07 March, 2010

XEER CIISE IYO CALEEMASAARKA UGAASKA Qaybtii 2aad

XEER CIISE IYO CALEEMASAARKA UGAASKA

Qaybtii 2aad

Qaybtii hore ee qormadan waxaan ku xusnay caleemasaarkii Ugaaskii 19aad ee Beesha Ciise, Ugaas Mustafe Maxamad Ibraahim oo 01/03/2010 loogu cimaamaday degmada Seylac. Waxaan wax ka taabanay Ganadaha ama Xeerbeegtida Ugaaska doorata iyo dhaqanka Xeer Ciise. Haddaba annaga oo halkii ka sii anbaqaadayna Qaybtan waxaan ku dhuganaynaa Xeerka annaga oo hoos ugu gonad degayna qaybo ka mid ah.

Dhiisha-Dhiiba-Raari sida dhaqanka ah waxa la dhigaa Aqalka Curadka halkaas oo lagu soo shubo dhawrtada ama sida degaankaas looga yaqaanno Oolsha. Ka dib marka la ooggo salaadda subax ayaa dhiishii oo caano ka ceegaagta la soo dhigaa kadinka iyadoo la soo raaciyey Galci ama weel wax lagu cabo. Marka salaadda laga soo dareero ayaa curadka oo dhiishu gurigaas taallo waxa uu ku tiraabaa:

Heeraayow!

Gandde khayroow!

Gandde Rooblow!

Gandde Guullow!

Erayada oo lagu celceliyo waxay ogeysiis u yahiin Gandaha oo loo wacaya in la gaadhay xilligii dhiisha daboolka laga qaadi lahaa iyo caano lis ah oo shifo lagu afsaaro.

Astaynta Xeer Ciise

Sida odayba oday hore ka soo weriyey Xeer Ciise waxa lagu hindisay dardaaran uu ka tegay Odaygii Ciise isagoo ubadkiisa kula dardaarmay "Haddii Eebbe idmo marka tarantiinnu gaadho boqol nin oo gaashaan qaad ah, waxaan idin ku la dardaarmayaa inaad samaystaan xeer idin dhaqa iyo boqor idiin guddoomiye."

Xeerka Ciisaha, sida ay sheegeen ruug caddaa u kuur galay, waxa la dejiyay aminta dabayaaqadii qarnigii lix iyo tobnaad, madasha la fadhiyeyna waxay ahayd Sitti oo u dhexaysa Ayshaca iyo Hadhagaala ee kilika shanaad ee Somaalida Itoobiya. Sida aan hore u sheegnay xeerku waxa uu ka soo fulay 44 guurti ah oo uu hormood ka ahaa Allah ha u naxariistee Oday Xasan Gadiidshe iyagoo muddo 12 bilood ah, jilib carro, u fadhiyey in ay ka ka midho dhaliyaan dood iyo falanqayn lagu lafo gurayey qaybaha, dhegaleyada iyo qodobada xeerka, iyo weliba xilqeexidda dadkii fulin lahaa.

Xeerka waxa loo dhigay si loo wanaajiyo xidhiidhka beesha dhexdeeda ah iyo sidii ay u wada dhaqmi lahaayeen deriskeeda. Waxay ujeedadu tahay qodobo heshiis lagu yahay si beeshu ugu kala badbaaddo, isla markaana, ugu badbaado nacabka, weliba iyaga oo hollinaya in ay xeerka ku tiigsadaan nolol u horseeda wada dhaqan iyo is xurmayn.

Xeer Ciise wxa uu isugu biyo shubanayaa laba lugood: -

 «Xeer Ilaah» kaas oo ah dhammaan waxii ku qeexan kitaabka Allah (SW) iyo raadraaca Rasuulkiisa (NNKH), risaalooyinkii Ilaahay ku soo dejiyay Nebiyadiisa iyo Rasuulladiisa ee uu ku caddeeyay wixii xaaraan ah iyo wixii xalaal ah iyo sharci kastoo noole lagu dhaqi karo. Xeer Ilaah waxa kale oo loo xigta wax kasta oo xidhiidh la leh nolosha dabiiciga ah sida, (dharaarta iyo habeenka, xilliyada abaar iyo aaran, dhalashada iyo dhimashada, iwm …)

 «Xeer oday» (ama xeerka beeshu dejisteen) waxa ku urursan dhammaan qodobo looga gon lahaa in looga hor tago, ama lagu xalliyo dhibaatooyinka ku iman kara qof, qoys, koox, ardaa, jifi iyo guud ahaan beesha Ciise weyne. Sidaa darteed, xeerku waxa uu ku sar-go'an yahay baahida iyo hab dhaqameedka u gaarka ah bulshada loo dejiyay. Xeer Ciise waxa uu ka kooban yahay 12 kabood. Lix kabood waa la aasay, kuwaas oo sida aan maalayn karno la jaanqaadi waayey duruufaha iyo qiyamka jiray. Lixda kabod oo lagu dhaqmo waxay kala yihiin :

1. «Kabta dhiigga» taas oo loo dejiyay dhagarta, daanada iyo dilka. Magta ninka waxa lagu qotomiyey shareecadda Islaamka, waana boqol halaad oo dhogar ah iyo waxii qoon ama dhaawac ah oo lagu mago mawlaxo (ama buullo).

2. «Kabta dhaqaaqasha» waxaa loo adeegsadaa xallinta wixii muran ah ee la xidhiidha hatnida iyo xoolaha nool.

3. «Kabta dheerta» waa xeerka kala haga arrimaha qoyska, sida xigsiisinta, dumaasha iyo waxii gef iyo daano ah ee lagu la kaco haweenka.

4. «Kabta dhaqanka» waa xeerka qeexa qaabka loo magacaabo fulinta beesha sida Ugaaska, Gandaha iyo Guddida, isla markaana iftiimiya hawlaha ay u xilsaaran yihiin.

5. «Kabta dhulka» waxa lagu maareeyaa degaanka iyo dhulka Ciise.

6. «Kabta dhiblaha» waxa ku urursan dhammaan axdiyada lala galo beelaha kale ee deriska ah sida beelaha Somaaliyeed, Cafarta, Oromada, iwm. Kabtan waxa lagu agaasimaa xakamaynta colaadda, baahinta nabadda, wada dhaqanka iyo deris wanaagga.

Xeerka waxa lagu dhaqayaa beel wadaagta qodobada soo socda: -

 Wada deg ama dad ku wada nool degaan mid ah oo leh soohdin

 Wada ded ama dad ka midaysan ka-hor-tagga iyo xallinta dhammaan dhibaatooyinka soo food saara.

 wada duulaan ama dad ka midaysan difaaca iyo sugidda nabadda soohdintooda

Xeerka waxa lagu qaabeeyey sidii beesha dhexdeedu u kala badbaadi lahayd, sidaa darteed xeerku waxa uu mudnaan siinayaa sidii looga hor tegi lahaa dhibaatda, haddii ay dhacdona gacan bir ah loogu qaban lahaa. Qodobada si mug leh xeerku u soo bandhigayo waxa ka mid ah ka hortagga iyo la dagaalanka Damaca kaas oo qofkii, kooxdii ama reerkii hungureeya wax aanay lahayn u horseedi kara Duulaan laga dhaxlo Dhac iyo Dil. Xeerku waxa uu si dhammaystiran u qaadaa dhigaa qoddobada soo socda: -

• Damac

• Duul

• Dil

• Dhac

Xeerka oo ka hadalkiisa laga soo anbaqaaday shir doceedyo ku qabsoomay goobo kala duwan sida Dixda Salal, Gargaara, Kartataan, Carowayn iyo ugu danbayntii oo xeerka lagu lafo guray Gunburta Sitti, ugu horeyntii waxa lagu heshiiyey dhismaha iyo doorashada Xeerbeegtida Gandaha oo xilligaas loo bixiyey AYO, halkaas oo lagu xigsiiyey doorashada Ugaaskii kowaad ee beesha. Qodobada kale ee isla markaa meel maray waxa ka mid ahaa Heshiiska Dhuuniga oo lagu gorfeeyey in aan muran la gelin karin sidii beeshu u wadaagi lahayd Biyaha, Daaqa iyo Martisoorka. Nuxurka heshiisku waxa uu ahaa: -

 Beesha Ciise waxay wadaagtaa jidiin iyo jal waxana reebban in martidu ku jiifsadaan calool baahan.

 Martida oo laga seexdo waxa lagu mag dhabi karaa 12 halaad ama qaalmood.

 Beesha Ciise waxa u dhexeeya Jicsin loogu cawil celinayo ciddii caydhowda. Waxa la abuuray guddi taakulayn oo xadhiga u qaadda qaadhaanka iyagoo neef ka xidhaya kadin kasta oo waraabe ka qadin.

 Ciise Ceel Iyo Caws waa wadaagaan. Sidoo kale, Ciise waxaa u dhex ah Biyaha iyo Baadka.

 Ciise difaaca waa u midaysan yahiin, isla markaana, si siman ayey u wada dedayaan (aasayaan) ciddii ka dhinta.

 Ciise waxa uu ka midaysan yahay difaaca karaamadooda iyo Cirdigooda. Waxa laga siman yahay in waranka iyo gaashaanka loo qaato meel kasta oo ay ka soo yeedho oohinta gabadh ama qof dumar ah.

 Ciise waa ka siman yahay in uu soo rido (dhiciyo) geel ama xoolo degaankooda laga qaaday.

Guud ahaan qaab dhismeedka Xeerka Ciise waxu lagu saleeyey tiirar aasaasi ah oo mid kastaa iskiis isu macnaynayo kuwaas oo kala ah:

1. Lix (6) Kabood.

2. Boqol iyo lixdan Dhagalay (160)

3. Saddex boqol iyo lix iyo Soddon (336) Sarood.

4. Afar boqol iyo Afar iyo Afartan ( 444) Indhal.

Haddaba, waxa la og yahay wax kasta oo aadamaha ku cusub in uu saamayn ka tegayo oo lagu tilmaamsan karo mid la mahadiyo ama mid in la eeday. Run ahaantii Xeer Ciise oo beeshu si aad ah u mahadisay waxaan la maragsanaya maahmaahyada soo socda oo dhammaantood laga soo xigtay degaanka beesha.

Xeer meel aan lahayn waa lagu xooloobaa

Xeer dad aan lahayn waa xoolo

Xeer nin dhigay waa u darajo, ninka ku dhaqmana waa u deyr, ninka ka danaystana waa ku danbi

Xeer waa kab lagu socdo

Xeer waa hilin la raaco

Xeer waa Dayr iyo Dallad

Xeer waa geed jeerin ah

Xeer iyo Xariirba waa la Huwadaa

Nin xeer lihi waa nin xariir huwan

Sida aad hugaaga ugu socoto ayuu Xeerkuna kuula socdaa.

Dad xeer lihi caydh ma le

Geed nin baa ku dhasha ninna waa ku dhintaa

Tol wanaag buu ku tarmaa xumaanse wuu ku tirmaa

Xeer waxaan ahayn wuu xumaada

Xeer la'aani wa xukun iyo xoolo la'aan

Callool bukootay carab baa lagu daweeyaa

Xeer diid waa Alla diid

Guntii iyo gebogebadii qormadan waxaan ku soo afmeeraya ducada culimada beeshu ku yaboohiyaan in iyagu ma dooran karaane, Allah u dooro Ugaaskii lagu ledi lahaa.

" Ilaahoow geel-badane ku ma weydiisan

Adhi-badane ku ma weydiisan

Lo'-badane ku ma weydiisan

Mid baane badan ku ma weydiisan

Mid gaashaan-dhigga yaqaan ku ma weydiisan

Mid walaalo badan ku ma weydiisan

Ilaahoow waxaan ku weyddiisannay

mid eex iyo inkaar ba ka fayow

Mid hibo leh oo habeen dhalshay

Mid aad adigu noo boqortay

Ilaahoow noo biniixi. Aamiin ! "

horri@concernedsomalis.org



Jamhuuriya Online

No comments: