09 April, 2011

WAXQABADKII XUKUUMADDA JAN-MAR 2011 Q2

Xukuumada Somaliland Oo Soo Bandhigtay Waxqabadkeedii Bilihii January-March 2011…Qeybtii Labaad


 Hargeysa (Somaliland.Org)- xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay waxqabadkii wasaaradaha iyo Ha’yadaha dawlada ee bilihii January Illaa March ee sanadkan.
Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta madaxtooyada wuxuu halkaasi ka akhriyay qoraal labaataneeye bog ka koobnaa oo uu faah faahin kaga bixiyay waxqabadkii xukuumadda ee boqolkii cisho ee labaad xil haynta xukuumada Axmed Siilaanyo.
Maanta waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qeybtii labaad ee waxqabadkii xukuumadda, waxaana warbixintani ay ku saabsan tahay wasaaradaha Duulista, Maaliyada iyo Arrimaha dibada waxaanay u dhignayd sidan:-
Wasaarada Duulista iyo Hawada
1.    Waxa laga Hirgeliyey Madaarka Caasimada Dhismayaal Cusub oo badna iyo Dib u habayn badan kuwaas oo looga golleeyahay in korlooqaado tayada adeegyadiisa iyo in la Buuxiyo Shuruudaha Madaarada Caalamiga ah.
2.    Sidoo kale wax Dib u habayn lagu sameeyey Madaarka Magaalada Berbera Adeegyadiisa kala duwan tusaale ahaan Barxada wayn ee u dhaxaysa dhismaha Madaarka iyo dhabada Diyaaradaha oo Ciid ahaan jirtay waxa loo dhalan gediyey Wado laamiya iyo Marmar Bilic leh oo lagu dhex beeray Geedowaxa kale oo Madaarka lagu Qalbeeyey Kamaradaha (Camera ) ee loo adeegsado Nabad-gelyada iyo Agab Casriya oo isugu jira kuwo wax lagu baadho iyo kuwo lagu wada hadlo, waxa kale oo Dhirgoyn lagu sameeyey Ranway-ga dheer ee 5-ta Km ah talaabdan oo xoojin u ah Abniga Diyaaradaha
3.    Waxa la ansixiyey Lacagtii 3-da Dollar ahayd ee adeegyada Madaarada lagu Filin jiray iyadoo aan marka hore laga qaadi jiray aanay Ansax ahayn.
4.    Waxa la suurto geliyey in la Bilaabo Hordhici Mashruucii ay Dawlada Kuwayt inoogu deeqday, iyada oo la hawl geliyey Shirkad talo bixineed oo heer caalami ah oo hada gacanta ku ahaysa Qiimaynta, Nashqadaynta iyo Diyaarinta  qandaraasyada dib u dhiska madaarada Hargeisa iyo berbera
Wasaaradda Maaliyada:
Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Qaranka Somaliland ugu xil saaran tahay kobcinta dhaqaalaha oo ku fadhiya ururinta dakhliga kuwaas oo ku salaysan tacriifadaha  dakhliyeed ee Golaha sharcigu ansixiyaan.
Wasaaradda Maaliyaddu iyadoo shan bilood oo hawl adag 2010 ka soo gudubtey ayay hadana ka dhabaysay inay Miisaaniyaddii 2011, hor geyso  Golaha wakiiladda waqtigeedii. Miisaaniyaddaas oo xambaarsanayd dhamaan balan-qaadyadii xukuumada ee waqtigii ololaha  Doorashada:-
a)    Kordhinta Mushaarooyinka Shaqaalaha Dawladda, Ciidamada iyo Golayaasha Qaranka.
b)    Jaangoynta Mushaharka Golayaasha Qaranka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.
c)     Ka dhaafida fiiga iskuuladda Hoose/Dhexe ee dugsiyada Dawladda.
d)   Soo xarayn Dakhliyadii aan hore ugu dhici jirin Khasnada Dawladda Dhexe, sida Dekedda, Maxjarka iyo Haamaha Shidaalka Berbera.
e)    Ku darida Miisaaniyadda ee Mashaariicda Horumarineed, sida dhamaystirka Brigka Hargeisa oo 5 sano qabyo ahaa, bilawga waddada Dila, Idaacad cusub oo dalka ku baahda,  mashruuca wajaale/Aburiin, Qaboojiyaha Berbera I.W.M.
f)      Bixinta kharashka daabacaada lacagta som.lnd.sh. ee bangiga dhexe.
g)    Qorshaha 11 xafiis oo cusub laga dhisayo gobolada dalka iyo xafiiska dhexe (main office) oo Hargeisa ah, waxa qayb ka mid ah  naga taakuleeyey USAID.
W. Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah:
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxa u suuro galay sadexdii bilood ee sanadkan ugu horeeyey wax-qabad kor u qaaday Xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Bulshada Caalamka.
Meeqaamka iyo xurmada ay Somaliland ku lahayd aduunka ayaa gaadhay heerkiisii ugu sareeyey sadexdii bilood ee ugu dambeeyey Sanadkan, waxaana sare u kacay wada shaqaynta iyo is-dhexgalka ka dhaxeeya Somaliland iyo Bulshadda Caalamka, taas oo ku soo kordhisay Qadiyada Siyaasadeed iyo Himiladda Shacabka Somaliland ididiilo hor leh.
Ø Waxaa bishii Koowaad ee sanadkan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ka qayb gashay shir-goboleed ay IGAD ku qabatay Adis-ababa oo lagaga hadlay Arimaha mandaqada Geeska Afrika. Waa markii ugu horeeysay ee ay Xukuumad Somaliland ka qayb gasho Shir-goboleed, waxaanay Somaliland madashaasi ka soo jeedisay Qorshayaasha iyo Himilooyinka Qaran ee Somaliland ee dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bulshada iyo Nabadgalyada.
Ø Isla Bishii Koowaad ee Sanadkan, waxaa u suurogashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland in ay si dadban aragtideeda siyaasadeed u gudbiso shirwaynihii ururka Midowga Afrika uu ku yeeshay Sanadkan Magaalada Adis-abeba. Somaliland waxay fariinteeda siyaasadeed iyo nabadgalyo ee ku wajahan Geeska Afrika iyo Himiladeeda Siyaasadeedba u marisay shirwaynaha Masuuliyiinta Urur Goboleedka IGAD oo madasha Shirwaynaha ka dhex-akhriyey, arintaas oo uu  ka unkamay xidhiidh cusub oo hor leh.
Ø  Bishii Labaad ee Sanadkan waxaa Somaliland Booqasho rasmi ah ku yimid wafti ka socda Urur Goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee fulinta IGAD. Waxay masuuliyiinta IGAD iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ay ku heshiiyeen nidaam iskaashi oo ay Somaliland iyo Urur Goboleedka IGAD ka yeelan doonaan talo-wadaag, iskaashi, iyo xidhiidh dhexmara labada geesood. Waa markii koowaad ee wafti meeqaamkaa leh oo ka socda Urur Goboleedka IGAD uu ku yimaado Somaliland. Waana markii ugu horeysay ee iskaashi iyo wada-shaqayni dhex marto Dawlada Somaliland iyo Urur Goboleedka IGAD.
Ø Bishii Labaad ee Sanadkan waxaa Somaliland booqasho hawleed oo rasmi ah ku yimid 17 danjire oo ka kala socda wadamo ka tirsan Yurub, Aasiya iyo Afrika. Dalalka Safiiradan ay ka socdeen waxaa ka mid ahaa wadamada Japan, brazil, Turkiga, Spain, Holland, Belgium, Finland, oo dhamaantood ahayd markii ugu horeysay ee ay wadamadaasi booqasho rasmi ah ku yimaadaan Somaliland. Waxay booqashadani dhalisay xidhiidh ugub ah oo u bilawda Somaliland iyo wadamada ay ka socdeen Danjirayaashaasi.
Ø Dabayaaqadii Bishii labaad ee Sanadkan waxaa ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland marti-galisay oo booqasho rasmi ah oo shaqo ku yimid wafti sare oo ka socda Dawlada Norway oo uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Norway oo ay weheliyaan Masuuliyiinkale oo ka socda Dawlada Norway. Booqashada waftigani ay abuurtay xiiso horleh oo ay Qadiyadda Somaliland ka heshay Wadanka Norway, oo ay ugu horayso iskaashiyo la xidhiidha la dagaalanka Budhcad-badeeda, horumarinta caafimaadka, iyo Nabadgalyada.
Ø Bilawgii Bishii sadexaad ee Sanadkan waxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku guulaysatay codsi ay u jeedisay in Ingiriisku u soo diro Wafti sare Somaliland, waxaana Dalka booqasho rasmi ah ku yimid Wasiirka Wasaaradda Mucaawinada Dibada iyo Iskaashiga ee Dawladda Ingiriiska. Intii uu wasiirku joogay Somaliland waxaa uu daboolka ka qaaday in ay Dawladiisu ay Sadex-jibaartay Mucaawinadii ay siin jirtay Somaliland oo lagu soo daray Dalalka ay Dawlada Ingiriisku sida rasmiga ah u taageerto, waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in ay samayn doonaan Sanduuq Dhaqaale oo ay si wada jir ah Dawlada Ingiriiska iyo Somaliland u wada maamulaan, oo lagu shubo qayb ka mid ah mucaawinada Ingiriiska. Waa masuulkii ugu darajada sareeyey ee abid yimaada Dalka tan iyo intii ay Somaliland xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska.
Ø Isla bishii sadexaad ee sanadkan waxaa Somaliland si rasmi ah loogu casuumay oo ay ka qayb gashay shirwayne caalami ah oo ka dhacay Dalka Ingiriiska kana soo qayb galeen wadamo tiradoodu kor u dhaafayso 16 dal, oo lagaga hadlayay nabadgalyo darada ka jirta Geeska Afrika ee ka soo unkamaysa Soomaaliya iyo sidii loo yarayn lahaa Saamaynta ay Nabadgalyo-daradaasi ku leedahay Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamkaba. Waftigii ka socday Somaliland wuxuu shirka ka soo jeediyey Khudbad nuxurkeedu taabanayay Aragtida Xukuumadda Somaliland ee ku wajahan wax ka qabashada Xasilooni Darada ka aloosan Mandaqada Geeska Afrika.
Ø Dhinacakale waxay wasaaradda Arrimaha Dibaddu horaantii sanadkan Ashkato ka dhan ah Shirkadda SARACEN INTERNATIONAL u gudbisay Golaha Amaanka ee Jumciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyada oo la kaashanaysa Xafiiska uu Golahaasi u wakiishay xakamaynta Hubka ee Geeska Afrika. Shirkadda Saracen waxa ay ka bilawday Gobolka Puntland hawlgalo la xidhiidha tababar iyo qalabayn Milatari oo laxaad leh. Waxayna Dawlada Somaliland qabatay Diyaarad Saanad milatari u siday puntland oo ay lahayd Shirkaddani, Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Somaliland iyadoo adeegsanaysa Diyaaradaasi iyo saanadii ay siday ayay u yeedhay Khubaro ka tirsan xafiiska xakamaynta Hubka ee Golaha Amaanka. Dhamaadkii bisha sadexaad ee sanadkan wuxuu Golaha Amaanka ee Quruumaha ka dhaxaysaa ku amray Shirkadda Saracen in ay Gabi-ahaanba joojiso hawlgaladii ay ka waday Puntland kana daad-guraysato Hawl-wadeenadeeda. Shirkadda SARACEN INTERNATIONAL waxay cadaysay inay  u hogaansantay Go’aankaa ka soo baxay Golaha Amaanka.
Ø Waxaa kale oo ka mid ah Hawl-galada fulay Wasaaradda in ay dib u soo celisay xidhiidhkii Diplomaasiyadeed ee wadanka Jabuuti, waxaana dib loo furay xafiiska wakiilka Somaliland ee Jabuuti oo hadda si buuxda u shaqeeya. Waxaa kale oo ay Somaliland markii ugu horeysay taariikhda ay xafiis ku yeelatay Dalka Kenya oo isna dhawaan la furay.”


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: