09 January, 2010

Kabashkabashtii Sheydaankiyo ,Alleylehe, kar baa dhacay!!


 Raggii Higilkooda ,Cadaawuu ka hiirtey, Markay hiirtii saaka ,hagaag ugu tooseen , kuwii hadalkooda la hayn kari-waayey, ee ay hiimada daadsheen, halkaa ninkii joogaa hagaag u qosley!! Halyeyga dhugad iyo Hanaddaduu hor-kacaayeyna, Hambalyeyna huwiyeen , Maantuu Dalkii Hooyo inaan la hilmaamin  Hanweyni la toosey!!

 

Waxaan hambalyo iyo Bogaadin hawada u marinayaa Bulshada Hibada Alle Huwan ee Somaliland, dareenka mideysanna wada leh marka ay arrintu joogto, Aayaha Ummadda iyo Dalkeenna Hooyo. Sida aad la wada socoteen , Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, Markii uu sifada sharciga ah ee xeer hoosadka Golahaas xeeriyey isaga oo isha ku hayey shirqool  ay kooxdii berigii horena mudda kordhinta aan sharciga ahayn lixda bilood ugu kordhisey Hoggaanka Dalku ka wadeen Golahaasi iyo khilaaf isku dhac aan ka fursadeen uu Xidhey Golaha inta uu Guddoomiyihii Golahaas oo ka khaarijintiisa waxan oo dhan loo sameynayey uu Dalka ku soo noqonayo, Maamulkuna , watey in uu xeelad ku beddelo , sheegeenna in Sabtidii manta ahayd la furi-doono Golaha oo mooshinkii ay xildhibaannada Madaxtooyadu wadatey la gudo geli doono, ayaa Bulshada Somaliland ee Caasimaddu hiirtii saaka , hagaag ugu toostey raggan la hayn kari-waayey hunuu-hunuudooda.

 

Cisbitaalka guud ilaa Goleyaashii sharci dejinta ayaa il-yartu is-qabatey, Ciidanka amaanku bidhaan ayey iyana ka joogeen. Iyada oo jiq ah ayaa waxa soo galey madasha Toddobadii xubnood ee Guddiga Doorashooyinka qaranka oo galey Gudaha dhismaha Guurtida. Cadhada iyo hinnifka Bulshada ka muuqdey, sheydaanka ayaa ka laydinayey. Muddo markii ay Guddiga Doorashooyinka qaranka iyo  Ku/Simaha  Guddoomiyha Shirguddoonka Golaha  kadib ayaa waxa soo baxay Mas'uuliintii oo iclaamiyey in laga noqdey wixii ka socdey Golaha oo la laga noqdey mooshinkaas iyo wixii uu la socdeyba. Halkaas oo Bulshadu qosol iyo sacabba isku dartey!! Waa markii labaad ee Maamulka Riyaale ku kallifo Dadweynaha inay  awood-Bulsho ku dirqiyaan inay ka noqdaan  isku dey shirqool Siyaasadda  hoggaan ee Dalka, arrintan oo far waaweyn ugu qoreysa  Maamulka UDUB, iyo Damacooda indhaha la'  in ay yihiin adeegayaal u shaqeeya Ummadda ee aanay ahayn  qaar iyagu  Afduubi kara iraadada shicibka. Waxa hambalyo iyo bogaadin xaq innoogu yeeshay Halyey Dhugad iyo Hanaddada  uu horseedka u ahaa.

 

Wallee tan kama dhammaado, Geesi  Taliyaa, waana Alle Mahaddii. Dalka ay 80,000 u nafwaayeen ee weli xasuuqii Daadku soo saarayo hadba raabo lafo ah oo isugu xidhan katiinado, Afarteeneeyo odey oo dhuuni qaatey, sida ay u liqeen ee loo marsiiyey in ay faro-guudkood wax loo saarey ku afduubi karaan  erey ama gacan ay taagaan keliya !! wey iga degi la'dahay. Siduu Afka ugu dhacay humaagga ay wateen ayaanay iya uga dambeyneyn sumcad ahaan oo ay indhaha Bulshada uga dhaceen!! Weysha oo meesha ka baxdaana waa Sacu ha quusto!!

 

Dr. Cali Cabdi Muxumed  



No comments: