08 October, 2010

Ciidamada Amniga Ee Ka Hawlgala Borama Oo Hawlgallo Ay Sameeyeen Kusoo Qabqab -tay Raxan Dhallinyaro Ah,Su’aalana Weydii-naya

Boorama-(Lug)-Ciidamada amniga Boorama ayaa  su'aalo weydiinaya raxan  ka mid ah dhallinyarada Boorama oo dhawaanta lagu soo qabqabtay hawlgallo ay ciidamada ammaanku ka fuliyeen  magaalada  labadii habeen ee u dambaysay.
 
Hawlgalkan oo lagu soo qabtay ku dhawaad toddoba  dhallinyaro ah ayaa  waxa uu ka dambeeyey toddobaadyo magaalada Boorama ay dhacayeen qalaanqal  dhinaca siyaasadda iyo amnigaba leh  oo dhaliyey bannaanbaxyo, dacaayado iyo waraaqo suuqyada lagu daadiyey oo lagu  cambaareynayo xukuumadda Axmed Siilaanyo  iyo beddelkii lagu beddelay taliyihii ciidamada xeebaha galbeed, kuwaasoo  sababay in wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdi uu horkacayeyba  Boorama lagaga wadhadlo xaaladii markaa taagnayd .
 
Inkastoo oo aanay jirin wax war ah oo ku saabsan  oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda kuna saabsan xadhigga  dhallinyaradan, hase yeeshee sida ay sheegeen warar ku dhawdhaw ciidamada amniga  waxa dhallinyaradana lagu eedeeyey inay qayb ka ahaayeen xasilooni darada dhinaca siyaasadda iyo  abaabulka bannaanbaxyo kale oo laga dhigi lahaa Boorama .
 
Dhinaca kale qaar ka mid ah odayaasha iyo salaadiinta Boorama iyo maamulka G/Awdal ayaa maanta ka wada hadlay arrintaasi, taaoo ku saabsanayd sidii cidii dembi yeelatana loosoo taagi maxkamad inta kalena la iskaga sii deyn lahaa, hase yeeshee maamulka gobolka ayaa odayaashaa ku wargeliyey in la siiyo wakhti ay ku kala saaraan dhallinyaradaasi  loona sii deyn lahaa kuwa  aan wax dembi ah gelin .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim (Hyena)
Lughayanews-Borama


View article...

No comments: