18 July, 2009

TACSI MARXUUMAD CAASHA CABDILLAAHI MAXAMED



INAA LILAA WA INNAA ILEYHI RAAJACUUN

Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo tafiirtooda, waxaan tacsi u dirayaa tafiirta, walaalada, waalidka,ehelka, xigto iyo xigaal iyo asxaabta ay ka geeriyootay hooyo Caasha Cabdillaahi Maxamed oo lagu aasay London isla maalinta ay geeriyootay oo ahayd shallay oo Jimce ah taariikhduna tahay 17/07/09. Waa ishaaro wacan oo aad ugu yar inay dalkan ka dhacdo, inkasta oo ay sunnaha tahay in sidaas iyo dhakhso loo aaso.

Hooyo Caasha Cabdilaahi waxay hooyop u tahay ilmo Ismaaciil Cabdilaahi Raajac. Waxaanan u dirayaa tacsi gaar ah iyaga iyo tafiirtooda meel kasta ooy joogaan. Hooyo Caashi waxay ahayd qof cibaado badan, naxariis badan oo lagu yaqaanay tasbiixi iyo duco ayna afka ka qaadin. Ruux samir badan oo xanuun ka caban, oo si dhab ah u rumeysnayd qadarka Alle. ILLAAHAY waxaan uga baryayaa dambi dhaaf iyo inuu naxariistiisa ku manaysto marxuumadda jantaul fardows iyo darajeda ugu sareysa ehlo jannaha. Ubad, tafiirta kale, walaal iyo waalid, ehel, xigto iyo xigaal iyo asxaaba waxaan iyana leeyahay geeri waa loo dhashay ee samir iyo iimaan. Aamiin.


Ahmed Hassan Arwo


No comments: