30 March, 2010

Su’aasha Maanta: Hadddii Doorasho Dhacdo, Haddii UDUB Laga Guulaysto, Ma U Malaysaa In Riyale,Cawil, Dholayare, Dalka Sii Joogi Doonan?w/q:Cali Kayse Kabadhe

Su'aasha Maanta: Hadddii Doorasho Dhacdo, Haddii UDUB Laga Guulaysto, Ma U Malaysaa In Riyale,Cawil, Dholayare, Dalka Sii Joogi Doonan?w/q:Cali Kayse Kabadhe

Salaan Qiimo Iyo Qaayo Leh Dhamanba Shacabka Somaliland Meelkasta oo dunida dacladeeda ku kala filiqsan yahay.

Salaan Kale Oo Qiimo Leh Waxaan Hawada U Marinayaa Dhamanba Saxaafada Xorta Iyo Xalaasha ah,Ee an Ku Hadlin Af Qabiil Iyo Af Qof-toona.

  • Haddii  Riyale Kursiga ka dego Anagu waxaanu Qabanayna Somaliya.!
  • Haddii Riyaale Kursiga ka dego somaliland waa laysku dilayaa.!
  • Inta Somaliya nabad noqonayso Riyaale na madaxwayne ayuu ahaanaya Kadibna Somaliya ayaa la Raacayaa.!
  • Doorasho ba Dhicimayso.
  • Waanu Ku Garanaynaa Car Haddii aad Nin tahay Hargeysa Kaalay.!

Haddalladani Waxay ka mid ahayeen waraaqo Taageerayaasha Xusbiga UDUB ii soo diraan labadii week ee u danbeeyey. kuwaas oo xanbarsanaa   hadallo aan munasib ahayn, Qaar Somalilnd ba Lidi ku ah, Iyo Qaar muujinaya Dareenka  Riyaale Iyo Taageerayashiisu Wadaagaan  oo ah    Haddii Riyaale Doorashada Laga Hello  In Ay Xamar Tegi doonan, Taasina Waxay Muujinayso In kooxdani Somaliland ku yihiin Kurisiga, Haddii Mar kale la dooran waayona ay Mugdisho qabanayaan.

Waxaa Kale oo iiga Soo dhexbaxay Dareenka Ay muujiyeen Taageerayaasha RIYAALE in Somaliland Lala Sugayo Somaliya inta ay nabad noqonayso, Taasna Waa Dareen ay Wakiil kaga Yihiin  Daahir Riyaale, Sababtoo ah Haddii aanay Isaga Ka arag ama ay garanayaan In Kelmadasi madaxbanaanida Somaliland lidi ku tahay may yidhaaheen.

Sheeko Somalilander ah ayaa waxay ahayd sidan.
Warabe yaroo Dhashay ayaa Hooyadii Xanuunsatay
Dhowr Casho Markii ay Bugtey (waa Hooyadiiye )
Ayaa Waraabihii Yaraa La waraystay Waxa La yidhi Hooyada Kawaran Saaka?

Wuxuu Ku Jawaabay Hooyaday aad iyo ad ayay u wanagsan tahay.
Laakiin, hooyaday haddii ay Nooshahayna Waan Jaqayaa
Haddii ay Dhimatona Waan Cunayaaa.

Waxaad moodaa in Waraabahaa yar iyo UDUB  Taageerayaasheedu isku mid yihiin, Haddii  kursiga nalaga dejiyo xamar ayaanu qabanaynaa haddii kalena Somalilander baanu ahaanaynaa. Ama Haddii Aanu madaxda udub nahay Somaliland intaanu Xukunka Hayno waanu cunaynaa  Marka Nalaga hellona Waanu Dhoofeynaa.

Hadaba Su'aalaha iswaydiinta mudan  waxay yihiin  UDUB haddii doorashada laga hello maxay ku danbayn doontaa?
Ma xusbi jira ayay ahaan doontaa?

Madaxda Xusbigu Somalilnd ma sii joogi doonan?
Malaga Yaabaa In aad argtaan Riyaale oo Somaliland iyo Jiritankeedaba Ka soo horjeestay in La arko?

Cawil, Ina Dhoolayare, Jug soo dhacay, Xaabsade,Kooxdaasi Ma Joogi Karaan Somaliland Iyaga Oo Aan Xil Hayn? Amaba Aan Dhaqaalaha Umada  Cunayn?

Jawaabaha Waxaan U Dhaafayaa Shacabka Somaliland.

Guul Iyo Gobanimo Waarta  Ayaan Somaliland U Rajaynayaa.

Cali Kayse Kabadhe
The Netherlands
Calikayse@live.com

No comments: