Ganacsade Ibraahim Yey Oo Kujabey Gacan Kahadal Uu Sababay Loolanka Xisbiyada Udub Iyo Kulmiye
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali(ciro), ayaa la sheegay in uu gurmad degdeg ah usoo galey Ganacsade Ibraahim C/laahi
Hargeysa(GNS)-Ganacsade kamid ah ganacsatada Hargeysa, ee taageera Xisbiga Udub Ibraahim C/laahi Iimaan(Ibraahim-Yey)ayaa fiidkii caawa ka jabey misigta kadib markii, uu jabiyay xubin kamid ah Xisbiga Kulmiye, Faysal Maxamed Xasan (roodhiile) oo ay ku murmeen arimo kuwajahan taageerada labada Xisbi ee Kulmiye iyo Udub.
Waxaney labadan xubnood murankoodu sababay, in uu gaadho gacan kahadal uu ku jabay Ibraahim Yey oo kamid ah ganacsatada taageerta Xisbiga Udub , kaas oo loola cararey Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa waxanay wararku intaa ku darayaan in la kabin hasyeeshee, la geeyay caawa caweysinkii danbe gurigiisa oo kuyaala Xaafada Ibraahim Kood-buur ee Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali(ciro), ayaa la sheegay in uu gurmad degdeg ah usoo galey Ganacsade Ibraahim C/laahi Iimaan(Ibraahim-yey) isagoo dhinaca kalena Wasiirku amar degdeg ah ku bixiyay in lasoo xidho Faysal Maxamed Xasan (roodhiile) ,oo ah xubin kamid ah Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Arimaha ugu waaweyn ee dhaliyay, muranka labadan xubnood, ayaa la sheegay in ay sabab u tahey arimaha Ololaha doorashada iyo loolanka u dhexeeya, Xisbiyada Kulmiye iyo Udub, iyadoo hadalkooduna ka kacey kaftan ay hore isu weydaarsadeen oo daba socdey xaflad dhawaan Xisbiga Kulmiye u qabtey Beesha reer Shirdoon ee Sacad-Muuse.
No comments:
Post a Comment