DAREENO KALA DUWAN OO AY DADWAYNUHU KA BIXIYEEN SIXIROOLAYAAN DAD KU DHACAY HARGAYSA.
Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa waxa maalimahan danbe ku soo badanaya dad la shegay in ay Sixirolayaal yihiin, tan iyo shallay ayaa hadal haynta ugu badani ay ahayd dhacadoyinkan dadka lagu dhacay, waxa magaalada Hargaysa laysla dhexemaryey in dadkan Sixirolayaasha ahi ay yihiin Dad ka soo jeeda Koonfurta dalka somaliya oo la yidhi waxay yaqaanan sixirka waana ay ku shaqeystan
waxa kale oo Cabasho badani ka imanayaasa Dadka Ganacsadayaasha ah oo sheegay in laga dhacay lacag aad u faro badan kadib markii la Sixray, una yimadeen dad Sixirolayaal ah, Dhacadadan ayaa waxa ay ku dhacday laba nin oo Maherado Sariiflayaal ah ku haysta Badhtamaha magaalda Hargeysa oo lacagaha Qalaad kala badal labadan nin ayaa waxa ay shegeen in mid kasta Gooniddiisa loo Sixray oo hantidii uu haytay laga dhacay oo gadhaysa ilaa $700 iyo lacago kale oo iskugu jira Lacag bir iyo Shillin Somaliland
Haddaba Ninkan oo ah nin Sariiflaha oo magaciisa la yidhahado Axmed Sh.Maxmuud Suufi oo meherad ku agtaalo Wasaarada Duulista iyo hawda horteed ahan dadkii la sixiray ee hantiddiisa la dhacay ayaa waxa uu sheegay in uu ku baarugay isaga oo lacagtii dolarka ahayd ee uu haystay iyo lacag kale oo itoobiyaan ah laga dhacay isaga oo sheegay in qof uu soo daba istaagay kadibna waxa la mariyeey sidaasin lagu dhacay.
Isaga oo amuurtaasi ka waramayan waxa uu yidhi "Waxa markaasi laga dhacay lacag gadhaysa $350 iyo lacag aad u farro badan oo Itoobiyaan ah iyo Hal mobil marka haddii aan ku sheego sida laygu dhacay Waxa idul yimid nin aanan garaneyan kadiban meeshadii ayaan fadhiistay maqalkiina waan furay inyar dabadeedan waxaan is arkay uun aniga oo idhaha marmaranaya oo yaaban Dhulkan Fadhiya waxaan eegay lacagtaydii waanan wayey marka Ciidna maan arkaynin " Axmed Sh.Maxmuud Suufi
Dhinca kale nin isaguna Sariiflaha ayaa isagan maanta la dhacay ka dib markii la Sixiray ninkan oo la yidhahado Sidiiq C/laahi Yusuuf ayaa waxa uu noo sheegay inlaga dhacay hantidii uu haystay ka dib markii nin sixiroole ahi uu soo daba istaagay oo uu indhaha qabtay kadiban uu u dhiibay Bac madow oo ayku jiiran Xashiish iyo waxayaale kale oo layku dardar kadibna uu yidhi ii haya sidaas daraadeedan lacagtii uu haytay oo gadhaysatay $350 iyo 850,000 shillin somaliland ah laga dhacay oo uu hatan aanu lagtiisi waxaba ka haynin oo uu farro madhan yahay.
Waaheen
No comments:
Post a Comment