04 June, 2010

Isu soobax ballaadhan oo Kulmiye ku qabtay Khayriyadda Boorama

Isu soobax ballaadhan oo Kulmiye ku qabtay Khayriyadda Boorama 




 Maanta oo ahayd maalintii labaad ee ololaha doorashada ayaa isku soo bixi ugu waynaa ee in dhawaalaba ka dhaca Khayriyada Magaalada Borama waxaa ku soo bandhigay cududooda  Xisbiga Mucaaradka ee kulmiye habada maanta oo ahayd maalintoodii ayaa waxaa jawiga magaalada oo dhan si aada looga dareemayay sida ay usocdaan abaabulka iyo imaatinka khayriyada Borama,hadaba tan iyo saaka aroortii lixdii aroornimo, ayaa taageerayaasha xisbiga kulmiye, ku soo qulqulayeen fagaaraha wayn ee khayriyada iyaga oo ku imanayay basas tagaasi iyo gaadhiyaal waawayn.

hadaba markii ay ahayd saacadu. 10:00 aroornimo ayaa waxaa dadkii taageerayaasha ahaa waxaa qaadi wayay khayriyadii dabadeed waxa ay dadkii isku faaliliyeen, guryaha dushooda iyo gidaarada u dhawdhaw khayriyada halkaas oo ay ka ruxayeen calmaan iyo boodhadh ayay ku xardhan yihiin musharaxa madaxwaynaha Xisbiga kulmiye iyo k xigeenkiisa Saylici.

hadaba qudbadihii halkaas laga akhriyay ayaa waxaa ugu horeyn halkaas ka hadlay musharaxa madaxwayne ku xigeenka Xisbiga kulmiye isaga oo aad u faraxsan ayaa waxa uu u mahadnaqay taageerayaashiisa sida wanaagsan ee ay uga soo qayb galeen isku soo baxan  iyo olalahan waxa uuna sheegay in dawladiisu ay wax badan wax ka qaban doonta shacabka ku nool goboladan Awdal /Salalna wixii ka maqnaa ee 10kaa sano ka maqnaa ya heli doonaan waxa uu sheegay in cadaalada iyo sinaanta dadkan ku nool somaliland gaar ahaan goboladan Awdal/Salal ay noqon doonaan ahmiyada ugu horeysa ee aan baadi goobayno mar ala marka aan kursiga ku fadhiisto.
sidoo kale waxa uu sheegay saylici in dawladiisu noqon doonto mid u adeegta  dadka jilicsan dadka laga tirada badan yahay dhalinyarada  waayeelka, haweenka iyo cid ala cidii dulman sidoo kale waxa uu sheegay saylici in sanadkan laga bilaabo uunoqonayo sanadkii isbedelka loona baahan yahay in laga wada qayb qaato sidii dhinac looga wada mari laha dawladan fadhiidka ah ee usoo jeesatay markii wax kale deeqi waayeen dantii guud ee ay umadi lahayd waxa uuna sheegay ina lagala xisaabtami doono.
 
Dadka halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa oo kale  gudoomiyaha Gobolka Awdal ee xisbiga Kulmiye Ibraahim Qaalib,Salaan Lugwayne, Maango maxamuud Barkhad, hoboladii ina aadam cashuur iyo dadkale oo fara badan.

isku soo baxan ayaa waxaa ka soo qayb galay, dad kor udhaafaya kumaan kun  waxaana ya ugu danbayn ku soo mareen taageerayaashii xisbiga kulmiye iyo madaxdoodiibiia suuqyada magaalada Borama iyaga oo ku dhawaaqayay waxaan doonaynaa is bedel, waxaan rabnaa Saylici waan ka daalnay dawlad bilaa waxbarasho ah, bilaa aqoonsi, bilaa caafimaad, iyo bilaa cadaalad ugu danbayn dadkii waxa ay ku wada noqdeen meelihi iyo xaafadihii ay ka soo hayaameen waxa ayn ku dhamaatay ololihii maanta, si nabad galyo ah iyo bilaa buuqa.


 


alt


alt


alt


alt


alt


alt



altalt 


alt 


alt 


alt 


alt 


alt 


alt 


alt 


alt 


alt 


alt 


alt 


alt 


alt 


alt 


alt 




Xigasho: Borama News, Borama Office

 

No comments: