07 March, 2010

Burco: Taageerayaashii ugu Badnaa oo ku Biiray KULMIYE

Burco: Taageerayaashii ugu Badnaa oo ku Biiray KULMIYE

Burco (Jam)- Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Todheer, ayaa xaflad ballaadhan oo soo dhoweyn ah hudheelka City Plaza ee magaalada Burco ugu sameeyey taageerayaashii ugu tirade badnaa oo dhammaantood ka soo digorogtay xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB.

Afhayeenka guud ee KULMIYE Mr. Maxamed Kaahin Axmed oo hadal kooban ka jeediyey xafladdaas, ayaa sheegay in sharciga xisbigoodu yahay mid cid walba u oggolaanaya inuu xubin ka noqdo, sidaa awgeedna aad u soo dhoweynayaan taageerayaasha cusub ee ku soo biiray.

Muj. Maxamed Kaahin, waxa uu tibaaxay in taageerayaasha cusub ee xisbigooda ku biiray yihiin muwaadiniin iyagu iskood u goostay ku biirista KULMIYE, balse aan cidna soo khasbin. Waxa kaloo afhayeenku sheegay in xisbiga KULMIYE diyaar u yahay ka qaybgalka doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda, aadna ugu rajo weyn yihiin inay ku guulaysan doonaan.

Axmed Xuseen Soodaani, ayaa taageerayaasha cusub ku tilmaamay tallaabo guul leh oo u soo hoyatay xisbiga KULMIYE, isla markaana muujinaysa sida bulshada Somaliland harraadka ugu qabaan isbeddel siyaasadeed cusub oo dalka ka dhacda.

Sidoo kale, Sahra Ismaaciil (Sahra Madow) oo sheegtay inay ahayd madaxa abaabulka iyo wacyigelinta ee xisbiga UDUB, ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah ugu biirtay KULMIYE, kana digo-rogatay xisbigii ay hore uga tirsanayd ee UDUB.

Waxa ay ku eedaysay xisbiga talada haya ee UDUB in aannu diyaar u ahayn waxqabadka ummadda Somaliland, "Arrintaas waxa ka markhaati ah sida dhallinyaradu uga haajirayso waddanka, kadib markii ay arki waayeen wax mustaqbal ah oo u muuqda, sidaa awgeed maanta laga bilaabo waxaannu diyaar u nahay in aannu maal iyo maskaxba ku biirino xisbiga KULMIYE oo aannu hiil iyo hooba la garab taaganaan doono," ayey tidhi Sahra Madow.

Marwo Saynab Kacaan oo ka mid ah xubnaha horkacayey taageerayaasha cusub, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin ku biirista xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Mr. Maxamud Salaan Faroole, ayaa sheegay inay taageerayaasha cusub ku soo dhoweynayaan, isagoo xusay inay jiraan taageerayaal kale oo soo socda.

Waxa kaloo Mr. Faroole cambaareeyey xadhigga Caaqil Maxamed Cige Axmed, kaasoo uu sheegay in xukuumaddda Madaxweyne Rayaale ku xidhay maxaad ugu biirtay xisbiga KULMIYE, waxaannu ugu baaqay xukuumadda in loo soo celiyo caaqilka xorriyaddiisa.

Munaasibaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa kaloo ka hadlay Abokor Aadan, Cabdiraxman Awal-bari, Maxamed Saleebaan, Sahal Aadan iyo xubno kale oo badan.

Taageerayaasha cusub ee ku biiray xisbiga KULMIYE, waxa ay dhammaantood ka soo jeedaan beesha galbeedka Burco.



Jamhuuriya Online

No comments: