14 October, 2010

Guddoomiyaha Guddiga Dhakhaatiirta Xoolaha iyo Xubno Muwaadiniin ah oo Xabsiga loo Taxaabay

Guddoomiyaha Guddiga Dhakhaatiirta Xoolaha iyo Xubno Muwaadiniin ah oo Xabsiga loo Taxaabay

 

Written by Jamhuuriya   

Oct 14, 2010 at 02:43 PM

  Hargeysa: Guddoomiyaha Guddiga Dhakhaatiirta Xoolaha iyo Xubno Muwaadiniin ah oo Xabsiga loo Taxaabay Hargeysa (Jam)- Ciidanka booliska Hargeysa, ayaa xabsiga u taxaabay shalay Guddoomiyaha Guddiga Dhakhaatiirta xoolaha (ULPA) Dr. Cali Maxamed Guuleed iyo dhawr muwaadin oo kale, kadib markii sida la sheegay ay cabasho ka muujiyeen jid guryahooda loo maro oo loo xanibay dhisme cusub oo laga binnaynayo xaafadda Shidhka ee magaalada Hargeysa.

Dhismahaas oo laga dhisayo dhinaca galbeed ee dugsiga hoose/dhexe ee dugsiga Sheekh Bashiir ee badhtamaha magaalada, kaas oo la sheegay inuu ka mid yahay guriyihii dawladda ee xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale ka iibisay ganacsadaha Maxamed Aw Siciid, ayaa xannibay mid ka mid ah jidadka xaafadaha ee halkaasi mara, isla markaana waxa arrintaasi cabasho ka bixiyey dadweynaha xaafadaasi degan.

Haseyeeshee, ciidanka booliska dawladda hoose ayaa xabsiga dhigay Guddoomiyaha Guddiga Dhakhaatiirta Xoolaha iyo saddex qof oo kale oo ka mid ah dadweynaha xaafadda, kuwaas oo aan la sheegin wax dambi ah oo ay galeen. Inkasta oo Guddoomiyaha la sii daayey gelinkii dambe ee isla shalay, balse lama garanayo in xubnihii kale ee xidhan yihiin iyo in la sii daayey.

Dr. Cali Maxamed Guuleed oo intii aan la sii dayn Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay waxa uu sheegay in aanay isaga iyo xubnaha kale ee la xidhay toona wax dambi ah gelin, hase ahaatee ay ka cowdeen jidka laga xidhayo oo keliya.

Dr. Cali Maxamed oo faahfaahin ka bixinayey cabashooda iyo sidii loo xidhay, waxa uu yidhi, “Niman askar ah oo Dawladda Hoose ka socday ayaa i soo xidhay, waxay leeyihiin waxaad ka dambaysay abaabul xaafadda dadku ku horjoogsadeen dhisme lagu xidhayo jid xaafaddayada soo gala oo laga dhisayo dhul Ina Aw Siciid la siiyey oo ah dhinaca galbeed ee dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Bashiir, guriyihiisii markii uu dhistay ayuu wadadii xaafadda maraysay doonayaa inuu ku darsado oo inta uu iminka jiingad ku wareejiyey uu doonayo inuu dhiso, markaanu ku idhi ha naga xidhin wadadana wuxuu nagu yidhi wadaan idiin bannaynayaa, annaguna arrintaa guddi baanu u saarnay oo annaga oo doonayna in aanu kala hadalno ayaa askar naloo sii diyaariyey aniga iyo saddex qof oo kale na xidhay,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

 

Source Jamhuriya

 

No comments: