19 February, 2010

CODKAAGA KU CIIL BAX (22) ..XUSKA 20 FEBRUARY KACDOONKII DHAGAX-TUU...



CODKAAGA KU CIIL BAX (22) .XUSKA 20 FEBRUARY KACDOONKII DHAGAX-TUUR IYO UFFO

AHMED ARWO

Waa dhacdo taariikhi ah oo kacdoon dadweyne la kowsaday hiilinta labadii uruur ee dareenka dadka ka dhashay kii hore oo ahaa UFFO, waxuu ahaa urur samafal ah oo ay isu-kaashadeen aqoonyahano iyo dhalin hoggaankoodu uu debedda ka soo laabtay, si ay aqoontooda iyo muruq iyo maalba ugu badhitaaraan dadkooda dayacan, een haysan dawlad daryeesha bal se loola dhaqmay si la-haystayaal ah. Waxay ku noqdeen dalkoodii ajaanib, kolka intaan u dhalanina noqdeen kuwa ku amar-ku-taagleeya. Ururka labaad waa SNM oo ka dhalatay kolkii fariimihii samadoonka dhegaha laga furaystay, loona arkay jileec iyo fulaynimo. Waana laba garab oo matalaayey rabitaanka dadweynaha.
Aan ku sharafno dharartaas,

Wacdarihii Hadraawi ku salaamay Hargaysa kolkay huradada dheer ka toostay. Waa Hargeysi ma Toostay :

Haddaanan haddaanan
Haddaanan dhawaaqa
Hireyda wireyda
Hayaay ka kacayda
Jihaadka hargaysa
Barbaartu hagayso
Haweenka gadooday
Ka qayb galin hawsha


Iyadoo wax badan laga qoray dhacdadan ayaa aan dhinac kale ka eegi doonaa, oo waxaan iftiimin doonaa cidda dulmiga iyo duudsiga waday, gaar ahaan hay'adaha u xil saarnaa, himmiladii dadka iyo sawirka maanta yaal.

Ugu horreyn aan si aad u kooban dhacdada lafteeda farta idiinku fiiqo.

Maalintaas Feb 20th ahayd 1982 oo ku beegnayd maalintii maxkamda la soo taaggayey kooxdan UFFO waa socon wayday maxkamadii ka dib dhagaxtuurkaas ka dhacay magalada Hargaysa oo markii dambena ku sii fiday magaaalooyinka waa-weyn ee Burco iyo Berbera, waxaana dib maxkamadii la iskugu soo noqday Feb 28th 1982 dacwada ugu wayn ee loo haystayna waxa ay ahayd in ay abaabuleen urur la odhan jiray "R.U.D.M" oo ah Raga u Dhashay Magaalada iyo in ay soo saareen oo qaybiyeen Joornaal ay u bixiyeen UFFO oo ay ku kicinayaan Dadwaynaha, eedahas loo hayay oo aan sal iyo raad toona layn kuna cadayn kari wayday Maxkamadu.


Haddaba waxa isweydin leh ayey ahaayeen cududii loo adeegsaday dilka, xadhiga, dhaca iyo duudsiga muwaadinka. Waxa jiray Hay'ado ku tilmaamaan CUDUDA KACAANKA oo ahaa kuwa u xilsaaran dulaysiga dadweynaha. Waxay ahaayeen:


  1. NSS- oo ahayd hormoodka Cududa Cadaabta. Xilkoodu ahaa cabudhinta. duudsiga iyo wanjalaada, ooyna u weheliso dhismaha dacwad been ah iyo abaabul markhaati beenaale. Buuga: A Note on my teacher's group...AFARTII BILOOD EE AY XIDHNAAYEEN EE DACWADOODU SOCOTAY Qoraaagu Buuggu Jama Musse Jama waxa uu aad uga waramayaa afartii bilood ee baadhistu socotay ee ay ku jireen xaruntii NSSta iyo jeelka dhexe ee Hargaysa, waxaana si gaara uu u soo qaaadanayaa Maxamed Baaruud Cali oo ka mid ahaa kooxdaa UFFO, ayaa uu qoraagu xiganayaa oo uga sheekaynaya bal qaabkii ay ahyd baadhistu iyo sidii loola dhaqmi jiray intii ay ku jireen xaruntii NSSta ee magalada Hargeisa. Maxamed Baaruud oo ka sheekaynayaana waxa uu yidhi: Waxa nala waydiin jiray su'aalo badan, waanala jidh dili jiray, biyo aayaa madaxa naloo galin jiray, waxa na loola dhaqmi jiray si ka baxsan Bini-aadamnimada waxay noo waraysan jireen mid mid, waxayna nagu odhan jireen, saaxiibadaa sidaa iyo sidaas ayay noo sheegene maxaad adigu u qarinaysaa arintan aha in aad abaabusheen urur ka dhan ah dawlada oo toleed oo aad u bixseen R.U.D.M oo ah Raga u Dhashay Magaalada, soona saarteen joornaal aad u bixiseen UFFO oo aad ula jeedaan dabaysha ka horeysa roobka, ururkiinuna uu yahay hor dhacii dawlad aad rabtaan in aad dhistaan oo aad ku bur burisaan tan hada jirta......
  2. Waxa hawshooda lagu ballaadhiyey iyadoo lagu daray tii lagu naanaaysay Dhabar-Jabinta oo kuwii hore ka arxan darnayd.
  3. Guulwadayaal iyo col iyaga ka dhashay oo ahaa Tabeelayaal
  4. Colkii magaca hooyo canbaareeyey ee Hooyooyinka xilkooduna ahaa basaasnimada
  5. Dabcan waxa si sharci darro ah loo adeegsaday Ciidamada: Xoogga Dalka iyo Boliska.
  6. Xisbigii Kacaanka, oo noqday inaan shaqo la siin qof aan xubin ka ahayn. Taasi waxay ka dhigtay shaqaalihii qaar xisbiyeysan oo u dhaqma sida xoogaga kor ku xusan....Madaxda hay'adha joogay Dhulka Soomaliland oo isu rogay qaar la shaqeeya xukunka askari ee jiray. dhammaanna gees maray sharciga.
  7. Waxa Intaasi adeegsadeen Xukunka Degdega ah oo ay go'aanka yeesheen Guddiga Nabadgelyada Gobalka kana koobnayd Taliska Ciidamada, Taliska NSSta, Maamulka Gobalka amba degmada. Waxa loo fasaxay xukun gaadhsiisan ilaa dil oon maxkamad marin. Taas oo ka dhigtay Maxkamaddii Badbaadada mid loo darsaday.
Hantidii qaranku waxay noqotay mid hay'adahaasi ku fuliyaan dhibta ay dadka ku hayaan. Waxa la bilaabay in xadhiga lagu shaqaysto oo habeenkii inta la soo xareeyo, subaxii lacag lagu sii daayo. Musuq iyo laaluusha ayaa noqday meherdada leysagu faano.

Sidoo kale ayaa laaluushka lagu bixiyaa si loo kasbado taageerda dhuuni-raaca. Xataa waxa laaluush noqotay darajada iyo shaqo-gelinta. Kolka qof aan aqoon iyo khibrad midna lahayn xil loo dhiibaayo, waxay ka dhigantay nin la laaluushay oo laga filaayo inuu fuliyo amaro qaldan oon sharciga waafaqsanayn, illeyn wuu ogyahay in muwaadinkii xaqqa u lahaa darbiga jiifee. Waana mid ilaa maanta iyada iyo xeeladihii kaleba aad loo adeegsado.

Iyadoo dalkii la xorreeyey, faqashana dhidibada loo siibay, ma la helay waxii lagu naalooniyey. Ma la helay cadaalad iyo sharci loo siman yahay, ma la helay hanti qaran iyo shaqo loo siman yahay, ma la helay xilka oo aqoon loo eego. Ma la gaadhay Booliis sharciga fuliya oon siyaasi hagin, ma la gaadhay Ciidan difaaca dastuurka iyo dalka, ma laga tegay ciidan xukunka lagu ilaashado. Ma la helay Idaacad qaran oo danta guud u madax banaan. Xisbigii Kacaanka ee shaqaalaha ku qasabka ahaa ma laga tegay. Musuq iyo laaluush waa sidee, ganacsigii dadka gaara u xidhnaa ma istaagay...

Waa su'aalo kaaga baahan inaad iskaa uga jawabto, ood wax ku qaadato. Dib u celi maskaxda oo sax qaladka dhacay. Waa adigoo danta guud mar kale u kaca, adigoon niyad jabin oon geediga ka hadhin, ka guur maamul xumo oo u baqool inta tiriiga isbedelka dhabta ah wada. Waqti ha ku lumin mala awaal iyo ururo gadaal kuu dhiga. Ku aarso Codkaaga, ku biir xisbiyada mucaaridka oo hubi inaad ka waantowdo in CODKAAGU CADOW KUGU NOQDO.

Maalintan waxa lagu xusaayo bandhig buug uu qoray Muj. Maxamed Baaruud oo ah WEERANE; THE MOURNING TREE...kaas iyo kii uu hore u qoray Jama Musse Jama ee... A note to My Teacher's Group, ahna laba buug oo taariikhi ah ay tahayna in muwaadin kasta gurgiisa laga helo, si jiilka soo kacayaa uga digtoonaadaan qaladka soo maray aabayaashood iyo awoowyaashood. Buugan anigoo maqaal kale ka qori doona, kolkaan Insha Allah ka soo laabto ka-qayb galka bandhiga oon u diyaar ahay, aan dib u eegno xadhigii lala beegsaday xubnah UFFO..

Dhacdadii dhagax-tuurka Hargeysa sii buuxda uga akhri:

http://samotalis.blogspot.com/2010/02/dhacdadii-dhagaxtuur-febraayo-20-1982.html... Qaybtii Kowaad

http://samotalis.blogspot.com/2010/02/dhagaxtuur-iyo-dhalintii-uffo-qaybtii.html... Qaybtii Labaad.

Si qotodheer uga akhri UFFO iyo waayaheeda maqaalka buugii hore ( Note on my Teacher's Group) laga qoray oo guji halkan:

http://samotalis.blogspot.com/2010/02/bandhig-buug-note-on-my-teachers-group.html

Halkan aan idinku dhaafo xubnihii UFFO iyo Wakhtiga la xidhay

1: Maxamed Baaruud Cali 04/11/1981
2: Axmed Maxamed Yuusuf "Jabane" 02/11/1981
3: Maxamed X. Maxamuud C. Xaashi 19/11/1981
4: Adan Yuusuf Abokor 19/11/1981
5: C/raxmaan C/laahi X. Adan 19/11/1981
6: Axmed Xuseen Caabi 05/12/1981
7: Xuseen Maxamed Ducaale "Berbaraawi" 19/11/1981
8: Maxamuud Sheekh Xasan Taani 19/11/1981
9: C/laahi Cali Yusuf "Colaad" 19/11/1981
10: Maxamed Dagal Xirsi 11/11/1981
11: Cali Cige Faarax "Cali Beed" 11/12/1981
12: Yuusuf C/laahi Kaahin 11/12/1981
13: Cismaan Cabi Maygaag 04/12/1981
14: Maxamed Cabdi Ducaale "Ayuub" 11/12/1981
15: Adan Warsame Saciid 11/12/1981
16: Maxamed Cali Ibraahin 11/12/1981
17: Axmed Maxamed Madar 14/12/1981
18: Cumar Ciise Cawaale 04/12/1981
19: Maxamed Cali Sulub 11/11/1981
20: Baashe Cabdi Yuusuf 29/12/1981
21: Ismaaciil Cabdi Hurre 09/01/1982
22: Xasan C/Salaan Sheekh Cali 09/01/1982
23: Axmed Xasan Madar 10/01/1982
24: Maxamuud Cabdi Jaciir 30/12/1981
25: Maxamed Macalin Cismaan Axmed 30/12/1981
26: Saciid Maxamed Ibraahin 06/02/1982
27: Lt. Col. Ismaaciil Xaashi Madar
28: Xasan C/laahi Cali "Alegeyeh" 04/12/1981

Waa xusuus wax ku qaadosho leh. Magacyadaas inteeba xil qaran haysa, inteeba se kuwii dulmiga loo tirinaayey loo cumaamaday, imisaa xaq-ku dirirkii darbiga jiifa. Reerku waa dhaan, weli lama gaadhin ceelkii, ninka daalaa Somalilander ma aha..Ilaa la helo xaqsoor min Loyacaddo ilaa Ceelaayo, dal sharcigu simo, hantida qaranka loo siman yahay, xukuumaddu noqoto adeege, awooddana ay leeyihiin shacbi-weyne..waa inaan leys dhigan. Ka guur qabiil iyo kala qaybinta, isu-taag xaqqa iyo danta guud. Iska jir dhuuni-raac iyo dulmi-ku-naax.

UFFO oo ka bilaabantay Isbitaalka Guud ee Hargeysa, maanta ooy ka soo wareegtay 28 sano, ma u eegtay siday ahayd. Waxa la eryey Maamulihii ugu fiicnaa, waxa haddana laga dabo eryey dhakhtaradii ugu khibradda badnaa, waxa ka mid ah qaar bilaash u shaqeeya, dambigooduna noqday maxaad dadkiina u caawinaysaan. Waxa mustaqbalka laga luminayaa dhakhtarada cusub ee u baahan daadihin iyo kormeer, si buugooda wax-qabad u noqdo mid caalami ah. Waxa khatar la galiyey bukaanka. Dhinaca kale kootada ganacsiga sida xoolaha iyo shiidaalku, miyeyna ahayn waxii xiligii madoobaa taagnaa.

Aan ku soo afjaro tilmaan uu Hadraawi ka baxshay bulshada Soomaliland:

Bulshadeenu waa duul
daacad iyo xishood badan
dun xariira weeyaan
qofna uma darraadaan
dar Allay ku dhaqmaan
dareen waw dhegweyn tahay
ogow doqonse maahee
ninka maamul dalabliyo
dabbaaljoogto hoosiyo
dibindaabyo ugu maqan
degdeg uma tilmaamaan
nabar kulama duulaan
dib bay ugu muddeysaa
dulmigiisu waw kayd.


Sidaas iyo saadaal wacan. Waa inoo wanaag iyo maalin kale Insha Allah

Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com

Join SAMOTALIS AT:

http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=nf

HTTP://SAMOTALIS.BLOGSPOT.COM/


No comments: