07 March, 2010

Jaamacadda Carabta iyo Maamulka Sh. Shariif oo ka Gubtay Dhawaaqii Israa’iil ee ku Wajahnaa Aqoonsiga Somaliland

Jaamacadda Carabta iyo Maamulka Sh. Shariif oo ka Gubtay Dhawaaqii Israa'iil ee ku Wajahnaa Aqoonsiga Somaliland

Qaahira (Jam/W.Wararka)- Ururka Jaamacadda Carabta oo shir uga socdo caasimadda dalka Masar ee Qaahira, ayaa si weyn uga gubtay, kuna cambeereeyeen hadal dhowaan dawladda Israa'iil ku sheegtay inay diyaar u tahay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida ay baahisay shabakadda wararka ee Somalilandpress.com bayaan ka soo baxay shirkii 133-aad ee golaha wasiirrada dawladaha ku jira ururka Jaamacadda Carabtu Arbacadii toddobaadkan ku yeesheen magaalada Qaahira, ayaa dhawaaqa dawladda Israa'iil ee ku wajahan aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay tallaabo Yuhuuddu ku kala qaybinayso Soomaaliya, aadna uga xun yihiin dawladaha Carabtu oo aanay u dulqaadan doonin in Israa'iil kala googayso Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyey inay aqoonsan yihiin oo keliya maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sh. Axmed ee ka jira Soomaaliya.

Waxa kaloo bayaanka lagu xusay inay Somaliland u aqoonsan yihiin maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya, sidaa awgeedna aanay waddamada xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabtu u aqoonsan doonin dal gaar ah oo ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale. Waxaana arrintaa ururka Carabta si weyn ugu hambalyeeyey dawladda daciifka ah ee Sheekh Shariif.

Hadalka ka soo yeedhay ururka Jaamacadda Carabta, ayaa ku soo beegmay xilli dawladda Israa'iil dhowaan shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay ictiraafka Somaliland, arrintaas oo ay si weyn uga gubteen masuuliyiinta dawladda taagta daran ee Sheekh Shariif, kuwaasoo ku andacooday in aan Somaliland loo aqoonsan karin qaran madaxbannaan.

Ra'iisal-wasaare-ku-xigeenka Sheekh Shariif Mr. Cabdiwaaxid Cabdi Gonje ayaa ka sheegay magaalada Muqdisho in Somaliland ka mid tahay maamullada ka jira Geeska Afrika, laakiin aanay ka go'i karin Soomaaliya.

Gonje waxa uu ku dooday in aanay jirin dawlad iyo koox Somaliland amma maamul kale oo dalka Soomaaliya ka mid ah u aqoonsan kara dal ismaamula, isla markaana hadalka ka soo yeedhay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Israa'iil uu yahay waxba kama jiraan.

"Warka ka soo baxay Israel waa barobagaandho meel wayda, mana cadda in warkani ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel, anigu ma garanayo meesha weriyayaashu ka keeneen warkan," ayuu yidhi Ra'iisal-wasaare-ku-xigeenka dawladda Sheekh Shariif.

Mr. Gonje waxa kale oo uu xusay inuu jiro khilaafaad u dhexeeya dawladda taagta daran ee uu ka tirsan yahay iyo maamullada kale, balse waxa uu sheegtay inuu socdo qorshe dhexdhexaadineed oo lagu soo afjarayo is faham la'aanta.

Arrintan ayaa daaha ka faydaysa cadaawadda gaammurtay dawladaha Carbeed u qabaan masiirka ummadda reer Somaliland ku go'aansadeen madaxbannaanidooda, colaaddaas oo si weyn loo tuhunsan yahay inay hormood ka tahay dawladda dalka Masar oo ah xarunta guud ee ururka Jaamacadda Carabta ee hoggaamiya siyaasadaha dalalka Carabta.



Jamhuuriya Online

No comments: