Burco: (THN) Dadka ku dhaqan magaalada Burco ayaa saaka marqudha ku waabariistay jawi aad u kacsan ,iyadoo ay mar keliya isla oogsadeen sawaxanka dadka iyo gaadiidka iyo gawaadhi ay saaranyiin cod baahiyaal ay ka baxayeen heesaha xisbiga kulmiye,waxaana ay dadka iyo gaadiidka aad ka u tirada badani hakad geliyeen dhamaan isusocodka wadooyinka waawayn ee magaaladaBurco.
markii ay soo gaadheen dadkani fagaaraha khayriyadda magaalada ayaa mar qudha xataa baaxadda dadka goobtan isugu yimi aawadeed ay suura geli wayday in xataa gudaha ay u galaan saxaafadda iyo dadkii lagu soo casuumay inay ka hadlaan goobta.
Dadkan ayaa waxay taxnaayeen meelo aad uga fog fog kharyadda,taasi oo ka yaabisay dadkii goobta joogay.
dadkani ayaa waxay ku labisnaayeen calanka isugu jira huruudda iyo cagaarka ee xisbiga kulmiye, waxaanna ay dad badani so xasuusteen markii lagu jiray oloihii madaxwaynaha dalka maraykanka ee BARACK OBAMA markuu booqanayay gobolada miniaples iyo virginia.
dadkani ayaa waxakala jhadlay goobta masulliyiin ka tirsan xisbigaaasi kulmiye oo ay ka mid ahaayeen maxamed cabdi gaboosi maxamed kahin axmed,cabdi aw dahir cali,salaadiin abwaano uu ka mid ahaa hurre walan wal iyo marti sharaf kale.
kaaga darene dadkani ayaa markii laga soo dareeray khayriyadda waxay mar qudha sida daadka u qul quuleen iyagoo baaxadda dadkaasi aan la qisaasikarin wadooyinka magaalada,waxaana barbar socday baabuur lagu rakibay sameecado aad u cod dhaadheeraa oo ay ka baxayeen heesaha astaanta u ah xisbiga kulmiye.
isku soo wada duub oo waxaa ilaa maanta kacsanaa dareenka iyo xamaasadda dadkla ku dhaqan magaalada burco oo iyagu maanta si aan caadi ahayn u muujiyay sida ay u taageersan yihiin xisbiga kulmiye.
DAHIR ISMAIL WARSAME(SULDAN)
Warqabadka TOGAHERER
BURAO SOMALILAND
No comments:
Post a Comment