07 March, 2010

‘Guddoomiyaha Baarlamaanka Ingiriisku Wuxuu uu Arkayey Haddii Dib-u-dhaca Doorashadu sii Socdo in Dhib Weyni ku Iman Karo Somaliland’

'Guddoomiyaha Baarlamaanka Ingiriisku Wuxuu uu Arkayey Haddii Dib-u-dhaca Doorashadu sii Socdo in Dhib Weyni ku Iman Karo Somaliland'

"Qofkii kursiga isku sii dhejiyaa wuxuu ka qaadaa magac-xumo iyo sharaf-darro. Waxa hubaal ah nabadgelyada Somaliland waxa burburin kara iyadoo doorashada dib loo dhigo"

"Sharaftii dalku hoos bay u dhacday markii doorashadu saddex jeer dib u dhacday, iyada oo laga shakisan yahay inay Somaliland dhab ka tahay in doorashadu qabsoonto"

Waraysi khaas ah - Cabdicasiis M. Samaale

Hargeysa (Jam)-Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee golaha wakiillada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka Ingiriisku u caddeeyey in dib-u-dhacyada joogtada ah ee ku yimi doorashooyinku dhaawac weyn u gaysteen sumcaddii Somaliland, isla markaana hadday sidaa ku sii socdaan ay dhib weyn soo gaadhi doonto dalka.

Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo shalay xafiiskiisa magalada Hargeysa waraysi khaas ah ku siiyey Jamhuuriya, waxa uu faahfaahin ka bixiyey natiijada shir ay isugu yimaaddeen baarlamaanada dalalka ku jira ururka Barwaaqo-sooranka oo uu dhowaan kaga qaybgalay magaalada London, kaasoo uu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka Ingiriisku qayb libaax ka qaatay in shirkaas caalamiga ah oo ay ka qaybgaleen 44 dawladood lagu casuumo Somaliland.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee wakiillada oo ugu horreyn sharraxaad ka bixinayey shirka ay ka qaybgaleen iyo waxyaabihii lagaga wadahadlay waxa uu yidhi; "Shirkaa waxa lagaga hadlayey sida mashaakilaadka loo xaliyo iyo waxyaabaha keena mashaakilaadka. Waxa kale oo uu nuxurkiisu ahaa sidee loo adkayn karaa nabadgelyada Afrika iyo ta adduunka? Waxaannu ahaa shir aad iyo aad u qiimo badan.

Shirkaas 31 January 2010 – 7 February 2010 ayuu ka kala socday labada magaalo ee London iyo Belfast oo ah caasimadda Woqooyiga Ireland, waxana ka soo qaybgalay madax aad u tiro badan, kuwaasoo uu ugu horreeyey guddoomiyaha Baarlamaanka Ingiriiska oo run ahaantii xidhiidh dhow leeyihiin Baarlamaanka Somaliland. Afhayeenkan oo ahaa sababta iyo furaha casuumaddan Somaliland loo fidiyeyna wuxuu horeba xoog ula socday arrinta Somaliland iyo ictiraaf-raadinteedaba, intii murannada iyo doorashooyinka dib-u-dhacay ee Somaliland ay jireenna xidhiidh toos ah ayuu la soo sameeyey Baarlamaanka Somaliland, isagaoo mar walba rajaynayey in doorashooyinku ay ku dhacaan si nabadgelyo ah, xalkii u dambeeyey ee arrintaas laga gaadheyna aad buu noogu soo hambalyeeyey, waxaannu ku soo dardaaranay inay doorashooyinku si dhakhso ah u qabsoomaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka waddanka Ingiriiska oo ah nin Somaliland aad u jecel, waxaannu ku kaftanay markii shirka la furay Somaliland inay aqoonsi iyo waxtar uga baahan tahay, isaguna runtii wuxuu sheegay in martiqaadkan la innagu martiqaaday shirkan waddamada Barwaaqo-sooranka (Commonwealths) ay tahay wanaagga Somaliland loo hayo, sidoo kalena tahay qayb ka mid ah ictiraafka Somaliland.

Guddoomiyaha baarlamaanka Ingiriisku wuxuu uu arkayey doorashadda saddexda jeer dib u dhacday, welina aanay mudaysanayn inay tahay arrin dhaawac ku ah hor-u-socodka Somaliland, waxanu u arkayey hadday Somaliland sidaa ku socoto inay dhib weyn la kulmeyso, waxaanay innagula talinayeen in Somaliland midnimadeeda loo midoobo, annaguna waannu u mahadcelinay."

Waxa Md. Samaale waraysigiisa ku xusay in xidhiidh wanaagsan dhexmaray weftiga Somaliland ee shirka ka qaybgalay iyo wufuuddii wadamadii kale, isaga oo sheegay in masuuliyiintii shirkaas ka qaybgalay ay aad ugu faraxasanaayeen inay arkaan wefti ka socda Golaha Wakiillada oo shirka ku sugan, taas oo uu ku tilmaamay inay qiimo weyn ugu fadhiday Somaliland, waxaanu caddeeyey in marka laga hadlayo dhibaatooyinka ka jira Somaliya iyo budhcad-badeedda ka dillaacday xeebaha Somaliya laga reebayey Somaliland oo loo arkayey meel xasiloon.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee wakiilladu waxa uu xusay in nabadgalyadu ku xidhan tahay horumarka iyo shaqaalaynta dhallinyarada, isaga oo sheegay in haddii taas la waayo aanay wax nabadgalyo la yidhaa jirayn. Guddoomiyaha oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Waxaad arkaysaa inaanay nabadgelyo jirayn haddaanu dalku horumar lahayn, nabadgelyo in aanay jiray haddii uu dal dhallinyarada iyo dadka ku nooli ay bilaa shaqo yihiin, dalka ay ku badan tahay xatooyada iyo musuqmaasuqa in aanay nabadgelyo jiray, hadday nabadgelyo ka jirtana tahay mid aan ku taagnayn cago adag oo ay waqti kasta dumi karto, waxana tusaale loogu soo qaadanayey waddamo badan oo Afrika ah oo dhibaatooyin iyo burbur ka jiraan. Waxyaabaha burburiyeyna dhammaantood waxay xidhiidh la lahaayeen arrimaha horumarinta, musuqmaasuqa iyo kuwo la xidhiidha hantida ummaddi leedahay oo dadka talada hayaa ay siday rabaan u isticmaalaan oo ay ummaddu ku kacdo, dabadeedna maamulkii iyo ummaddii iska horyimaaddaan oo dalkii ay dawladdiiba sidaa ku baaba'aan.

Waxa la ogaaday siday saxaafadda madaxabannaani qayb uga tahay nabadgelyada, hadday dal ka jirto cadaadis iyo cidhiidhi lagu hayo saxaafadda madaxabannaan oo waxa ka shaqaynayaa tahay saxaafad ay maamusho dawladdu oo laga qaadayo ammaanta iyo waxqabadka been-abuurka ah ee madaxda dalka xukunta iyo wixii kalee runta ka sheegi lahaana la cabudhinayo in nabadgelyada waddankaa ka jirtaa tahay mid taban."

Guddoomiye-ku-xigeenka oo ka hadlayey waxyaabaha iyo faa'iidooyinka Somaliland uga soo kordhay shirka baarlamaanka waddamada Barwaaqosooraka waxa uu yidhi; "Waxaan odhan karaa Somaliland wax weyn ayaa shirkaa uga soo kordhay, wufuuddu waxay ku farxayeen siday Somaliland uga soo kabatay dhibaatooyinkii soo maray, Somaliland-na waxa loo soo qaadanayey tusaale fiican, iyadoo waddamada jaarka sida Soomaaliya ay dhibaatooyin dagaal oo ba'ani halakeeyeen, welina ay ka jiraan afduub ba'an oo loo geysanayo maraakiibta badda Cadmeed maraya, arrintanina waxay dhibaato weyn ku haysaa caalamka.

Somaliland waxay noqotay mid arrintan ka badbaaday, isla markaana tahay waddan wax ka qaban kara, annaguna dhankayaga waxaannu u sheegnay inay u baahan tahay in la ictiraafo, Somaliland-na xallin karto dhibta Soomaaliya marka la ictiraafo."

"Shirkaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee Baarlamaannada taabanaayey waxa ka mid ahaa sida loo tilmaamayey qiimaha ay Baarlamaannada la soo doortay u leeyihiin waddamadooda, inuu yahay Baarlamaanku xubin ay soo doorteen shacabku, taas oo metelaysa shacbiga, sidii Baarlamaannadu ugu adeegi lahaayeen dadweynaha, waanna cidda dajinaysa siyaasadda dalka lagu hagayo, hadday tahay mid dhaqaale, dibadeed iyo siyaasad kastaba."

Md. Samaale oo ka jawaabayey su'aal la weydiiyey oo ahayd aqoonta ay ka soo faa'iideen shirka ay ka qaybgaleen iyo sida ay ugu dabaqi doonaan hawlaha ay qaranka u hayaan, waxa uu yidhi; "Somaliland waxan u malaynayaa in aannu ku dhisi doono Baarlamaanka iyo dalka gudihiisa oo aannu dadkayagana ugu faa'iideyn doono annaga oo Illaahay la kaashan doona, aniga oo runtii rumaysan qiimaha aqoontu leedahay iyo sida aqoonta loogu horumari karo, waxna loogu qaban karo shacabka iyo dalkaba, taas oo aannu ka soo qaadanay 44 dal baarlamaannadoodii iyo afhayeennadoodii, waxaanan rajaynayaa inay noqon doono mid annaga iyo dalkaba na anfici doona."

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad oo su'aal laga weydiiyey in arrimaha shirkaas lagaga hadlayey qaarkood si toos ah u khuseeyaan Somaliland, waxa uu yidhi; "Waxyaabaha shirka lagaga hadlayey, mararka qaarkood baan is odhanayey malaha dalkaagiibaa weynayso lagu eegayaa oo wixii dalkaaga ka jiraybaa meesha lagaga hadlaya, waxyaabaha shirkan lagaga hadlayey ee nabadgalyadda xumeeya waxay ahayd wax Somaliland-na ka jira, adduunka inteeda kalena ka jira, waddamo badanna weynu ka wanaagsan nahay.

Waxa kaloo lagaga hadlayey sida waxyaabahaa loo daweynayo, Somaliland lafteedu hadda tahay waxyaabahaa aynu ka hadlayno sida madmadow iyo musuqmaasuq, shaqo la'aan iyo saxaafad la cabudhinayo sidii loo daweyn laha oo looga gudbi lahaa, waxana laga hadlayey waxyaabahaas hadday sii fidaan oo la joojin waayo inay waxyeellayso jiritaanka nabadgelyada hadday sii xooggaysataan, waxaanuna u aragnaa in haddii dhaliilo la sheegayo aanay ahayn in qof la caayayo, balse macnaheedu waxa weeye xannuun ayaa jiraa una baahan in laga hortago."

Isagoo ka jawaabayey su'aal la xidhiidhay aragtidiisa ku waajahan khilaafka dhinaca sharciga ah ee u dhexeeya wasiirka xannaanada xoolaha iyo guddida dhaqaalaha Golaha Wakiillada waxa uu yidhi; "Waxannu u aragnaa inay tahay shaqadda guddigu inay u yeedhaan Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo cidday u baahdaan, waanna arrin waafaqsan dastuurka. Waxananu u aragnaa inay tahay arrin khaldan inay diidaan horimaatinka guddiga, maaha inay xukuumadda ka dhago- adaygto xisaabinta, waayo taasi waxay caddaynaysaa inay jiraan waxyaabo xukuumaddu qarinayso oo ay daboolayso, lana dhuumanayso, waxaanay ceeb ku tahay xukuumadda."

Md. Samaale oo ka hadlayey khasaaraha Somaliland ka soo gaadhi doona haddii doorashadu qabsoomi weydo, waxa uu yidhi; "Cidkastoo Somaliland xil u haysaa oo ay arrintan doorashadu khusayso waa inay si daacadnimo u gudato weeyaan. Sharaftii dalku hoos bay u dhacday markii doorashadu saddex jeer dib-u-dhacday, iminkana indho-gaar ah ayaa la innagu eegayo iyada oo laga shakisan yahay inay Somaliland dhab ka tahay in doorashaddu qabsoonto, waayo shakiga waxa sii xoojinaya markaad mar iyo laba iyo saddex jeer been sheegto ee wixii aad ballanqaaday fulin weydo, marka dambe waxa imaynaysa maxaa lagugu rumaystaa? Waxaanan rajaynayaa inay markan ka duwanaato oo doorashadu si xor iyo xalaal ah innoogu dhacdo doorasho. Kolley qofna kursiga ku raagi maayee waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa; 'Waari mayside war ha kaa hadho!' Qofkii kursiga isku sii dhajiyaa wuxuu ka qaadaa magac-xumo iyo sharaf-darro. Waxa hubaal ah nabadgelyada Somaliland waxa burburin karaa iyadoo doorashada dib loo dhigo," ayuu yidhi Md. Samaale.



Jamhuuriya Online

No comments: