09 January, 2010

TALIYAHA BOOLISKA SOMALILAND OO SHAACA KA QAADAY IN AY

TALIYAHA BOOLISKA SOMALILAND OO SHAACA KA QAADAY IN AY

Taliyaha Booliska Jamhuuriyadda Somaliland General Maxamed Saqdhi Dubad ayaa maanta Saxaafada u cadeeyey in la qabtay gacantana ku dhigeen Siddeed xabo oo ah Gantaalada 40 MM iyo Hoobiyayaal , Ragii sitayna mid ka mid ah ay ciidamada Boolisku gacanta ku dhigeen .

Gantaaladan oo tiradoodu yihiin lix xabo iyo hoobiyayaasha oo ah laba xabo waxa aragaty Muwaadinad nin jaakeed ka qaadanaya meel jago banana ah taas oo markiiba qabatay hase ahaatee sii daysay ka dib markii uu ugu hanjabay in uu isqarxin doono .

Taliyaha ayaa intaa ku daray in nin labaad oo kale uu goobtii yimid kaas oo kala baxay jaakeedkii hal xabo oo ka mid ah gantaaladii iyada oo haweenyadina u dhaqaaqday saldhig Boolis oo u dhaw isla markiibana ku wargalisay waxa ay aragtay iyo labada nin .

Taliyaha oo sii wata hadalkiisa ayaa intaa ku daray in labadii nin mid ba gees u cararay lana soo qabtay kii la baxay halka gantaal halka kii kalena ay wali ciidamadu ku raad joogaan .

Ugu danbayntii wuxuu taliyuhu u mahad celiyey muwaadiniinta oo si wanaagsan ula shaqaysa ciidamada Booliska gaar ahaan haweenaydan fashilasay shirqoolka culus ee la inala maaganaa , sidoo kale Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu u soo jeediyay Shacbiweynaha Somaliland in ay ka feejignaadan kuna soo ururin meelaha arimaha noocan oo kale ka jiraan si ay uga badbaadaan khatarta uga iman karta .

Warqabadka ToggaHerer
Hargeisa
Somaliland


No comments: