| Guddoomiyaha Guurtida Iyo Xaaji Cabdi-waraabe oo Boqnaha Isku Gooyey Kaftan-siyaasadeed Kulul oo Golaha Ruxay
Xaaji Cabdi-waarabe "Xaajiga xilka uun baan kaga weynaaye'e da'da iyo Waayo aragnimadaba inuu igaga horreeyo ayaan moodayay.. Hadalkiisu weerar weeye" Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) iyo Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah odayaasha ugu da'ada weyn golaha Guurtida, ayaa boqnaha isku gooyey kaftan-siyaasadeed ay isku weydaarsadeen fadhigii golaha ee shalay oo go'aan lagaga gaadhay is casilaadii Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre Sabtidii toddobaadkan u gudbiyey shirguddoonka. Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe oo hadal kooban ka jeediyey fadhigii golaha ee shalay, waxa uu Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) ku eedeeyey inuu masuul ka yahay khilaafka u dhexeeya xildhibaannadda golaha Guurtida, isaga oo u soo jeediyey inuu iimaansaddo Guurtida oo aanu kursi kale u hanqal taagin, balse waxa hadalka Cabdi-warabe ka gubtay Saleebaan-gaal oo iska moosay eedaha xaaji Cabdi-waraabe, isaga oo sheegay in markii khilaafkan cusubi golaha ka dhex dilaacay uu dalka ka maqnaa. Xaaji Cabdi-waraabe oo markii ay dhammaatay codayntii goluhu ku horjoogsaday is casilaadii guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre u hadlayey mudanayaasha, waxa uu ku bilaabay hadalkiisa; "Guddoomiye Saleebaanow, ma waxaan ku mooday, ma waxaad noqotay, mise waxaan loo noqon doonin, waxaan ku mooday libaax, waxaad noqotay kurtin, waxaan loo noqon doonin guuro-gal habeen, maanta mutacallim iyo odayba sidaa sheekha loogu codeeyey ayey codka kuu siiyeen 84-ka mudane, sidaanu kuugu lisnay noogumaad hambayn, waxaannu kaa codsanaynaa inaad Guurtida iimaansato oo kursiga kale aanad doonin oo aad kursigan geeri amma sharaf kaga tagtaa oo aad Guurtida midaysaa oo aad Soomaalida dhaqaalaysaa oo aanad dan qudha aanad eegine Jamhuuriyaddu dushaaday saaran tahaye, Guurtidana adigaa u aabbo ahe aad mideysaa oo aad qabyaalada ka biisaa, ayaanu kaa codsanaynaa." Hadalka ka isugu jira, kaftanka, eeda iyo cannaanta ee Xaaji Cabdi-waraabe kula dul kufay Guddoomiyaha Guurtida, ayaa golaha ka abuuri gaadhay buuq iyo khilaaf hore leh oo mudanayaashu ku kala tagaan, balse waxa arrinta soo dhex galay oo qaboojiyey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo xildhibaannadda ku wargeliyey in aanay cidi la hadal Xaaji Cabdi-waraabe oo uu isagu u jawaabi doono. "Haddii Cidi u jawaabayso Xaajiga Anigaa u jawaabaya. hadalkiisu weerar weeye. Kama aan filayn Xaaji Cabdi erayadan, waxaan ka filayay hadal Golaha isu soo dhaweeya oo ururiya. Waxaan leeyahay sidaad sheegtay haddii Khilaafku sadexdayada Shirgudoonka uun yahay xal la waayi mayo. Sida Xaajigu uu yidhina ma aha, Xaajiga xilka uun baan kaga weynaaye'e da'da iyo Waayo aragnimadaba inuu igaga horreeyo ayaan moodayay. Waxaan leeyahay Xaajiga markay idinka qaraxday ee khilaafkiinu soo baxay goobta iyo dalkaba ma joogin. Waxaan joogay meel jirta 8 kun oo Km,"ayuu yidhi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan. Hadaladan kafta kulul iyo eedahah ah ee ay is weydaarsadeen Guddoomiyaha Guurtida iyo Xaaji Cabdi-waraabe, waxa uu ka dambeeyey kadib markii mudanayaashii ka soo xaadiray fadhigii golaha ee shalay oo tiradoodu ahayd 65 xildhibaan, ay cod aqlabiyad ah ku hor joogsadeen is casilaadii guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre uu maalintii Sabtida u gudbiyey shirguddoonka. Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre oo markii goluhu diiday is casilaadiisa waxa uu mudanayaasha uga xogwaramay sababihii ku dhaliyey iscasilaadiisa, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; "Waxa laga yaabaa kolay in la is weydiinayo maxaa wadaadka ku kalifay? (Iscasilaada), hore waan u sheegay oo waxaan idhi waan daalanahay oo inaan iska nasto ayaan doonayaa. Waxa kale oo saamayn ku lahayd khilaafkii yaraa ee golaha dhex maray oo aan is leeyahay Shirgudoon ahaan aanu hore u dhammayn weynay, taasina saamaynteeda ayay lahayd, waxaanan is idhi mar haddii aad intaa yar dhammayn kariwaydeen dalka iyo dadkaba waxba u tarimaysaan, arrintu waa intaa ee wax kale oo ku jiraa ma jiro, wadahadalkuna wuu noo socday ee waxaad moodaysay in aan anigu yara saluugay oo aan ka degdegay. "Ma doonayo inaan sharax dheer bixiyo laakiin waxaan is leeyahay dad badan oo kaa wanaagsan ayaa Golaha iyo dibadaba jooga, inagana uu ilaahay uun iskeen baday. Aniguna golaha waxaan u soo jeedinayaa inay isa saamaxaan, haddii aynaan isa saamixin oo aynaan daacad noqon waxba inoo qabsoomimaayaan, Shirgudoonkana waanu isa saamaxaynaa markaanu imika isku gaar noqono." |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
02 February, 2010
Guddoomiyaha Guurtida Iyo Xaaji Cabdi-waraabe oo Boqnaha Isku Gooyey Kaftan-siyaasadeed Kulul oo Golaha Ruxay
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
"Waxaan ku mooday libaax, waxaad noqotay kurtin.. Waxaannu kaa codsanaynaa inaad Guurtida iimaansato oo kursi kale aanad doonin"
No comments:
Post a Comment