MAALINTA DOORASHADA IYO KAADHKA CUSUB
Codkaaga Ku Ciil Bax...Q26
Ahmed Arwo
Kala mudan kii hore iyo kan maantu, waa komishanka doorashooyinka. Daliil kale ha doonin ee maalintii ay cayimeen qabashada doorashada, ayaa Madaxweyne Riyaale garabka taabtay Mudane Biikalo oo ahaa xubintii Kulmiye u magacaabay Komishankii ina dhaafay inuu noqdo Wasiir Dawle. Waa tilmaam wacan iyo shaanbad ku dhacday colkii ina dhaafay iyo dareenkii aynu ka haynay. Waa hanbalyo kale iyo bogaadin aan ku salaamayo Komishanka doorashooyinka iyo dadweynaha Somaliland. Maalin taariikhi ah ayaa la cugtay, 26 June oo ah maalintii isticmaarkii caddaa dalkeena ka huleelay, waxa lagu kabayaa mid dhalisa xukuumad hanata himmilada dadweynaha u haraadan cadaalad, horumar iyo waxqabad. Insha Allah waxay noqon maalin mar labaad la mahadiyo, waxa soo noqon sharaftii ay lahayd iyo ididiiladii waalidkeen ka muuqday 26 June 1960.
Muwaadin si aad taas u hanato u gunto inaad kaadhka cusub qaadato. U adkeyso safka dheer ee milicda iyo siigadu kuu weheliso. Ha daayicin fursaddan aad sugaysay sideeda sano. Waa masiirkaagii ee ha siisan dhadhan iyo dheef. Waa mustaqbalkii ubadkaaga ee u codee waxqabadka. Waad aragtay xukuumadda manta jirta oo waxa u sharaxan Madaxweyne ilaa 1997 ku jiray Madaxtooyada , waa 13sano. Dalkeenu waxuu u ooyiyaa caddaalad, waxuu u ooman yahay waxqabad, waxuu tabayaa aqoon, waxuu u yeedhayaa hoggaan xilku gubo oo daafaca xaqa muwaadinka.
Waxwalba waxa ka horeeya waa adigoo kaadhka cusub qaata. Waxa la bilaabay bixintii kaadhka oo shalay khamiis 13/05/2010 ayuu bilabmay waxuuna soconayaa toddoba cisho. Haddaad kaas ka habsaanto cod ma lihid, waxaad noqon doontaa qof ka qaday xaqa ugu culus ee muwaadinku leeyahay, waa adiguu codkaaga ku doorta cidda 5 sano aad hoggaanka dalka u igmanayso. Waa ammaano dushaada saran, waana mas’uuliyad aad u qaaday faca soo socda iyo dhalinta aan weli codeenta gaadhin.
Si aad u abaal mariso hoggaanka ku dhayalsaday, u qaatay inuu ku leeyahay, garan waayey inaad shaqada adigu qortay una dhiibatay ammaano muddo leh, qaado kaadhka noqona kan KU CIIL BAXA CODKIISA. Iska jir qalalaase ku-noolka miciinsada nabadgelyo darrada, ha yeelin in dhagax laguugu dhiibo walaalkaa oo xaqa dalka aad ka siman tihiin, waxa kuu dan ihi isna dan ayey u tahay. Diid dhuuni aadan mahadin. U oggolow muwaadin kasta xaqa uu u leeyahay inuu codkiisu ku doorto hoggaanka dalka.
Haddaad xil gaar ah ka hayso arrimaha doorashada ood tahay Komishan, Muraaqib, Askari, karaani, dareewal, iyo qof hawlo kale haya u hagar bax, si daacad ah u gudo waajibkaaga, eex ka dheerow, u dhabar adeeg, u dhibaatood, ishaadu ha soo jeedo, noqo qof u hura waxwalba danta guud iyo mustaqbalka dadkiisa. Amar qaldan oo sharciga ka baxsan diid, si siman ugu adeeg musharixiinta. Ogow xilka qarankaa leh, qof ma laha, maalintaas doorashada waa la siman yahay, halka musharixiintu ka simantay, inta codka dhiibanaysaana wey siman yihiin, ma kale leh taajir iyo faqiir, rag iyo dumar, wiil iyo waayeel, ma kala leh degmo iyo gobal, qabiil iyo reer. Qof waliba waxuu leeyahay hal cod oo uu si xalaal ah ugu codeeyo ciduu doonaayo. Dheg how dhigin afminshaar laaluush indho-tiray, ka dhowrso kuwa musuqu madax maray, ka gaabso kuwa boobka iyo dhaca malafsaday, CODKAAGA KU CIIL BAX oo u codee Isbedelka, u codee aqoonta, u codee daacadda, xumaanta aad soo aragtay bedel oo hiigso horumar iyo hoggaan waxqabad.
Daawo:http://www.flickr.com/photos/24945908@N02/sets/72157623928023769/show/
Tidicda uu yidhi Cali Aadan aan qayb idinka siiyo:
Beedka Kowaad
Ma ogtahay dadkaygow
Inkastood dedaalkiyo
Dul-qaadkiyo adkaysiga
Danta guud ku korisaan
Isma doorin xaajoo
Dabagaalle mooyee
Da’yartiyo agoontii
Iyo dawladnimadii
Weli way dayacanyiin
Dalka inu hoggaanshiyo
Ninkii hawsha loo diray
Isagiyo dirkiisii
Intay dabarka goosteen
Ku durduriye xeerkii
Darandoorri laba qaad
Hanti qaran daldalashada
Dacallada ka buuxsade
Iska diid xisaab celin
Golihii la doortiyo
Doc-faruur nidaaamkii
Idinkuna dadkaygow
Intaan dakharku weynaan
Aan soo dabbaallee
U dareera foodkoo
KULMIYAA daryeeliye
Ugu deeq codkaagaa
Ali Adan, London
Dardaaran iyo gunaanad haddaanad kaadhka cusub qaadan ma tirsanid, waxaad seegtay cod-bixintii 8da sano aad dhowraysay. Waxa guusha doorasho lagu gaadhaa waa codkaaga iyo keyga iyo kiisa oo is-biirsada, codka maqan ayaa laga yaabaa inuu kuu keeno cid aadan doonayn . Codka hortii Kaadhka qaado, ku hubso jeebka deedna ku xafid meel adag iyo ammaan, si aad 26ka June 2010 ula soo baxdid adigoo Insha Allah si daacad ah ugu ridi doona cidaad mustaqbalka ummadda ku aaminayso.
Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah
Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
SAMOTALIS Group
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/group.php?gid=143687650990&ref=mf
SAMOTALIS Page
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589
No comments:
Post a Comment