Shacbiga Somaliland Oo Si Aad U Hooseysa Uga Qayb Qaadanaya Bedelaada Kaadhadhkii Hore
Hargeysa, May 16, 2010 (Haatuf) – Khamiistii toddobaadkii hore ayaa inta badan gobolada iyo degmooyinka Somaliland waxa si rasmi ah uga bilaabmay bedelaada kaadhadhkii diiwaangelintii hore iyo qaadashada kaadhadhka cusub ee codbixinta doorashada Madaxtooyada ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku u cayimeen isla markaana shalay uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin digreeto ku ogolaaday wakhtigaasi.
Iyadoo maanta ay tahay maalintii afraad ee socoto bedelaada kaadhadhka iyo qaadashada kuwa cusub ayaa Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka waxa laga soo sheegayaa inay aad u hooseyso tirada dadweynaha u soo baxaya goobaha lagu qaadanayo kaadhadhka cusub.
Magaalada Hargeysa, goobaha lagau qaadanayo kaadhadhka waxa laga arkayaa in tirada dadku aad u yar yihiin isla markaana aanay dad badani taagnayn safafka goobahaasi.
Weriyeyaal ka tirsan Haatuf oo shalay soo maray goobo fara badan oo ka tirsan degmooyinka Hargeysa ayaa soo arkay goobaha qaarkood dadku aad ugu yaraayeen sida goobta xaafada Jigjiga Yar, goobta ku taala agagaarka Tower-ka shirkada Telesom, dugsiga sare Faarax Oomaar, Sheekh Madar B (Noradin School), dugsiga Sheekh Madar, Qudhac Dheer, iyo Calaamadaha.
Sidoo kale weriyayaasha Haatuf ee Berbera iyo Burco ayaa soo sheegay in dadweynuhu si gaabis ah ugu soo baxeen qaadashada kaadhka cusub, magaalooyinka Gabiley, Wajaale, Boorama, Ceerigaabo iyo Laascaanood, waxa la soo sheegayaa in dad aad u tiro yar yimaadeen goobaha lagu qaadanayo kaadhka cusub. Sidoo kale waxa la soo sheegayaa in dadka qaarkood qaateen tiro ka badan hal kaadh, taas oo caqabad ku noqon doonta doorasho xor ah oo xalaal ah inay ka qabsoonto dalkeena.
Asbaabaha lala xidhiidhinayo gaabiska ka muuqda dadka u soo baxaya qaadashada kaadhka cusub ayaa waxa la sheegayaa inay ka mid yihiin, wacyigelin aan la gaadhsiin dadweynaha, ciidamada Bileyska oo lagu dhaliilay doorkii ay ku lahaayeen sugida ammaanka goobaha oo siddii diiwaangelintii hore si ka hooseysa ay uga hawl galeen, xukuumadda oo lagu eedeynayo inay Komishanka Doorashooyinka u gacan dhaaftay hawlahoodii,sida, laba goobood oo ku yaala Hargeysa oo ciidamada bileysku xabsiga u soo taxaabeen shaqaalihii Komishanka ee goobahaasi oo ilaa hadda ku xidhan saldhiga dhexe ee caasimada. Waxa kale oo ka mid ah sababaha loo aaneynayo hoos u dhaca tirada dadka ka soo xaadiraya goobaha qaadashada kaadhka cusub, xisbiyada qaranka oo wacyigelin wax ku ool ah siinin taageerayaashooda ay codka ka doonayaan doorashada.
Si kastaba ha ahaatee,haddii ay arrintu sidaas ku sii socoto oo tirada dadweynaha qaadanaya kaadhka cusubi kor u soo kici waayaan, waxa la saadaalinayaa in tiro aad u yar qaadan doonto kaadhadhka cobixinta doorashada isla markaana muwaadiniin badan waayi doonaan xaqa ay u leeyihiin qaadashada kaadhka cusub ee codbixinta.
No comments:
Post a Comment