06 June, 2010

Faalo: khubadii madaxweyne Rayaale ee bilowga ololaha sidii loo arkaa?

Naqdi khubadii madaxweyne Rayaale ka jeediyey khayriyadda maalintii Khamiista ee 3da June 2010 ee ku saabsanayd olalaha doorashada ee xisbiga UDUB.
 
Madaxweynaha Somaliland Mudane Dahir Riyaale Kaahin ayaa khudbad dheer ka jeediyey fagaaraha khayriyadda ee magaalada Hargeysa, halkaasoo xisbigiisa UDUB kasamaynaayey dhoolatuskii olalaha doorashada madaxweynaha ee Somaliland oo la qorsheyey inay dhacdo 26 June 2010. .
 
Haddaba madaxweynaha oo la filaayey inuu dadka  raaligelin iyo saamaxaad waydiisto darxumadii iyo dayacii uu bulshada reer Somaliland baday soo gaadhay muddadii 8 sanodood ahayd ee xukunka hayey oo runtii ay jiraan waxyaabo aad u kooban inoo qabsoomay, sidoo kalena aanay waxba ka qabsoomin waxyaabihii faraha badnaa ee la filaayey inay qabato xukuumadda oo runtii heshay fursad aad u fiican oo 8 sanodood ah.
 
Madaxwynuhu wuxuu yidhi: "Waxaan ku kalsoonahay in sidii wadaniyada iyo bisaylka lahayd ee xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga bahwaynta UDUB ay xisbigooda ugu ayideen doorashooyinkii hore ay doorashadan maantana codkooda u hibayn doonaan."  
Waxaa seh la filaayey in madaxweyne Rayaale  bulshadii dooratay uu ka raaligeliyo ballanqaadyadii iyo waxyaabihii badnaa ee ku ballan qaaday markuu ku jiray olalihii doorashada ee sannadkii 2003kii ee  ku saabsanaa waxqabadkii ku astaysnaa barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga UDUB ee madaxweynuhu hoggaamiyo., taasoo ay ka baaqsadeen inay fuliyaan oo ku guul darraysteen inay 95% fuliyaan ballanqaadyadoodii. 
 
Madaxweynuhu wuxuu ka dhigay waxqabadka xukuumadda dhawr doorasho oo dalka ka dhacday, waxaase la ogsoon yahay in tan iyo intii la doortay bishii April 2003 ay dalka ka qabsoontay doorashadii Golaha Wakiilada oo aan la socono sababaha ku kallifay inay qabsoonto oo ahaa Golihii hore ee Wakiilada oo ay isku dhaceen xukuumadda.madaxweyne Riyaale.
Madaxweynuhu isagoo arrinmahaas ka hadlaayaa wuxuu yidhi: "Waxa ilaahay fadligiisa noo suurtagashay in aanu dalka ka hirgalino nidaamka doorashooyinka oo aynu qabano doorashadii golayaasha degaanada Diisambar 2002dii, tii madaxtooyada April 2003, tii Golaha Wakiilada Sept. 2005;    iyadoo doorashada madaxtooyada ee aynu maanta u taaganahay noqonayso tii afraad ee dalka ka qabsoonta"
 
Waxaase la filaayey in madaxweynuhu bulshada ka raaligeliyo doorashooyinkii kala duwanaa ee baaqday muddahadii uu xilka hayey, doorashooyinka baaqday ee aan qabsoomin waxaa kamid ah tii Golaha Guurtida oo u qorshaysnayd inay qabsoonto September 2006kii, tii Golaha Degaanka oo ay ahayd inay qabsoonto December 2007kii, tii madaxweynaha oo iyana baaqatay inay qabsoonto April 2008kii.
Madaxweynuhu wuxuu kale oo khud badiisa ku xusay in xukuumaddu kasoo dhalaashay waajibaadkoodii oo wax badan ka qabatay adeegyada asaaasiga ee bulshada isagoo arrintaas ka hadlaayana isagoo arrintaas ka hadlaayana wuxuu yidhi:
 "Adeegyadii asaasiga ahaa ee bulshada sida caafimaadka iyo tacliinta; biyaha & korontada; ammaanka, garsoorka, iwm ilaa heer fiican  la gaadhsiiyay dhamaan gobolada & degmooyinka dalka" .
Arrintan oo aniga aan aad ula yaabay oo u kala garan waayey inaan madaxweynuhu inta badan gurigiisa ayuu ku egyahaye aanu xogagaal badan u ahayn sida dhabta ah ee ay u nool yihiin danlayda reer Somaliland ee ku tabaalaysan dalkooda oo aan helin daryeelkii  ay u baahnaayeen bulshadu, iyo in FULE XANTII MA MOOGEE oo la socdo baahida dhabta ah ee bulshada uu madaxweynaha u yahay , laakiin is leeyahay shacabka maslaxo oo wixii aad qabatay, iyo wixii hay'adaha iyo dadka qurbajooga ah ee reer Somaliland dadka u qabteen adigu gaar u sheego, illayn hay'adaha waxyaabuhu sheegtay bulshada u qabtay kaadaba hadli maayaan oo ku odhan maayaan madaxweynaha waxyaabahaas aad ka hadlayso anigaa qabanee shacbigaaga runta u sheeg.
 
Waxyaabaha ay qabteen hay'adaha iyo qurbajooga Somaliland ee ka mid yihiin arrimahii faraha badnaa ee madaxweynuhu sheegtay ee dugsiyada, jaamacadaha, iyo baraha caafimaadka ee xusay in xukuumadiisa iyo xisbigiisa UDUB dadka u qabteen, bulshada reer Somaliland nacasyo maaha ee waa ogyihiin wixii xukuumaddu qabatay iyo wixii ay qaban kari wayday. Waxqabadka hay'adaha waddaniga ah iyo kuwa caalamiga inoo sameeyeen umay qaban xukuumadda, xisbi kaliyihina xaq uma laha inuu goonni u sheegto ee waxqabad kusoo kordhay bulshada reer Somaliland. Sidoo kalena Rayaale meelna kuma xusin hay'adihii samafal ee fuliyey mashaariicda hayd'aha samafalka iyo qurbajooga reer Somaliland dalka ka fuliyeen midkoodna uma mahadnaqin, ee wuxuu sheegay inuu isagu fuliyey mashaariicdaas oo dhan.   

Waxaana cajiib ah madaxweynuhu wuxuu u warramayaa waa shacbiga Somaliland ee uu codka ka doonaayo, ee maaha dad ajanabi ah markaas madaxweynuhu wuxuu yidhi adeegyada bulshada sida caafimaadka , tacliinta, biyaha iyo korontada: ammaanka, garsoorka iwm ayaa xukuumaddu wax ka qabatay, markaas markaan arrintaas isha ku dhuftay waa qoslay waxaanan is idhi malaa madaxweynuhu bulshaduu madaxweynaha u yahay xogogaal baanu u ahayn, wasiirada ay hay'adahan uu sheegay uu khuseeyaana runta uma sheegaan.

Waxaanan la soconaa in adeegyada asaasiga ah ee dawladuhu dadkooda u qabtaan sida waxbarashada iyo caafimaadkuba ay Somaliland yihiin labaduba yihiin kuwo private ama baayacmushtar xor ah ah oo markii xukuumaddu hanan kari wayday ay dadku iyagu iska baxshaan feega dugsiyada iyo inay la kulmaan dhakhtar hagaagsan iyo inay helaan dawadii ay u baahnaayeen inay suuqa ka iibsadaan dawada, waxaanan lasoconaa in labada wasaaradood ee ugu muhiimsan adeegga bulshada marka laysku daro ay dawladdu ugu jirto miisaaniyadda sannadka oo ah wax ka yar 10%, halka dawladaha inala midka ah ee soo korayaa ay ku kharaj gareeyaan in ka badan 26%, halka kuwa horuumarayna miisaaniyadda badhkeed ku qarash gareeyaan adeegga bulshada gaar ahaana waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo nalka iwm.

Waxaan kale oo la soconaa gobolada kale iska daayoo in caasumadda Hargeysa ee ay  xukuumaddu fadhido harraad loogu bakhtiyey, biyuhuna yihiin kuwa ay bulshadu ugu baahida badan yihiin. Dadka intooda badan waxaa biyaha uga yimaadaan meelo fog fog waxaana u dhaamiya booyado shacbigu leeyahay. Intii xukuumaddu jirtayna marka laga reebo riigii ay bixisay hay'adda bisha Abudhabai ugu deeqday shacbiga Somaliland, maynaan arag riig ay dawladdu qodday oo gobolada iyo degmooyin biyo kasoo saaray, riigag ay qoddo daayo maynaan arag xorfad ay u qodday beeralayda iyo reer baadihaya si ay uga waraabiyaan xoolahooda iyo beerahooda. 

 

Waxaana jirta madaxda sare ee dawladda in midkastaba gurigiisa booyad bilaash ahi biyaha ugu gayso, markaas waxay u muuqataa inaanay ogayn dhibaatada shacabka haysta arrimahan. Waxaana kasii daran iyana dalka oo iyana aan xukuumaddu u samayn qorshe ay ku heleen tamar jaban sida laydhka oo kale oo gacanta ku hayaan shirkado yar yar oo shacbi ahi markii xukuumaddu dabooli kari wayday baahida laydhka ee ka jirta dhammaan gobolada iyo tuulooyinka.

 

Waxaana jira dad badan oo dan yar ah oo awoodi karin inay iska baxshaan biyaha iyo laydhka private ah oo aan soo gelin dakhli. Laakiin guryaha madaxda xukuumadda biyaha iyo laydhkuba waa 24 hours waxaana muuqataa inaanay shacbigooda warba u haynin oo ka dhigin yihiin habartii dusheediyo degelkay ku noolayd, daruuruhu ku hooreen dadka wada hel moodoo daadwararacda bay tidhi.

 Markaas waxaa laga yaabaa in madaxweyne Rayaale is leeyihiin shacbigu sidiinuu ka dhergay biyo iyo laydh, sidoo kalena sidiinaa jeebaduhu u buuxaan oo carruurtoodu u diraan dugsiyo private ah iyo dhakhtaro Private ah. Shacbiguna marka ilkaha iyo calooshu xanuunaan sida madaxweynaha iyo ku xigeenka ayay qabtaan dhakhataro ku yaal Jarmalka iyo Faransiiska oo ay ku baxdo lacagta  laga qaado dadka masiinta ah ee dawladdu usamayn kari wayday meelo loogu hagaajiyo ilkaha iyo dhakhataro lagu daryeelo caafimaadkooda illayn iyagu lacag iyo fiisayaal ay dibadda ku tagaan mahaystaane.

Madaxweyne Rayaale waxaan u sheegayaa inaan shacbigu siduu moodaayo nacasyo u ahayn ee ay ogyihiin xukuumaddu waxay qabatay, iyo waxay qaban kari wayday, haddaanu nahay qurbajooga anigaa jaamacadaha dhisnay, biilasha dadkana bixina markaas haddii xukuumaddu waxqabadkoodii ku darsadeen wixii qurbajooga iyo hayd'adaha dadka u qabteen dhibaato malaha oo waxay xukuumad ahaan qabteen baanay haynin, waxaanan xasuusinayaa inuu guryaha shakhsiga ah ee dhisnayna uu wasqabadka xukuumadda ku darsado oo sheegto oo yidhaahdo xukuumadda dhistay.

Madaxweyne Rayaale maaha qof cusub ee muddo 8 sanodood ah madaxweyne ayuu ahaa, sidoo kalena 6 sanadood oo ka horraysayna wuxuu ahaa madaxweyne ku xigeen. Markaas u malayn maayo inuu wuxuu 14 sanadood ku qaban waayey uu shan sano oo danbe oo la doorto ku qaban doono.
Ugu danbayntiina waxaa halkaas inooga cad in madaxweyne Rayaale ku fashilmay siyaasadda oo markuu wax qabad uu sheegto waayey oo sheegtay wixii bulshada reer Somaliland qabsadeen 19 sanadood ee ay xornimada haysteen, markaas Rayaale waxaa muuqata inaanu diyaar u ahayn inuu bulshada u adeego, ee wuxuu doonayaa inuu ka shaqaysto waayo maba keenin barnaamij siyaasadeed oo lagu doorto, markaas waxaa la gaadhay wakhtigii isbadalka, sidaa aawadeed waxaan ka codsanayaa fursadan ka faa'idaystaan shacbiga Somaliland oo ay u codeeyaan xisbiyada mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID si loo helo isbadalka loo baahan yahay.

 Macasalaama,
Cabdi C. Xasan,
London, UK

No comments: