09 January, 2010

WAR DEGDEG AH:MASAJAADIKA SH.AADEN SIIRO IYO MADAARISKA XAAFADA XAWAADLE OO SAAKA QARAX MIINO OO LOO XIDHAY KA BADBAADAY

WAR DEGDEG AH:MASAJAADIKA SH.AADEN SIIRO IYO MADAARISKA XAAFADA XAWAADLE OO SAAKA QARAX MIINO OO LOO XIDHAY KA BADBAADAY


Waxa saaka fashilmay qarax in ka badan sagaal xabo oo Miino ah oo lagu xidhay Masaajidka Sh Aadan Siiro, Madarasada Al-furqaan iyo Madarasada Nuuruk Qur'aan oo dhamaantood ku yaala meelo isku dhaw oo xaafadda Xawaaladle ah

4Miinooyinkan la doonayay in lagu qarxiyo Xaafaddaasi ayaa la sheegay in la qabtay qaar ka mida ragii dhigayay, waxaana la sheegay in saaka waaberigii iyagoo dhigaya ay aragtay gabadh ka mida dadka degan xaafadaas oo aragtay nimanka dhigaya

Ninka lagu qabtay isagoo dhigaya Miinooyinka ayaa la sheegay inuu ahaa nin Oromo ah, waxaana loo taxaabay Xabsiga ilaa hadana waxa lagu guda jiraa Baadhitaanka arrin

No comments: