18 February, 2010

DHAGAXTUUR IYO DHALINTII UFFO :QAYBTII LABAAD

DHAGAXTUUR IYO DHALINTII UFFO :QAYBTII LABAAD


Dhagaxtuur

iyo

Dhalintii UFFO:

Qaybtii labaad:

Nimankii sariir lagu gamiyo, guri ka dheeraaday

Nimankii gudoodiga habeen, guura bahaleeyey

Nimankii haween lala golyiyo, gaari wacan dhaafay

Sidii Aar gabood yaleh raggii, gooha damin waayey

Gaashaan dhigeeniyo raggii, gacanta xoogeeyey

Gaajiyo haraadiyo ragguu, gawre kari waayey

Raggii gocondhadii aad ogeyd, calaha guud joogey

Guud kooda raamaha raggaad, geydhe baxay moodey

Sidii goray saraareed raggii, goroyo cawloobey

Axmed Aw Geedi"Dheeraad"

Markii shirkaasi sidaa guuldarada ah ee ismaandhaafku ku dhamaadey ayaa waxay guushii ugu horeysay ee dhaqaale ururin ka soo hoyatey dhamaan dadkii iskugu yimid xafladaa arooskii Maxamed Baaruud ee loo rogay wax ka qabashada danta guud. Waxaa xusid mudan ganacsatadii oo ogolaatey ka qaybqaadashada hawshaasi .

Muddo aan sidaa u dheeraynba waxaa bilaabmay qalabeyntii dhakhtarka oo ku kaliftay in aqoonyahanadii isku rogaan xamaaliin,ranjiilayaal, dhul xaaqayaal iwm. Waxaa xataa la kordhiyey maalmihiiiyo saacadihii shaqada. Dawladdii markaa talinaysay oon ogolayn hawshan iyada ah ayaa waxay waayen meel ay u soo maraan kol haddii aqoonyahanaduu ay ka dhabeeyeen kuna hawlgalayaan shaqadii "Iskaa Wax U Qabso" eey dawladdu jidaysay.

Waxaa qaybta 26aad haysan jiray oo laga badaley general Siciid Faarax ( salxaan) oo runtii ku tilmaanaa inaanu dadweynaha iyo dhaqdhaqaaqooga faragelin kuna ekaa hawlaha ciidamada.Dawdaldii xilligaa oo dareentay in gobolada woqooyi la jaanqaadeyn ayaa dhaqaale burburkii ay ku sameeyeen ugu darey nabad galyo li'i dhidibada loo adkeeyo.Waxaana la soo badaley Gaani oo la filayey kol hadduu reerka maamulka dawlada hayey ka soo jeedo uu hirgalin doono go'aamada kacaanka jahawareersan.

Waxaa Gaani oo maalmahaa la soo badaley hawlgalkeeda uu galay sidii loo curyaamin lahaa hawshan ee loo heli lahaa meel lagu soo gabado.Maalmahaa ka hor waxaa haystay xafiiska nabad sugida Cabdiraxmaan Cali Baranbaro(IHUN). Sarkaalkani Baranbaro wuxuu dareensanaa isbadalka ku dhacey dawladii uu aqoontiisa, kartidiisa iyo dadaalkiisaba u huray wax la qabashadeeda .Mar uu ka hadlayey arinkaana wuxuu si gobanimo leh u xusay yidhina : " In barigii hore ee aan taageeray kacaanka ay aheyd meel la wada leeyahay, iminkana wax la sameeyo lama garanayo waa dalwad danta reer u adeegaysa".

Cabdiraxmaan Cali Baranbaro oo ay ku timid geeri la qorsheeyey oo waxaa laga waramey in diyaaradaa inta la duuliyey uu farsamo yaqaankii sheegay inaanay suurtogal aheyn isticmaalka duulimaadka diyaaradaa Shabeelayda aheyd. Dadka qaar waxaabey leeyihiin kooxdii dayactirka u qaabilsaneyd waa la badaley si hadalkoogaa looga dhigo hal bacaad lagu lisay. Cabdirisaaq Alpho isagoo ka waramaya xilliyaada ayuuu ilmaamay in aanay wakhtiyadaa dadka maskaxdooda ka madhnayn diyaaraddii shabeelayda ahayd ee ay la socdeen general Cabdiraxmaan Cali Baranbaro(IHUN) iyo general Canjeex(IHUN)oo bishii Rabadaan ee sanadkii sideetankii hawada ku bur-burtay, taasi oo loo badinayey inay ahayd mu'aamaraad lagu khaarajinaayey labadaa sarkaal oo dhalasho ahaan ka soo jeeday goboladii waqooyi. Waxaa diyaaradaa dadka la socday ay u badnaayee reer Somaliland.Waxaa kale oo diyaaradaa la socday Aadan Faarax Abraar (IHUN) oo shaqaale ka ahaa hay'ada UN, haystayna qaybta galbeedka Afrika .

Haddaba Gaani ayaa isku dayey inuu marmarsiiyo u helo aqoonyahanadan oo uu maqlay inay dhakhaatiirtu hageyso. Gaani wuxuu keenay askari xanuunsanaya dhakhtarka. Wuxuuna warsadey dhakhtarkaa markaa joogay cisbitaalka , oo loo sheegay inuu ahaa dhakhtar Saalax oo reer Marka ahaa kuna mashquulsanaa gargaar uu u fidinayey hooyo umulaysay. Muddo markii uu sugay Gaani ayaa loo sheegay inuu qolka qalniinka ku jiro gargaarayana hooyo umulaysa, markuu dhakhtarkii soo baxey wuxuu amray in la xidho loona gudbiyey xeradii qaybta 26aad. Hase yeeshee wuxuu af-kala qaad dhacey markii loo sheegay inuu soo daayo dhakhtarkaa oon danbi galin aan una dhalan goboladii woqooyi ee reer Marka ah,waxaanu Gaani jawaab naxdin leh ku celiyey " Maxamed Cali Samater ayaa igu soo balamiyey inaan shaqo ka qabto dhakhaatiirta u dhashey gobolada woqooyi ee hawlaha dibuhabeynta ku jira".

Isma og aqalkii bay goglaysaayee markii loo sheegay inaanu ninkaasi ka soo jeedin goboladaa ayuu Gaani amray siideyntiisa markiiba isagoo la yaaban waxa waxqabad ku kalifay haddaanu gobolada woqooyi ka soo jeedin .

Si haddaba ay Gaani ugu fududaato hawlahaa loo soo igmadey waxaa la keenay Hargeysa loona igmadey inuu noqdo taliyaha nabad sugida Xasan Shaati guduud oo ka soo jeeda qabiilka Raxanweyn. Tani waxay keensaneysaa in uu Xasan Shaati Guduud ku khasbanaado u hogaansanida iyo fulinta amarada Gaani.

Waxaa magaalada Hargeysa aad ugu fiday warkii aqonyahanadan.Dadweynihii joogay magaaladuna waxay u fidiyeen aqoonyanadan wixii karaankooda ah iyagon waxba hagraneyn.Hawshiina waxay noqotay mid midho dhashey oo la dareemay isbadalka ku yimid dhakhtarkii .Taasi waxay keentay in maamulkii dawladii ina Siyaad bilaabo dabargoynta wanaagan .

Gaani markan wuxuu isugu yeedhay gudidii nabadgalyada una sheegay inaan loo dulqaadan karin dadkan wax qabsanaya ee la helo hab lagu joojiyo.Waxaanu Gaani u xilsaarey xafiiska nabadsugidu inay dacwad soo oogaan.Waxaa jiray rag u dhashey Somaliland oo la shaqeyn jiray, halka qaar si loo shaqaaleeyo ula shaqeeyeen xukuumadaa.

Maalmahaa aqoonyahanadu si ay waxqabadkooda u wadaagaan waxay bilaabeen inay wargeys loo tiriyo labada aqoonyahan ee Maxamed Baaruud Cali iyo Axmed Maxamed Yuusuf "jabane".Wargeyskaa waxay ugu magacdareen UFFO oo sida loo badan yahay lagu macneeyey dabaysha neecawda leh ee ka soo hormarta roobka. Hawshan markiiba midhaheega la arkay waxay aheyd neecaw wanaagsan oo dadweynihii ku doogsadeen.

Daahir Iid Cilmi oo ka socday xafiiskii dhabarjabinta ayey u suurtogashey in gacanta laga soo galiyo nuqul ka mid ah wargeyskaa, una gudbiyey Gaani.Taasina waxay noqotay horumar ay gaadheen maamulkii dawladaasi oo ka dhigtay wargeyskaasi sabab ay ku xidhxidhaan aqoonyahanadaa, kuna xididsiibaan waxqabadkaa midhihiisii biqilka ahaayeen.

Bishii Noofember 1981 ilaa waxaa la xidhxidhay dhamaan aqoonyahanadaa laguna sameeyey jidh dil aan la qiyaasi karin. Xilligan waxaa joogay goboladii woqooyi laba garyaqaan oo kala ahaa Faysal Xaaji Jaamac (IHUN) iyo Xuseen Bile,sidaa darteed ayaa dadweynihii ka soo jeeday gobolada woqooyi ee deganaa Xamar ay si dahsoon tiradaa ku soo kordhiyeen afar garyaqaan oo kala ahaa Ismaaciil Jimcaale Cosoble (IHUN), Xasan Sheekh ,Cusmaan Cabdi ,iyo Bashiir Cartan.

Waxaa markhaatiga ku furayey aqoonyahanadan Daahir Iid Cilmi,Xasan maxamed Nuur,Qaasim Yuusuf Cali,Maxamuud axmed Wiliq,Cabdirashiid Yaasiin Maxamed,Cali Gaani Maxamed,Khadra Ismaaciil Nuur,Muxumed Sh.Cabdilaahi Jibriil,Faadumo Maxamed Xirsi,Maxamed Axmed Doole iyo Axmed Cali Jaamac.Waxaa aqoonyahanadan lagu eedeeyey inay urur siyaasiya furteen loona bixiyey Ragga u dhashey dhulka(RUDM) ,wargeyskuna yahay cadeynta kaliya ee la hayo loona adeegsadey xeerarkii ina Siyaad ee "qabo oo qabta ku rid waxba ku waayi maysidee".

Waxaa danbi baadhe ahaan u wareysanayey Cali Xuseen, Cali Gaani , Qaasim, Cabdirashiid iyo Cumar .Waxaana maxkamada maamulayey oo xaakim ahaa Shariif Sheekhunaa Maye , la taliyena ay u ahaayeen Xaaji Yuusuf xaaji Cabdi Cali iyo Axmed Cabdi Caraale. Garyaqaanka dawlad u doodayaana wuxuu ahaa Cabdule Cali uuna la taliye u ahaa Maxamed Cali Cabdi .

Waxaa lagu xukumay aqoonyahanadaa xadhig u dhexeeyey xabsi daa'in iyo saddex sannadood, halka sideed ka mid ahaa la sii daayey. Waxaa raacoogii ugu danbeeyey la sii daayey bishii May 1989, waxaanay ku qaateen xadhiga intiisa badan xabsiga labaatan Jiroow…

Waxay aqoonyahanadaasi u hawlgaleen danta guud, Inti karaankooda ahna fuliyeen, ummada reer Somaliland dhamaanteed waxay u xasuusan tahay samafalkaa ay bilaabeen,waanan waddo ay jeexeen oo mudan in lagu daydo.

Ismaaciil Jimcaale Cosoble((IHUN) oo ka mid ahaa garyaqaanadii u doodayey aqoonyahanadaa ayaa maxkamada dhexdeeda berigaa ka sheegay hawsha samafaleed eey samaynayeen aqoonyahanadani waxaanu yidhi : " Marka la leeyahay eedaysanaashu waxay ka hadleen biyo la'aan , nal la'aan, iyo dhaliilo kale oo jira oo xagga dawlada ku lug leh, ma waxaa la odhan karaa waa urur Qaranka ku lid ah ,taasi ma banaana waayo waa wax xaqiiq ah inay jiraan dhibaatooyinka ay ka hadleen .Xalay maxkamadu miyaanay innagu madoobaan.Miyaanay nasiib daro aheyn in tuulada Wanla-wayn si joogto ah u hesho xoog koronto ku filan, magaalo madaxdii labaad Hargeysiina aanay maalintii galinka danbe wax koronto ah laheyn,saacadaha uu doonana uu bakhtiyo sidii xalayba innagu qabsatey maxkamadda dhexdeeda"

-Waxaa xusid mudan in buug gundhig fiican noqonaya uu Jaamac Muuse Jaamac ka qoray kooxdan aqoonyahanada ah uuna ugu magacdarey "A Note on my teachers' group".Wuxuu Jaamac ku mahadsan yahay inuu qolka kaydka ee bahda farshaxan ku soo daray nuqul ah buuggaasi.Qoraalkani in badan buuggaa raadraac ku sameeyey.

Fu,aad Sh.

Bahda Mareegta farshaxan

No comments: