SUXUFIYIIN REER SOMALILAND AH OO KA QAYB GALAY SHIRKII MIDAWGA AFRICA EE ADISS ABABA.
![]() |
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaarada Africa oo kusugan shirweynaha Midowga Africa oo Ethiopia ku tilmaantey In Ay suxufiyiinta Caalamka ka mudantahay Abaalmarin, sida ay habsmi ugu hirgalisay Ka qaybgalka shirweynaha Madaxweynayaasha Qaarada Ee AUga!
Shirweynaha Midowga Africa oo haatan gabo gabo ku dhow ayay markii ugu horeysay taariikhda ka qaybgaleen Raxan suxufiyiin Somaliland ah , kuwaasoo ka kala socdey warbahimaha dowlada iyo kuwa gaar ka looleeyahayba, sida SLNTV, Geeka Africa, iyo Jariirada Ogaal.
Shirweynahan oo madaxweynayaasha qaaradu idilkood ka qaybgaleen kuna gorfeeyaan sanadwelba xaaladaha guud ahaaneed iyo tan gaar ahaaneed ee qaarada ayaa Suxufiyiinta caalamku si weyn u daneeyaan ka xogwaramida wararka shirweynaha, iyagoo guud ahaan 5ta qaaradaood isaga kala yimaada si ay fursadan taariikhiga ah ugu dheegtaan indhahooda xogsugana ugu gudbiyaan warbaahimihii ay ka kala socdeen.
Waxay ahayd sanadkii hore markii Moha Farah Jire oo ah Suxufiyad reer somaliland ah loo doortey in ay gudoomiso jagada gudoominta Saxafada Qaarada ee Magacooda loo soo gaabiyo ¨JAR: Journaists for African renaisance, ee AUga, waxay olole xoogan u gashay sidii magaca guud ee dalka Somaliland ay suxufiyiintu qaybtooda uga qaadanlahaayeen sida ay Suxifiyiinta Caalamkuba uga qaybqaataan, taasi oo ay marar badan Moha ku tilmaantey in suxufiyiinta somaliland ay leeyahiin xuquuq siman oo tan caalamka warbaahinteedu ay leeyahiin u dhiganta, ay se tahay in si xoogan beesha caalamka loogu muujiyo kartida iyo hufnaanta warbaahinta Somaliland ay ku talaabsadeen, iyagoon qaramada midoobey iyo midowga yurub toona ka helin gacan aqaoonkorodh si oo la taabankaro!
Moha f. Jire oo haatan ku sugan shirweynaha ay na wehelinayaan Mohamed Husen Jama, Tifatiraha Wargeysaka Geeska Africa , Abdiweli Farah Jambir, Ogaal news, iyo abdilahi Ali Sudi Televisionka Qaranka ayaa Mahadcelin u soo jeedisay Dowlada Ethiopia iyo Midowga Africa ee howsha baaxada leh ee Saxaafada caalamka oo idil habsamida ugu fududeeyay sidii ay shirweynaha Midowga Africa uga qaybqadan lahayeen , Waxay xustey Gudoomiyahu in Ethiopia ay ka mudantahay guud ahaaba warbaahinta caalamka abaal celin mihnadooda ku tacaluqda, waxa ku sugan Ethiopia caasimadeeda in ka badan dhowr kun oo Diplomasi, siyasi iyo aqoonyahano caalami ah ,waxay sidoo kale si rasmi ah Ethiopia uga howlgashay qaabilaada 528 suxufi oo guud ahaaba calamka kakala yimid ,kuwaasi oo uu Midowga Africa ka codsadey in ay u hirgaliso helida Cardad ka ka qaybgalka midowga Africa, taasi oo aan ka suuro gal ahayn dowlad kale oo Africa ah inay aqbasho una soo dhawayso saxafada sida Ethiopia ka yeesho badiba xiliyada midowga Africa shirweynayaasheedu ay ku qabsoomayaan Ethiopia iyo marwelba, waxan Mahad celin balaadhan u dirayaa Dowlada iyo Midowga Africa oo ay saraakiil aqoon badan u leh baaxada howsha saxafaduba ay heegan ugu ahaayeen kaalmeynta suxufiyiinta .
waxan marlabaad Ugu baaqayaa warbaahinta caalamka ayay tidhi Moha Farah Jire in Saxafadu ay ka waan toowdo Dacaayadaha ay ka fidiyaan Ethiopia ,taasi oo aanu xaqiiiqadeedii maanta k agungaadhney ee ku tacaluqda cabudhinta saxfada.
Mahad Allah ayay uu sugnaatey, ayay kusoo gabo gabaysay odhaahdeeda Gudoomiyaha saxadafa Qaarada ee JAR , MohaF. Jirreh
Warqabadka Togaherer
Hargaysa
![]() |


No comments:
Post a Comment