Kaaha cadceedda qarannimo dhaba, ee Kulmiye, Maaha mid ay UDUB Dacaayad iyo hadal ay Gacan ku qarin karto ee Siyaasaddii xisbiganu, maxfalkii qaraarrada Dawligu ka go'ayeen ayaa lagu qaatey oo ay ka iibsantey!! Isbeddelka Siyaasadeed ee Dalkuna, waa mid Marxaladda iyo Go'aan ummadeed ka dambeeyo in la ixtiraamo rabitaanka dalkuna yahay, yamr Dastuuri ah!!.
Dorraad, Bulshada Caasimaddu, waa tii dhulka u xarriiqdey, Maamulka Talada Dalka haya ee beenisey, Siilaanyo Dalka kuma soo noqon karo, hinnifkeeda ay ka gabbadeen qirinqiirkii idacaduhu sheegeen inay mudaaharaad kala hor imanayaan Mujaahid siilaanyo iyo wafdigiisa!! oo la abaabulayey waqtiba.
Shooggii iyo anfariirkii dhulku wada akhdarka iyo Huruudda noqdey, wuxuu sal-ba-baqii keenay in Af-hayeenkii Xisbiga Udub, Mujaahid Cali Gurey , laga celiyo in uu Madaxtooyada galo!!
Yarkii Gobolka ee xarshin ka soo shaqo-tegey, Hargeisana muwaadiniintii Asaastey oo jooga ka sheegtey, isna kiishka iska galo!!Jinnaa ka sheegta!!
Maanta, salaasa,10:00 subxnimo, waxa hotel Mansoor ka furmey, Bandhigga Guulihii Siyaasadeed ee uu Goobaha qaraarrada Dawliga ah, laga fuliyo ka soo hooyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo wafdigiisii, Bandhig 650 Xul ah oo Aqoontii,Dalka oo ka kala socda dhammaan qaybaha Bulshada, laysugu yeedhay, si ay xaqiiqooyinka u taabtaan, Damiirka iyo caqliga ummadduna u adeego Marxaladdan , waxaan qarannimo dhab ah, mid shuruuceed , hufnaan maamul, Caddaalad, dhaqaale muujin, Mas'uuliyadaha ummadda loo hayo oo lagu xisaabtamo, lacag mid ah oo Dalka ka socota si loo odoroso dhaqaalihii iyo Dwladnimo hanata himilooyinka dalka iyo dadweyneheenna loo helo.
Waa in ay Dawladi lahaato qorshe qarameed horumarineed oo Muddeysan kuna qeexan yihiin kala mudnaanta baahiyaha Dalka iyo Bulshadu, sida ugu habboon ee Taagteedu goyneysona si habsami iyo hagar la,aana looga hawl galo oo loo abuuro shaqooyin Bulshada wax qabadkuna si deggan oo aan culey ku saarmeyn Bulshada , ula kobco hadba koboca dhaqaale ee khasnadda Dawladda . Kulmiye oo Aaminsan in Bulshadu tahay Hantida la hubo ee ay ummadi ku jiri karto, waxa ka go'an in karaamadii Muwaadinka , Saxaafadda, Ciidanka iyo Aqoonyahannada hangoolka farraada leh layskaga riixey uu soo celiyo, Dawlad Xul ah oo aan sidii kuwii hore xal ahayn, Koobanna oo tayo leh Ku-Xigeenno iyo Dawli , ka madaxtooyada oo keli ah mooyaane lahayn, uu Dalka u dhiso haddii uu xilka la wareego.
Dhallinta dalka oo barnaamij qaran oo gaar ah yelan doonta iyana. Wiil ama gabadh, dalkan wax u bartey oo aan mustaqbal sugan oo iftiimaya lahaynna dib u dhicin. Waa mas'uuliintii berrito, Dalkoodu ku filan haddii loo hagar la'aado In loo diyaariyo Mas'uuliyadaha berri ku soo muruxsan doonta, waa nagu waajib.
Waxa aynu haysanno, awoodda iyo Aqoonta Bulshadeenna oo aynu ku bismileysanno, waxqabad hagar la'aaneed iyo Daacadnimo qawmiyadeed aynu u lahaanna dalka iyo Ummadda, waxa hubaal ah , sidii aynu uga soo baxney dhibaatooyin ka baaxadweynaa oo qax, qudh-waa iyo dibad-jirnimo aan ummaddani hore u aragba, aynu uga dabbaalaneyno tanna!!
Waxa Mahad iyo abaal aan qiimo loo heleyn muteystey, hiddena u lahaa Bulshadan qaaliga ah ee marka ay runta gaadho, go'aan, aan laba lahayn ku goysa waxa markaa taagan!! Waxa mahad mudan Dhallintii dorraad xusuusta lama illaawaanka ah dhulka xuruufta waaweyn ku qortey ineynu nahay ummad abaal la gashado, guddana, ummad leh karaamo iyo dhaqan lama garaacaan ah Waxa mahad mudan ganacsatadii Caasimadda ee waqtigoodii u hurey inay taarikhda Cusub ee Dalka, wax ku yeeshaan , waxa mahad mudan hooyooyinka ubadka dusha ku sidey , ama guryaha kaga soo tegey ee aanu ku arkeyney waddooyinka dhinacooda iyaga oo muujinayey dareenkooda waddaniga ah. Dhagax beena dhigi maynno, waxaan jirin ummadda uma quudheyno, Waxaad na gashateenna ma aha wax qiime loo dhigo leh ee waxa ballan ah , haddii Alle idmo in waxqabad aanu ku muujinno abaalkaasi, oo aan hadalba loo bahan. In koboca dhaqan/dhaqaale ee Bulsho iyo bilicda dhismaha Dalku yeelan doono ay ku fillato briishka Maamulka iyo Bulshada ka dhexeyn doona. In aan faq dambe oo albaabada hoosta laysaga xidho, ama ciidan laysku wareejo iyo xeeladihii Guunka ahaa, shuruuc , Caddaalad iyo Fursadaha oo loo sinmo aynu ku beddeli doonno Alle idamkii.
Somalidu waxay tidhaahdaa, Xalaal Duhur baa la qaybsadaaye, waxa qaamuuska dawladnimo ka bixi doona, mas'uul yidhaahda, arrin waqtigeedii tegey, "waxaanu qaban doonaa!!" iyo ka hadalka waxaan qorshaha rasmiga ah ku jirin.Ummadda Somaliland runta ayaanu kula dhaqmeynaa sidii aanu horeba halgankii ugu soo dhaqney. Hawlaha inoo yaalla iyo habacsanaanta Maamulka Maantu , laba kala durugsan oo wada socon kara maaha, marka laga hadlayo, Abaaraha gobollo dalka ka mid ah ka jira oo aanay ilaa imika u kicitimin, dhagaraha iyo remote-Controlka qaraxyada, lala daba socdo , madaxda qaranka ee Gobolka sool oo aan ilaa imika xal muuqda iyo xukun ka dhacay midna jirin, oo hddii ay sidanu sii socoto, dhibaatooyin ka baaxadweyn, ama eedeysaneyaal la hayo maanta oo berri la waayo dhici karto !! iyo xasaasiyadda Siyaasadeed ee guud ahaan ku xeeran Dalka waqtigan oo waajibineysa argti iyo hawlgal maamulku ka lahaado amuurahan!! Waa in aanay Arwaaxda Ciidammada qaranku dhayal la noqon garaaddada shirqoolka Somaliland ugu shiraya xadka innaga iyo Puntland!! Dawladdu waa inay
arrimaha Amniga qaranka taabanaya goorgoortan iyo moogi ka yeelan ee ay meesha loogu maleegayo shirqoolka kaga horreyso wx walba, si ay u quustaan cadowga Dalku. Muwaadin dhayal loo dilo kama go'o Dalka, qarankana waajib ayaa ka saaran in uu difaaco muwaadiniintiisa, meel kasta oo ay joogaanba.
Dr. Cali Cabdi Muxumed
No comments:
Post a Comment