07 March, 2010

Maxay shalay Wasiirradu kala kulmeen magaalada Wajaale?

Weftiga Wasiirrada kormeerka ku samaynaya dhibaatooyinka daadadka

Hargeysa, (NNN)- Raxan Wasiirro ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa shalay kormeer ku tegay magaalada Wajaale ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.
Inkastoo aanay Wasiiradan Xukuumadda ka socday wax war ah ka soosaarin socdaalkoodaa, haddana siday sheegeen wararka naga soo gaadhay degaankaas, waxay ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay qiimayn la xidhiidha khasaaraha ka dhashay roobab dhawrkii maalmood ee u dambeeyay ka da'ay Wajaale oo khasaare sababay.
Wasiirradaas oo kala ah; Daakhiliga Cabdullaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Qorshaynta iyo xidhiidhka hay'addaha Caalamiga ah Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare), Caafimaadka Cabdi Haybe Muxumed, Dib-u-dejinta Maxamed Yuusuf Cismaan, Hawlaha guud Siciid Sulub iyo Ganacsiga Abiib Xasan Filfil, waxay kormeereen xaddiga khasaaraha roobabkaasi dhaliyeen.
Sida warku sheegay, Wasiirradu waxay kulamo la yeesheen maamulka iyo dadka degaanka, waxayna balanqaadeen inay u hawlgalayaan sidii wax looga qaban lahaa khasaaraha ka dhashay roobabkaas, iyadoo habeen hore laba qof daadku ku qaaday magaalada Wajaale, gaar ahaan dhinaca Itoobiya. "Daadku xafiisyada dawladda qaarkood iyo guryaha ayuu aad u galay, goobaha ganacsigana qaarkood wuu galay oo waxbuu yeelay. Magaalada Wajaale way kala qaybsan tahay, markaa dhinac Somaliland wax khasaare nafeed ah daadku ama roobku ma keenin, laakiin dhinaca Itoobiya ayuu dhawr qof ku dilay," sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan Booliska magaaladaas.
Waxa la sheegay in xubnahaa Wasiirada ahi ay isla shalay ku soo laabteen dhinaca magaalada Hargeysa, ka dib markii ay u kuurgaleen waxyeelada roobabkaas iyo daadadka ka dhashay geysteen.
Daadadkan oo kala xidhay isu-socodka gaadiidka, waxa uu saamayn ku yeeshay Jaadka dalka Itoobiya laga keeno ee dalka la soo geliyo, iyadoo sida la sheegay qayb ka mid ah diyaaradi keentay Hargeysa, halka qaybo kalena gaadiidkii siday lagaga soo dejiyay qaybta Itoobiya ee Wajaale, ka dib markii ay mari kari waayeen buundo kala qaybisa magaaladaas.

Dhinaca kale, daadad ka dhashay roob xoogan oo habeen hore ka da'ay degaamada degmada Gabiley, ayaa khasaare u geystay beero ku yaala degaanka Ceel-berdaale. "Beer-biyoodyada dooxa ku yaalaa waa afartan. Daadku saddex nooc buu u galay, sida Dhirtii oo uu jaray, Ceelashii oo uu dumiyay iyo Mishiinadii oo uu qaarna qaatay, qaarna aasay. Xaga Beer-xoolaadada qaar badan buu waxyeelay, markaa ilaa laba boqol oo beerood buu waxyeelay," sidaa waxa yidhi guddoomiyaha tuulada Ceel-berdaale Mr. Axmed Warsame Faahiye oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal. "Roobku xalay (habeen hore) ayuu da'ay, ilaa 12 saacadood baanu da'ayay. Xoolaha ilaa kun neef oo Adhi ah ayuu dilay," ayuu yidhi Axmed Warsame.
Mar la waydiiyay inay Xukuumadda la socodsiiyeen iyo in wax gurmad ah loo fidiyay, waxa uu ku jawaabay, "Weli ciddi nama soo gaadhin, laakiin Wasaaradda Beeraha ayaanu u gudbinay."
Courtesy: OGAAL


--
Posted By kaariye to Nasiib News Network at 3/06/2010 08:25:00 PM

No comments: