09 January, 2010

Golaha Guurtida Somaliland

Golaha Guurtida Somaliland
 
Golaha guurtida ee Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta markii ugu horreysay kaga wada hadlay muran maalmahanba ka taagnaa isku shaandheyn iyo wax ka beddel shir guddoonku ku sameeyay guddiyada golaha.
 

Golaha Guurtida Somaliland Isku shaandheyntaas, waxa diiday xildhibaannada qaarkood oo ku sababeeyay in guddoomiyaha guurtidu dibedda ku maqan yahay.

 Weriyha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, oo goob joog u ahaa fadhiga maanta ayaa ugu horreyn wareystay ku-simaha guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Sheekh. Axmed Sheekh Nuux waxaana uu weydiiyay tallabada ay maanta qaadeen si khilaafka loo dhammeeyo?
 
Waxaa uu sheegay in aan laga laabanaynin isku shaandhaynta, balse ay la tashan doonaan guddoomiyaha golaha guurtida oo hadda dibedda kaga maqan Somaliland.
 
BBC
 

No comments: