Xisbiyada Mucaaridka Oo Soo Bandhigay Xarumo Wasiro Leeyihiin Oo Kaadhadhka Laga Qaadanayo iyo dhalinyaro UDUB ka tirsan oo jeebadaha ku urursaday kaadhadh badan
Hargeysa (Kulmiye.org)-Xisbiyada mucaaridka ee KULMIYE iyo UCID, ayaa si adag uga hadlay faragelin qaawan oo ay sheegeen in xukuumadda Rayaale iyo xisbigeeda UDUB ku hayaan hawsha kaadhadh-beddelaada ee maalintii afraad ka socota Somaliland.
Laba warsaxaafadeed oo si gooni gooni ah ay magaalada Hargeysa uga soo kala saareen Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md.Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), ayey labada xisbi kaga hadleen faragelintii maalintii Jimcaha xukuumaddu ku samaysay goobaha kaadhadhka laga qaadanayey, isla markaana xabsiga ugu taxaabtay hawlwadeenadii komishanka.
Warsaxaafadeedka Axmed Siilaanyo ka soo saaray xarunta xisbiga KULMIYE, ayaa lagu sheegay in xisbiga UDUB iyo xukuumadu jabiyeen shuruucdii anshaxa doorashooyinka ee axsaabta qaranka iyo komishanku si wadajir ah u saxeexeen.
Waxarsaxaafadeedkaa oo faahfaahsana waxa uu u qornaa sidan; "Iyadoo dalku ku jiro marxalad xasaasi ah, Lana gudogalay hawlo qaran oo mihiim ah ayaa xisbiga UDUB iyo xukuumaddu jiidheen shuruucdii anshaxa doorashooyinka ee axsaabta qaranka iyo KDQ-ku si wadajir ah u saxeexeen.
Dhinaca kale waxaynu wada ogsoonahay in xisbiga UDUB iyo xukumaddu lumiyeen kalsoonidii shacabka, waxa kale oo wiiqmay xidhiidhkii ka dhaxeeyaya iyaga iyo bulshada, taas darteed UDUB iyo xukumadduba waxay la soo baxeen xeelado gaboobay oo ay ku carqaladaynayaaan mashruuca kaadh-beddelka diwaangalinta oo si habsami leh uga socda gobollada dalka.
Waxa ka mid ah tabahaas faashilka ah ee ay isticmaalayaan:
1- Inay si badheedh ah ugu caga-jugleeyeen, una xidhxidhaan muraaqibiinta goobaha kaadh-bixinta ee KDQ, mararka qaarna ay hakad galiyaan shaqada kaadh-bixinta.
2- Waxay u diraangoobaha kaadh-beddelka dhallinyaro si gaar ah u tababaran oo ay ku tilmaameen shaqaale ka socda wasaaradda arrimaha gudaha, balse ka tirsan xisbiga UDUB, kuwaasoo kaadhadh badan sifo aan sharci ahayn ugu gacan galeen ammaba u qaatey, qaarkoodna laga soo saarey jeebabkooda in ka badan soddomeeyo kaadh oo ay rabeen inay si qarsoodi ah debedda ugala baxaan goobaha si ay khalkhal iyo rabshad u galiyaan habsami-u-socodka kaadhadh- bixinta sida dhacdadii Sallaxlay.
3-Inkastoon looga baran war wanaagsan amma dhexdhexaad ah xisbiga UDUB iyo xukuumaddaba waxay ka sii daayaan idaacadda iyo tv-ga qaranka barnaamijyo runta ka fog, ahna cambaarayn, dhaleecayn iyo eedaymo ay kula dul-kufaan xisbiyada mucaaridka siiba xisbiga KULMIYE iyo KDQ, kuwaasoo ay ugu talogaleen inay isaga horkeenaan bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland, dhexdoodana ka abuuraan naxli, xiqdi iyo nacayb.
4-Sidoo kale waxay baahiyaan warar iyo baaqyo innoogu filan in aanay UDUB diyaar u ahayn ka qaybqaadashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka.
5- Waxa kaloo marag ma doon ah in goobo badan oo ka mid ah dalka ay isku dayeen inaan dadku qaadan kaadhadhka diiwaangelinta, kuna fureen tashuush shaki kala gelinaya ummadda iyagoo ku afgobaadsanaya inaan KDQ keenin goobahaas muraaqibiintii deegaamaysan, taas oo ujeeddada ka danbaysaa tahay inaan kaadh-bixintu ka suurtogelin goobahaas.
KDQ waxay sheegeen maadaama aaney lahayn hanti maguurto ah sida guryo ama xafiisyo inay badiyaaba kiraystaan goobaha ku habboon kaadh-bixinta, haseyeeshee xisbiga UDUB iyo xukuumaddu waxay xidheen qaar ka mid ah goobaha kaadh-bixinta, iyagoo isku qanciyey inaaney raalli ku ahayn guryahaas iyo cidda lehba. Balse waxay indhaha ka laliyeen in masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB iyo xukuumada guryahooda iyo xafiisyadoodana la dhigay sanaadiiqda kaadhadh-bixinta sida:
1. Cabdi Aadan Yuusuf, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada gurigiisa oo ku yaal ka soo horjeedka Star Hotel.
2- Cabdirisaq Sheekh Aadan, Guddoomiye-xigeenka Gobolka Gebilay oo gurigiisa oo ku yaal Gebilay isna laga dhigay goob kaadh-bixineed.
3-Xafiiska UDUB ee 26-June oo isna laga dhigay goob kaadh-bixineed.
Guntii iyo gebagebadii nin baa laga hayaa islaantii hooyadeen indho la'aan ma ku ogeyd, dad cunimona wey ku darsatey! Waxaan uga jeedaa UDUB iyo xukuumadda awelba weynu ku ogayn musuqmaasuqa, urursiga hantida qaranka, kootooyinka, murannada distoorka iyo xeerarka dalka iyo warar dhagareysan oo ay ka sii daayaan idaacadda iyo tv-ga qaranka, balse waxay ku darsadeen boobka kaadhadhka diiwaangelinta, arbushka goobaha diwaangelinta, abuurid jawi xasillooni-darro iyo khalkhalgelinta doorashada dhawaan dalka ka dhici doonta.
Ugu dambeyn, waxaan halkan ku bayaaminaynaa in xisbiga KULMIYE daacad ka yahay barnaamijka kaadh-bixinta, taageero buuxdana la garab taagan yahay KDQ-ka, diyaarna u yahay doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ku gubaabinayaa bulsho-weynta reer Somaliland meel kastooy joogaan inay kaadhadka codeynta u qaataan si nabadgelyo ah, qof kastaana qaato hal kaadh oo keliya oo sharcigu xaq u siiyey."
Xisbiga Mucaaridka ee UCID, ayaa isaguna dhinaciisa si kulul u cambareeyey farogelin qaawan oo ay sheegeen in xukuumaddu maalintii Jimcaha ku samaysay goobo ka tirsan xarumaha loogu talogalay beddelaada kaadhadhka codaynta, isaga oo xisbigu ka digay farogelin kasta oo lagu sameeyo hawlaha Komishanka.
Warsaxaafadeed laga soo saaray xarunta dhexe ee xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka xisbiga Md. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), ayaa lagu sheegay inay nasiib-darro tahay in xukuumaddu macno u samayso dadka komishanku ka kiraysteen goobaha lagu qabanayo kala beddelaada kaadhadhka codaynta, waxaanu afhayeenku xusay inay xisbi ahaan goobo hawsha kaadhadh-beddelku ka dhacayso oo ay leeyihiin wasiirro xukuumadda iyo xisbiga UDUB ka tirsan.
Warsaxaafadeedka UCID oo faahfaahsana waxa uu u qornaa sidan; "Xisbiga UCID waxaa uu si xooggan u cambaareynayaa farogalinta qaawan ee shalay 14/05/2010 [Jimcihii] lagu sameeyey goobo ka tirsan goobihii Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku sameynayeen kaadhadh-beddelka.
Waxaannu la yaabanahay sida taliyaha ciidammada bileyska iyo wasiirka arrimaha guduhu ugu badheedheen inay suul-daaraan geeddi-socodka hawlaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay bulshadda reer Somaliland indhaha ku hayeen, kuna hawlanaayeen sidii ay uga dhabayn lahaayeen yoolka qarankeennu rabo inuu ku xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah.
Waxaa sidoo kale ah wax nidaamka dawladeed ceeb ku ah kala-hadalka masuuliyiinka xukuumadda iyo xisbiga UDUB ee is huwan. Waxa wax lala yaabo ah in xukuumaddu marna sheegto inay raalli ka tahay hannaan-socodka arrimaha kaadhadh-beddelka marna ay shareerto oo ay ceeb iyo cambaareyn u raadineyso hawlaha socda, una tafo-xaydan tahay sidii ay u fashilin lahayd geedi socodka kaadhadh baddelka oo hore saddexda xisbi qaran isula qaateen in loo daayo Komishanka, qawaaniinta dalkuna damaanad qaadayaan madaxbannaanida Komishanka Doorashooyinka.
Maadaama aanay jirin guryo ama goobo Komishanku iskood u leeyihiin, awooddeenuna aanay saamaxayn in la sameeyo goobo u khaas ah arrimaha doorashooyinka dalka, laguna khasban yahay in kaadhadh-beddelka lagu sameeyo goobihii hore diiwaangalinta codbixiyeyaashu uga dhacday duruufta dhaqaalena sidaa ina farayso, waxa nasiib-darro ah in xukuumaddu macno u samayso goobta hawlahaas laga fulinayo cidda leh, iyadoo ka sokow goobaha xukuumaddu joojisey ay jiraan goobo hawsha kaadhadh-beddelku ka dhacayso oo ay leeyihiin wasiirro xukuumadda iyo xisbiga UDUB ka tirsan.
Haddaba, Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID waxaa uu ka digayaa fal kasta iyo faro-galinta qaawan ee lagu sameynayo geedi-socodka hawlaha Komishanka. Waxaannu axsaabta aannu saaxiibka nahay ka codsanaynaa inay dhawraan qawaaniinta doorashooyinka iyo Xeerka Anshaxa ee hore aynu u wada saxeexney iyo heshiiskii 6-da qoddob ee sildhigga u ahaa hirgelinta doorashada madaxtooyada. Dadweynaha reer Somaliland maanta waxay u baahan yihiin cid uga raysa oon uga darin, umana baahna khal-khal galin iyo fadqaqalo innagu sababi karta inaynu ka habawno himilada aynu u socono.
Waxaannu ka digaynaa tallaabo kasta oo doorashada dib u dhigi karta.
Waxaannu cod dheer ugu baaqaynaa cid kasta in loo daayo Komishanka Doorashooyinka Qaranka fulinta hawlaha loo igmaday."
Xigasho/Jamhuuriya Online
No comments:
Post a Comment