Maxaad Kala Socotaa Qaabka ay ku Socoto Siyaasada Ganacsi ee Somaliland (Warbixin)
Waxaa hubaal ah in qaabka ganacsigeenu maanta yahay mid jiho wareer ah oo ku salaysan ama ku dhisan qaab jaantaa rogan ah odhan karnana wuxuu horseedi karaa ama uu horseedayba bur-bur dhaqaale oo aad u laxaad wayn , mar hadduu Ganacsadihii Weynaa ama taajirka ahaa , isagu alaabtii ka keenay dibeda, hadana Bakhaarkiisana ku iibiniyo isla markaana gaadiidka soo qaadayay alaabtaasi ganacsi uu isagu leeyahay waxa halkaa ka baxay ama aan suuro gal noqonayn in ganacsatadii yaryarayd oo ay ahayd in ay Xukuumadu ilaaliso ay Qaar badan albaabadu u xidhmaan ,oo khadka ka baxaan .
Waxaa iyadana aan oolin Somaliland Siyaasad Qiimaha badeecada ah u go,an oo laysku waafaqsanyahay iyo in Arimaha Ganacsiga khuseeya aan lagu midaysnayn, qofkastaana waxii uu maskaxdiisa ka keeno ku iibiyo, Waxaa iyadana iminka Somaliland aad ugu badan Ganacsiga qof keliya suurtageliyo, oo aad moodo in ay ku yartahay sida Ganacsiga Shuraakada oo caalamka Horumarka weyn ku sameeyay oo aan dhiirigelin badan jirin oo ka faa,iido badan ka ay cid kaligeed samaysato, oo noqday waxyaabaha horumarka lagu gaadhay in la shuraakoobo la is-kaashado.
Ma jirto Xeer iyo Nidaam u degsan ama lagu dhaqo Ganacsatada Somaliland Waxaana loo baahnaa in madaama Xukuumada jirtaa ka baaqsatay wajibkii saarnaa in ay Ganacsatadu ay iyagu isku-tashadaan kana fekaraan sidii ay u abuuri lahayeen, suurta-galna u noqon lahayd Xeerar iyo Nidaam kala haga Ganacsiyadooda , iyadoo guddi hoosaadyo u saarayaan , isla markaana intii ganacsi isku nooc ahi wadaagto gudiyo hoosaad ah,kadibna uu ku jiro xayndaabka kii guud ee ay wadaagayeen.
Wasaaradda Ganacsiga ayaa waxaa xil ka saarnaa Maamulka iyo Qaab Ganacsi ee Wadanka gudihiisa iyo dibediisaba , Sida soo dajinta, ilaalinta qaabka ganacsi ee dalka ee dhoofinta iyo keenistaba ,iyadoo ay waajib ku ahayd inay samayso shuruudihii lagu maamuli lahaa Ruqsadaha keenista,dhoofinta, iyo Iibka Jumlada iyo tafaariiqdaba.
Iyadoo Xiligii uu Wasiirka Ganacsiga ahaa Maxamed Xaashi Cilmi ka ansixiyay Golayaasha Qaranka Xeer , ujeedadiisuna ay ku qotantay in la nidaam Ganacsi loo helo oo aanu isdul fuul noqon ama hadaan si kale u dhigno si habeysan loo hago Ganacsatada Somaliland noockasta oo loo kala qaybiyo baahiyaha Ganacsi ee Somaliland, oo ay awooda tamartooda hayneed ay ku kala hawlgalaan
Waxaa iyadana Wasaarada Ganacsigu xil ka saarnaa inay daba-gal ku samayso Gobolada iyo degmooyinka nidaamka ruqsadaha in la ilaaliyo si ay u helaan dhaqdhaqaaqa Ganacsi soo galaya Wadanka iyo ka baxaba , waxaanay suurtagelin lahayd in arrintaasi ay kobac u sameyso Ganacsiga oo ay Xukuumada Somaliland ku ogaan lahayd Macluumaadka iyo xadiga khayraadka dalkeena iyo weliba Xadiga aynu uga baahanahay Wadanka dibadiisa .
Waxaana jirin haba yaratee in Xukuumadani gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiga wax ay ka qabatay arrimahaa aan kor ku soo sheegnay ee ganacsiga dalka khuseeya oo gebi ahaanba aanu jirin oo ay ku fashilantay hawshii ay u xilsaarnayd .
Waxaa iyaduna naxdin Weyn leh in Dekeda Berbera ay sharci ahaan hoos timaado Wasaaradda Ganacsiga, Hadana si toosa looga maamulo Madaxtooyada, waxaanaad in badan maqlaysaa Ganacsatadii ayaa ka wareegtay Berbera,una wareegay Dekaddaha jaarkeena ah, isla markaana keentay Baayacmushtarkii Somaliland Hawlahaa iyo kuwo kale oo badan ay Sabab u yihiin nidaam xumada Ganacsi iyo Qaab la'aanta ay iskaga socoto Siyaasada Ganacsi ee Somaliland .
Waxaa iyaduna dadka dhibaato weyn ku haysa Shirkada aan la aqoon cid si toos u maamusha ee Total iyo ciddi la xisaabtankeeda lahayd,Total ayaa la sheegay la siiyay qandaraaska keenista shidaalka heshiis 50 sanadood ah isla markaana Golaha Wakiilada Somaliland ay hor istaageen laaleena sharciyadeeda gebihaanba oo hadana ilaa wakhtigan qaab sharci darro ah uga shaqaysta Somaliland , waxaanay noqotay inay qiimaha ay doonto u goyso , ciddii fasax loo siiyo Shidaalka ay iyadu dowlad u noqotay oo aan ogolayn sida "ku dhacday Muwadiniin shidaal dalka keenay oo khasaare badan ay u geysatay , kaalmaha shidaalka ayaa waxay iyaguna ku iibiyaan maalinba intii ay iyagu goostaan mana jirto Xukuumad, Wasaarad iyo masuuliyiin la xisaabtanta .
Arimahaa aan ka sheekeynay ee dhamaantood ku saabsan arimaha Ganacsiga Somaliland waxaa sababay ama ay hoos imanayaan oo ay ka fulayaan nidaam xumada Ganacsi ee xukuumadan Somaliland iyo wasaaraddeeda Ganacsiga oon awood u lahayn inay maamusho ama isu dubo rido iskuna dudo hawlaha ganacsi ee dalka ,Siyaasada ganacsiga Xukuumada jirtaa waxay ahayd in ay ka ilaaliso wixii horumarka dalka wax u dhimaya.
Muddadii ay jirtay Xukuumadan jirtaa waxaa qasmay ganacsigii dalka oo hadda maraya heerkii ugu hooseeyey, ka dib markii ay ganacsatadu wayday wax la xisaabtama ama u qorsheeya habka ganacsiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha.
Habkan Ganacsiga Somaliland waxay geynsiisay Jahawreer in la kala garan waayo, ganacsatada waaweyn iyo jeeblayaasha, bakhaaradda waaweyn iyo dukaamadda yar yar, isagoo uu caadi noqday in Ganacsatada Waaweyn iyo bakhaaraddu aanay cidna waxba iskaga tirin maamul iyo sharci ay ka baqaana aanu jirin qiimaha ay rabaan ay ku iibinkaraan maalinwalba ,kuna tacadiyaan dukaamadda yar yar, iyo jeeblayaasha soo koraya,dhibaatadoodana loo adkaysan kari-waayo,iyadoo aad arkayso bakhaarkii oo iibinaya daasad Caano-boodhe ah ama beer sandal ah, taas oo dhib ku ah dukaamadda soo koraya. Waxay gaadheen inay iibiyaan Toban kilo oo sonkor ah sidaa darteed aanay xukuumadda dan ka lahayn, in ay wax ka qabtaan khal-khalka ganacsiga iyo ku tacadiga dan-yarta.
Maamul-xumada iyo cidhiidhiga ay Xukuumadan jirtaa saartay dhaqdhaqaaqa ganacsiga dalka waxyaalaha ay sababtay waxa ka mid ah inay dekeddii Berbera ee sannado yar ka hor ahayd dekedda ugu camirran manqadda bariga Afrika ay maanta indhaha isku qabsato, ka dib markii uu ganacsigii inta badan meelo kale ugu wareegay.
Dhibaatooyin ganacsi iyo duruufaha nololeed ee ay ka dhashay heshiiskii Kootada ahaa ee ay xukuumaddu ugu danaysay ninka Sucuudiyaanka ah , ayaa baalmarsan ama ka soo horjeeda dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaal, waayo heshiiska Kootada ah ee ay xukuumaddu la gashay Total iyo Al-jaabiri gebi ahaanba waxay ka soo horjeedaan dastuurka dalka u yaal oo dhigaya inuu ganacsigu xor yahay, sidoo kalena dastuurka dalka u yaal wuxuu dhigayaa in heshiisyada caynkaas oo kale ah la horgeeyo baarlamaanka si ay u xallaaleeyaan hadii ay ummadda dani ugu jirto, hadii kalena u horjoogsadaan, taasina may dhicin.
Waxaana shacbiga Somaliland rajeynayaan in la helo Xukuumad u keenta in uu la horumariyo Ganacsiga dalka oo u Yeesha Isbedel, Waxaa kale oo uu Ganacsiga dalku u baahan yahay, wada tashi, wax wada qabad iyo tusaaleyn, si Ganacsiga dalka ka socdaa uu noqdo mid wax tar u leh dadka iyo dalkaba, balse aanu keenin waxyeelo, oo Siyaasada Ganacsiga ay laga maarmaan u tahay in ganacsatadii horena qorshaha lagu daro, haddii ay noqoto la tashi, waxtar (etc), Si loo hanto Ganacsi waxtarleh horumarna leh oo la abuurto ururo ganacsi oo tayo leh, una faa'iideeya dadka iyo dalkaba.
-Allaa Mahad Leh-
Adan Yusuf Elmi , UK
No comments:
Post a Comment