KUMANNAAN TAAGEERAYAASHA XISBIGA KULMIYE KA TIRSAN OO ISU-SOOBIXII UGU BALLAADHNAA MAANTA KA SAMEEYEY HARGEYSA IYO NUXURKA KHUDBADIHII MASUULIYIINTA.SAWIRO
Kumannaan Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE Ka Tirsan Oo Isu-soobixii Ugu Ballaadhnaa Maanta Ka Sameeyey Hargeysa Iyo Nuxurka Khudbadihii Masuuliyiinta
Ololaha doorashada madaxtooyada ee xisbiyada siyaasadda Somaliland, oo shalay dalka ka bilaabmay, oo Xisbigii ugu horreeyey jadwalka ahaa Xisbiga UDUB, halka maanta Xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisu isu soo baxyo ka sameeyeen guud ahaanba gobollada iyo Degmooyinka dalka. Basle isu soo bixii ugu cajiibsanaa uguna dadka badnaa, ayaa isugu soo baxay Hargeysa, kuwaasoo buux dhaafiyey gudaha Beerta Xorriyada waddooyinka hareeraha ka mara iyo waddooyinka dhaadheer ee magaalada.Waxaana halkaa kala hadlay dadweynaha Musharraxa jagada madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna Guddoomiyaha KULMIYE, Xoghayaha guud ee kulmiye, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE,iyo xubno ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbigaas. Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo hadal dheer u jeediyey dadweynaha isugu yimi beerta Xorriyadda, ayaa si adag u naqdiyey khudbad uu Madaxweyne Rayaale shalay u jeediyey taageerayaasha Xisbiga UDUB, taasoo uu dhalliilo kala duwan ugu jeediyey Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Golaha Wakiillada oo uu sheegay in Mucaaridku hoggaamiyo, isla markaana ay ku fashilmeen. Hase ahaatee, Md Samaale, ayaa eedayntaa beddalkeeda Daahir Rayaale ku eedeeyey, inuu yahay nin ku tuntay shuruucdii dalka u taallay, ku xadgudbay hannaanka dimuquraadiyadda, xorriyadda, madax-bannaanida iyo sinaanta muwaadiniinta, wada-shaqaynta Golayaasha qaranka. Cabdicasiis Samaale, waxa uu tusaalayaal u soo qaatay suugaan tira badan, Aayado quraan ah oo sifayna hab- dhaqanka hoggaamiyaha wanaagsan iyo ka xun. Waxaanu tilmaamay in Daahir Rayaale ku sifoobay hoggaamiye hoggaankiisu qalooco. Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Xukuumadda Rayaale waxba aanay u qaban dadkii xorriyada maanta la haysto keenay ee ku soo naafoobay halgankii hubaysnaa ee Somaliland lagu xoreeyey iyo kuwii ku dhintay agoontii ay ka tageen. Hase ahaatee, waxa uu sheegay in haddii ay yihiin Xisbiga KULMIYE ay waxbadan u qaban doonaan oo sida maanta loo ilawsan yahay aan loo illaabi doonin ciddii dalkan naftooda iyo maalkooda-ba u soo hortay. Muuse Biixi waxa uu si weyn ugu mahad-celiyey Kumannaanka taageere ee Xisbiga KULMIYE isu soo baxa ay sameeyeen awgeed.Waxa iyaguna mahadnaq kaas la mid ah u jeediyey taageerayaashooda Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige iyo Jaamac-Shabeel oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE oo labadooduba ka mid ahaa masuuliyiinta fagaaraha xorriyada dadweynaha kala hadlay saaka. Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Guddoomiyaha ololaha galbeedka ee KULMIYE Baashe Cabdi Gaboobe, oo weedho kuwaas la mid ah halkaa ka jeediyey. Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo), oo aad uga mafsuuday wacdaraha ay taageerayaasha Xisbigiisu muujiyeen maanta. Isla markaana waxa uu dadweynaha kula dar-daarmay inay ilaaliyaan nabadgalyada, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo khalkhal galin kara hannaanka nabadgalyada iyo habsami-u-socodka doorashada Madaxtooyada ee ololeheedu bilaabmay. "Walaallayaal waxaan idiin soo jeedinayaa inaad nabadgalyada ilaalisaan, Booliskana la shaqaysaan. Waana inaynu Xisbiyada kale maalmahooda ololaha xaqdhawrno…" ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Guddoomiye Axmed-Siilaanyo, waxa uu sharraxaad ka bixiyey barnaamij-siyaasadeedka Xisbiga KULMIYE, oo uu sheegay in haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtooyada 26-ka bishan juun ay ka rumayn doonaan hirgelinta barnaamijkaas oo ay dhawaan soo bandhigeen. Waxyaabaha barnaamijka KULMIYE ka mid ah ee ay xoogga saari doonaan KULMIYE ahaan haddii ay talada qabtaan, waxa uu ku sheegay Axmed-Siilaanyo, inay yihiin horumarinta arrimaha bulshada, sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada iyo sidoo kale, horumarinta siyaasadaha arrimaha gudaha, dibadda, dib u habaynta magaalooyinka, dhisidda waddooyinka, ilaalinta nabadgalyada, isku-duubnida bulshada reer Somaliland, daris wanaagga waddamada jaarka, xidhiidhka caalamiga ah, citiraaf-raadin, darajo u samaynta Ciidamada qalabka sida ee Somaliland (Millatariga iyo Booliska), daryeelka shaqaalaha dawladda iyo qodobbo kale oo badan. "Madaxweynaha maanta talada hayaa (Rayaale), siddeed sano oo uu codka dadweynaha shan ka mid ah ku fadhiyey, dheeraadna ku darsaday wax allaala wax uu ummadda u qabtay ma jiraan. Laakiin annagu KULMIYE ahaan waxaannu ballan-qaadaynaa barnaamijka Xisbiga ee aad wada aragteen inaannu ka rumayno hirgelintiisa haddii aad na doorataan. Sidaa daraadeed, waxaan Walaallayaal idinka codsanaynaa inaad codkiinna na siisaan." Sidaa ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.Waxaanu mar saddexaad ku celiyey Siilaanyo inaanay dhibaatayn doonin shaqaalaha dawladda. Magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa, ayaa maanta la ciirciiraysa Boqollaal Baabuur oo ay ka babbanayaan Calamada Xisbiga KULMIYE iyo ka Somaliland, isla markaana ay badankooda ku rakiban yihiin codbaahiyayaal ay ka baxayaan heeso u gaar ah Xisbiga KULMIYE iyo kuwo waddani ah oo laga soo bilaabo shantii subaxnimo ee saaka illaa hadda si isku mid ah daafaha magaalada looga maqlayo codkooda iyo Sidoo kale Kumannaan qof oo taageerayaasha Xisbigaas ah oo qaarkood ku labbisan yihiin calanka kulmiye, ka Somaliland, caleemo cagaar ahna lulaya, kuwaasoo lug iyo gaadiid-ba ku gaaf-wareegaya gudaha Caasimadda, iyaga oo kolba dhinac u qaadaya waddooyinka dhaadheer ee magaalada. Togaherer.com Hargeysa/Somaliland. |
No comments:
Post a Comment