MAANSO:MADAXWEYNE WAA KEE????ABWAAN; MUBARAK MOHAMED NUUR QOORUBAXAY
Maansadan oo la yidhaaho Maso waxay jawaab u tahay tixdii cabdillaahi geeljire ee Madaxweyne waa kee. waxaa tiriyey Mubarak Mohamed Nur qoorubaxay. Halkan Ka dhegayso http://www.saraarnews.com/maso.wav
Wuxu yidhi milgaha gabay
Murtidiyo sarbeebaha
Maahmaahda lagu ladhay
Micnihiyo naxwaha culus
Ninkastaa ha mariyee
Waxa uu ku mudan yahay
Maansada hogeediyo
Suugaanta muulka ah
Sida loogu meel deyey
Moqoraysi loo dhuuq
Miilo miilo laga dhigay
Badi laysku maandhaaf
Murankeed la sixi waa
Malaheedu yaab dhali
Nin kastaaba maankii
Isla noqoy mudh iyo toos
Madadaalo weydiyo
Iska maararoow noqoy
Hadaan macalinkeediyo
Hal abuurka mudankee
Beryo soo mushaawiray
Madal uu ka xaadiray
Masalahana loo dhigay
Cidi kaga maqnaanayn
Dadku wada macsuun yahay
Meertada xilkeedii
Maso loogu siman yahay
Markab wada shukaama ah
Midba dhinac u toocsaday
Murjis laysla beegsaday
Ilamaa miskaa sare
Lagu wada musuusuqay
Maro aan wax qarinayn
Iga dhimay macaankii.
Xaajada maroorkaa
Wuxu yahay masaalkeed
Intii uu muducigii
Ku maqnaa markhaatiga
Sowtii madaaclii
Miladii ku xaabsaday
Arintii malkada tiil
Ee loo mudaysnaa
Afartaa sidii mayay
Ama roob mahiigaan
Maasheeyay dunidii
Dhulka maysku labo rogay
Wuxu yidhi macnii guud
Geeljiroow midhkaad tidhi
Anigoon Masuugayn
Madaxweyne waa kii
Markuu waajibkii gudo
Milgihiyo xilkuu sidu
Dadku kaga mastuurtaan.
Madaxweyne waa kii
Maatada daryeela ah.
Madaxweyne waa kii
Maalintay u darantay
Dadku wada majeertaan.
Madaxweyne waa kii
Hirka Muuqday garan kara
Mishkiliyo dhibaatiyo
Mayay hooray kuu yahay.
Madaxweyne waa kii
Maahmaaho soo baxay
Murti kale ku dari kara
Hadalkana macayn kara.
Madaxweyne waa kii
Runtu ay u tahay magan
Beentuna ka madowdahay.
Madaxweyne waa kii
Moqoraysi tuugiyo
Musuqiyo xatooyadu
Noqon Meheradiisee
Maalkaa agoontiyo
Mushahaarka ka nabad galo.
Madaxweyne waa kii
Meertada xilkuu sido
Maalintuu ka soo dego
Magac fiican kaga taga
Dadkuna ay u mahadshaan.
Madaxweyne waa kii
Utun laysku maagiyo
Milil hore daweyn kara.
Madaxweyne waa kii
Marwadiisa odhan kara
Maamuuska sharafeed
Inta aad ka mudan tahay
Maandheey ku koobnoow.
Madaxweyne waa kii
Dadka uu u madaxyahay
Milatery ka weerayn
Ciidan meel fog tegi laa
Oo muquunin laa cadow
isagii ku meernayn.
Madaxweyne waa kii
Masalaha qabiilkiyo
U mudnaanta reernimo
Mayalkiisa daadihin.
Madaxweyne waa kii
Macaluusha darayada
Maxastiyo dadkoo qaday
Meydkiyo xabaalaha
Maryiina kala bixin.
Madaxweyne waa kii
Mansabkiyo kursiga jilan
Intuu xeerka baal maro
Manaxaan sidiisii
Ku muraadsan danihii.
Madaxweyne waa kii
Magalooti suu yahay
Midhna aanu ku lahayn
Maaraha xadiidiyo
Iskaraab madoowiyo
Biro aan mushtarinayn.
Madaxweyne waa kii
Miisaanka waayaha
Marinada siyaasiya
Mulacyaynta garan kara
Hadba dhan isu mooskeed.
Waxba yaanan muudaha
Sheekada mucdeediyo
Ku fogaanin moolkee
Miisaan ka culus baa
Kuu yaal miscirirtee
In masiirku dhacan yahay
Qarankii la meersaday
Shacabkii madluun yahay
Maamuuska gobanimo
Laga fara maroorsaday
Hantidoodi maqan tahay
Meeqaamka noloshee
Biyuhu u mudnaayeen
Miilo loogu heli karin
Miyaa taa la moogyahay.
Runta lama masuugee
Inagaan is maax duman
Ama aan is moodsiin
Mudaciyo maxaadhkii
Cidla aan iskaga mudin
Horta eelku meeshuu
Mililkiisu yaaliyo
Halka ay melmelan tahay
Cudurkiyo masiibadu
Maanta aan abaaree.
Intii dawlad magaceed
Wadankeena soo maray
Weli maamulkaa jira
Mid ka liita maan arag.
Musuqmaasuq baa degay
Gobolaa dalkii maqan
Cadowgiina muruqiyo
Soofee mariidkii
UDUB kiina Meelaba
Murugiyo dhib mooyee
Ku fashilan Masiirkii
Citiraafna kaa maqan
Magaceed u bixin layd.
Talo maalin weeyaan
Maraad gaadhi waydiyo
Maray kaa murkucatee
Inta aanu muuqiyo
Miciyaha shabeelkiyo
Shaadhkii mabuutiyo
Macnihii afweyniyo
Muuse liini kugu noqon
Ka marooji wacanaa.
Dhamaad.
No comments:
Post a Comment