Dhul Ay Bixisey Wasaaradda Waxbarashadu Oo La Isku Laayey, Khasaaraha Ka Dhashay Iyo Wasiirka Tacliinta |
Written by Hargysastar |
Oct 14, 2010 at 03:11 AM |
Hargeysa,(Qaran news)-Hal qof ayaa ku dhaawacmey khilaaf iyo is maandhaaf ka dhashaydhul ay bixisay Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sarre, kadib markii shalay abbaaro 10:30-kii Subaxnimo uu Nin hubaysani Rasaas ku furey dad ay dhul bannaan oo uu leeyahay Dugsiga Macallin Daa’uud degmada Axmed-Dhagax ee magaalada Hargeysa. Rasaastaas ayaa sababtay dhaawaca Jaamac Maxamed Shide oo ay xabbadi kaga dhacdey qaarka dambe sida ay Wargayska Hargaysa Star u xaqiijiyeen Dad ka agdhawaa dhacdaas. Taliye ku-xigeenka Saldhigga Booliska Iftin ee dagmada Axmed Dhagax oo aannu isku daynay in aannu dhacdadaas dhaawaca sababtay wax ka weydiinno ayaa ka gaabsadey inuu wax faahfaahin ah naga siiyo qaabka uu shilkaasi u dhacay iyo illaa hadda Saldhig ahaan tallaabada ay ka qaadeen iyo inay cid u soo qabteen falkaas, maadaama oo goobta ay wax ka dhaceen aad ugu dhawday Rugtaas Booliska ee Iftin. Hase ahaatee, waxa uu ku-xigeenka Taliyaha Iftin noogu jawaabay; “Falkaasi qaabkii uu u dhacay, tallaabada aannu ka qaadney iyo cidda aannu u soo qabanay waxaad ka halaysaa Taliska guud ee ciidammada Booliska ee aannagu war ma bixinno.” Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo Wargeyska HargeisaStar xalay khadka Taleefanka wax kaga waydiiyey arrintaas sida ay u aragto iyo tallaabada ay Wasaarad ahaan qaadayaan, mar haddii dhulkaas oo la sheegay inay Wasaaraddu bixisay khasaare ka yimi, dadna isku qabsadeen, ayaa sheegtay inay arrinta dhulkaas hore ugu wareejisay Wasiirka hawlaha guud.“Horta Dhulkaa Bixintuusu wuu naga horreeyey oo Wakhtigii uu talada hayey maamulkii hore ayey ahayd arrintu, laakiin markii ay ii yimaaddeen dad fara badan oo Masaakiin ah oo halkaas deggan oo cabashooyin badan ay ii keeneen, markaa Agaasimihii hore ee Wasaaradda oo marka horena wax ka ogaa ayaa gacanta ku hayey oo markii aan hore u fahmi-waayey aan ku idhi u soo cabbira inta qof waliba helayo, aad baanan uga xumahay in dhul aan qofna si cad loogu wareejin dad isku dilaan.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan. Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxay sheegtay in arrinta dhulka bixintiisu iyada ka horreeyey, hase ahaatee, markii ay cabasho ula yimaaddeen dad ay sheegtay inay dan yar iyo kuwo jilicsan-ba isugu jiraan ay si gaar ah ugu damqatay, Wasiir Samsam oo arrintaa ka hadlaysaana waxay tidhi; “Markaa Dhulkan Iskuulka Macallin Daa’uud hore ayey u degganaayeen, waxaanan ku idhi Ciddii dhisan karta halloo soo fuudhiyo iyada oo aan cid cusub dibadda laga keenin ee dadkan hore u degganaa inta dhisi kartaa dhisto oo ay ku shaqaystaan oo aanay Mulkiyad ahaan yeelan, hase ahaatee, ay 20 Doollar oo Kiro ahaan ah loo xisaabiyo bil kasta, 20-kaas shan ka mid ahna laga qaado, 15-ka kalena loo xisaabiyo lacagta dhismaha. Taasoo aan idhi intaan hawsha la bilaabin Nootaayo hallaga qoro qof kasta oo dadka halkaa deegan wax dhisi kara, si aan heshiiskaa goordhow madmadaw u galin.” Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan, waxay sheegtay mar haddii is-qabad ka yimi dhulkaas inay joojinayaan oo cid la siinayaa jirin. “Anigu markaan sidaa lahaa waxaan aad ugu damqanayey dadka Meesha deggan oo u badan dad jilicsan oo Masaakiin ah, balse markaan arkay inay cabashadaa soo dhexgali karaan dad aan kuwaa jilicsan ahayni, markiiba intaan wax tallaabo ah la qaadin waxaan arrintaa u gudbiyey oo aan ku wareejiyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta Xuseen Axmed Caydiid oo aan ku idhi Xuseenoow arrintaa la wareegeen oo soo eeg sharci ahaan, qaabaynta dhulkaas iyo waxa laga yeelayo Qaran ahaan. Laakiin mar haddiiba in la isku qabsado dhulkaas oo dad lagu laayo ay arrintu marayso waannu joojinaynaa, Wasiirka hawlaha guudna waannu iska arkaynaa..” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Waxbarashadu Marwo Samsam Cabdi. Hargysastar |
No comments:
Post a Comment