena ayaa waxa lagu talaabsaday sidii loo horumarin lahaa waxbarashada iyo tacliinta Sare ee umadeena. Hadaba 3-bilood ee u dambeeyay waxa la shaqaaleeyay 2233 macalin oo 1500 oo ka mid ah ay dawladu bixinayso mushaharkooda, halka ay 733 ka mid ahna ay naga caawisay dawlada Denmark.
  • Iyada oo la fulinayo balanqaadkii Madaxweynaha ee la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul-wanaaga, waxay Wasaarada Waxbarashadu ku guulaystay in la sameeyo Sanduuqyo (Accounts) u gaar ah macalin kasta oo mushaharkiisa loogu shubo, taasoo meesha ka saaraysa caaglihii iyo lacagihii la lunsan jiray.
  • Wasaaradda Waxbarashadu waxay 300 oo Arday oo ka baxay Dugsiyada Sare ee dalka u fidisay deeq-waxbarasho (Scholarships).
  • Waxa markii u horaysay la dhisay Studio loogu talo-galay in lagu duubo barnaamijyo loo diyaarayo waxbarashada Radio-ga.
  • Waxa la dhamaystiray.
  • Madbacadii Buugaagta ee Wasaarada Waxbarashada oo la keenay 2008 ayaa markii u horaysay laga shaqaysiiyay oo hawl-gashay.
  • Waxa la dhisay Hool wayn oo lagu saxo Imtixaanada laguna kaydiyo.

Wasaaradda Warfaafinta:
- Warfaafintu waxay door muhiim ah ka qaadataa isku-xidhka xukuumada iyo dadweynaha, barbaarinta dareenka wadaniga ah, kobcinta dimuqraadiyada, xoojinta amniga iyo horumarka bulshada. Inkasta oo aanay jirin idaacad wayn oo dalka oo dhan wada gaadha, hadana waxa ay xukuumada cusubi xooga saartay sidii looga bixi lahaa baahida umadu u qabto helitaanka Idaacad ku filan oo dalka oo dhan wada gaadha, hadaba iyada oo laga duuliyo balanqaadkii Madaxweynaha ee uu ku soo qaatay khudbad-sanadeedkii Goleyaasha Qaranka, ee uu ku sheegay in sanadkan gudihiisa la keenayo Idaacad awood leh, waxay ku jirtaa miisaaniyada sanadkan, iyada oo lagu rajo-wayn yahay in sida ugu dhakhsaha badani Idaacadaasi u soo gaadho dalkeena.
- Warfaafintu waxay la gashay Heshiis sanad iyo badh mudadiisu tahay Hay’ada BBC World Trust Service, taasoo lagu tababari doono shaqaalaha barnaamijyada Idaacada, iyada oo sidoo kalena qalab ku soo kordhin doonta Studio-yada Idaacada.http://samotalis.blogspot.com/

No comments: