Fadhigii maanta ee Golaha oo uu guddoominayay ku-simaha Guddoomiyaha, ahna guddoomiye-xigeenka 1aad ee Guurtida Axmed Nuux Furre, ayaa si degan u furmay, isla markaana u xidhmay, ka dib markii uu sheegay in ay shirguddoon ahaan isku noqonayaan oo ay wada-tashi ka gaadhayaan waxa lagu khilaafsan yahay. "Golaha waynu dejinaynaa ee arrinta dhulka dhig, waananu isku noqonaynaa anagu ee dadka ka daaya in aad ka dhigtaan in khilaaf jiro." Ayuu yidhi Furre.
Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay guddoomiye-xigeenka 2aad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali oo sheegay in bedelaadda guddi-hoosaadyada ay awood u leeyihin Shirguddoon ahaan, isla markaana ay iyagu dhexdooda isku noqonayaan. "Shirguddoon ahaan anaga ayaa awood u leh bedelaadda Guddiyada, qofna awood uma laha in uu yidhaahdo yaan halkaa layga bedelin. Laakiin, hadda maadaama aanu u muuqano in aanu qaybsanahay Shirguddoon ahaan dhexdayada ayaanu isku noqonaynaa, waxaananu Golaha la hor imanaynaa arrin loo dhan yahay." Ayuu yidhi Siciid.
Mudanayaasha ka horjeeday bedelaadda guddi-hoosaadka ee hore u sheegay in la doonayo in la bedelo Guddoomiyaha Guurtida, ayaan iyagu maanta ka hadal arrintan.
Waxa iyana goobta ku soo xoomay dadweyne muujinaaya diidmada habdhaqanka is-qabsiga ah iyo shirqoolada joogtada ah ee Golahan dhex yaala. Sidoo kale ayaa ciidan xoogan loo soo dhoobay goobta, waxayna u eegtay in Shirgudoonku ka baqay ficilka ka iman kara mooshinka ay wadeen. Arrintan oo Soomaliland ka dhigtay goob kolba ay khatar geliyaan ciddii hoggaanka u haysay.
Guji oo halkan ka daawo: http://www.flickr.com/photos/24945908@N02/4258524141/
No comments:
Post a Comment