16 May, 2010

War murtiyeed uu Gudoomiyaha Xibiga Kulmiye xalay soo saaray

Hargaysa . War murtiyeed uu  Gudoomiyaha Xibiga Kulmiye  xalay soo saaray ayaa uu si kulul ugu eedeeyay Wasaarradda Arrimaha Gudaha shaqaalaheeda jooga Goobaha kaadh-bedelku inay u gacan-galeen kaadhadh badan oo kuwii Diiwaangalinta ah, shaqaalahaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo UDUBaysan oo ay wasaaraddu u soo tababartay boobka kaadhadhka

Sidoo kale war-saxaafadeedka uu Guddoomiyuhu soo saaray waxa uu ku sheegay Xisbiga UDUB inuu wado falal uu ku fashilanayo Kaadhadhka cusub, isagoo tilmaamay inay carqaladeeyeen gobo shaqadu si habsami ah uga socoto, meelaha qaarkoodna ay cabsi galiyeen dadkii qaadan lahaa

War-saxaafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Siilaanyo  waxa uu ku bilaabay sidan "Iyado dalku ku jiro marxalad xasaasi ah,lana gudo galay hawlo qaran oo mihiim ah ayaa xisbiga udub iyo xukumadu  jiidheen  shuruucdii anshaxa doorashooyinka ee axsaabta  qaranka iyo KDQ-ku si wada jir ah u saxeexeen. Dhinaca kale waxaynu wada ogsoonahay  in xisbiga udub iyo xukuumadu lumiyeen kalsoonidii shacabka, waxa kale oo wiiqmay xidhiidhkii ka dhaxeeyay iyaga  iyo bulshada ,taas darteed udub iyo xukumaduba  waxay la soo baxeen xeelado gaboobay oo ay ku carqaladaynayaan mashruuca kaadh -badalka diiwaangalinta oo si habsami  leh uga socda gobolada dalka .

waxa ka mid ah tabahaas faashilka ah ee ay isticmaalayaan

1- in ay si badheedh ah ugu caga jugleeyeen, una xidhxidhaan muraaqibiinta      goobaha kaadh- bixinta  ee KDQ. Mararka qaarna ay hakad galiyaan shaqada kaadh –bixinta.

2- waxay u diraan goobaha kaadh -badalka dhalinyaro si gaar ah u tababaran oo ay ku tilmaameen shaqaale ka socda wasaaradda arimaha gudaha  balse ka tirsan xisbiga udub  kuwaasoo  kaadhadh badan sifo aan sharci ahayn ugu gacan galeen,amaba u qaatey ,qaarkoodnaba laga soo saarey jeebabakooda in ka badan  sodomeeyo kaadh oo ay rabeen inay si qarsoodi ah debeda ugala baxaan goobaha si ay khal khal iyo rabshad u galiyaan habsami u socodka  kaadhadh- bixinta sida dhacdadii salaxlay.

3-inkastoon looga baran war wanaagsan ama dhexdhexaad ah xisbiga udub iyo xukumadaba  waxay ka sii daayaan idaacada iyo tv-ga qaranka barnaamijyo runta ka fog, ahna canbaarayn, dhaleecayn  iyo eedayno ay kula dul-kufaan xisbiyada mucaaridka siiba xisbiga kulmiye iyo KDQ, kuwaas oo ay ugu talo galeen inay iskaga hor keenaan bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland, dhexdoodana ka abuuraan naxli,xiqdi iyo nacayb.

4-sidoo kale waxay baahiyaan warar iyo baaqyo inoogu filan inaanay udub diyaar u ahayn ka qeyb qaadashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka.

5- waxaa kalo marag ma doon ah in goobo badan oo ka mid ah dalka  ay isku dayeen inaan dadku qaadan kaadhadhka  diiwaangelinta, kuna fureen tashuush shaki kala gelinaya ummadda  iyagoo ku afgobaadsanaya inaan KDQ keenin goobahaas muraaqibiintii  deegaamaysan. taas oo ujeedada ka danbaysaa tahay inaan kaadh-bixintu ka suurto gelin goobahaas.

KDQ waxay sheegeen maadaama aaney lahayn hanti  ma gurto ah sida guryo ama xafiisyo  inay badiyaaba kiraystaan goobaha ku haboon kaadh-bixinta, hase yeeshee xisbiga udub iyo xukuumadu waxay xidheen qaar ka  mid ah goobaha kaadh-bixinta  iyagoo isku qanciyey inaaney raali ku ahayn  guryahaas iyo cida lehba . Balse waxay indhaha ka laliyeen in masuuliyiin ka tirsan xisbiga udub iyo xukumada guryahaooda  iyo xafiisyadoodana la dhigay sanaadiiqda kaadhadh bixinta sida;

1.                              Abdi adan yusuf wasiir ku xigeenka wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyarada gurigiisa oo ku yaala ka soo horjeedka star Hotel.

2.                              Abdirasak sh. Aadan gudoomiye-xigeenka gobolka gebilay oo gurigiisa oo ku yaala gebilay isna laga dhigay goob kaadh-bixineed.

        3-xafiiska udub ee 26-juun oo isna laga dhigay goob kaadh-bixineed.

Guntii iyo gebagebadii nin baa laga hayaa islaantii hooyadeen indho la'aan ma ku ogeyd,dad cunimona wey ku darsatey.waxaan uga jeedaa udub iyo xukumada awelba weynu  ku ogayn musuqmaasuqa,urursiga hantida qaranka,kootooyinka ,muranada distoorka iyo xeerarka dalka iyo warar dhagareysan oo ay ka sii daayaan idaacada iyo tv-ga qaranka,  balse waxay ku darsadeen boobka kaadhadhka diwaangelinta , arbushka goobaha diwaangelinta, abuurid jawi xasilooni darro,iyo khalkhalgelinta doorashada   dhawaan dalka ka dhici doonta.

Ugu danbeyn waxaan  halkan ku bayaaminaynaa in xisbiga kulmiye daacad ka yahay barnaamijka kaadh-bixinta,taageero buuxdana la garab taagan yahay KDQ-ka, diyaarna u yahay doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka. xisbiga kulmiye wuxuu ku gubaabinayaa bulshoweynta reer Somaliland meel kastey joogaan inay kaadhadka codeynta u qaataan si nabadgelyo ah, qof kastaana qaato hal kaadh oo keliya oo sharcigu xaq u siiyey."

Xig:Halganews
 

No comments: