UDUB, Maantana maxay keeni?!! illeyn Geed la cuskadaana!! Habdhaqanka aan gobannimada ka maydhey ee Maamulka manta xilka u haya Dalku, waa mid sid shaashadda T/vga loo wada daawanayo!! Dhaqan ahaan , Bulshada Somaliland islaamnid dhuuxa kaga jirta ayaa , waxay ka hortaagan tahay, in ay jawaabta Raggan moodaya in aqoondarro, ama baqasho looga aamusan yahay ay siiyaan. Burburka kooxdanu Dalka u geystey, maaha mid qarsoon, qarannimadii inay qiime-rideen oo ay Dano Dawlado kale ka fuliyaan waa mid la wada Arko, Lacagaha Dalka ka kala socda Gobolladiisu, waa kaabado ay u dhigeen in aan Dalku Dhaqaale yeelan, kobocna iska illow!! In ay Berbera noqoto substation laga nafaqeeyo Dekadda Jabuuti oo shidaal qaran iyo Dhoofka Xooluhuba ugu xidhan yihiin talaata Beysteyn!! Lixdii Gobo lee Riyaale Magacaabey iyo dhawr iyo tobankii Degmo ee aan Baahi qaran iyo Shuruudihii lagu muteysanayey Gobolnimada midnaba ku dhisneyn, imikana inoo khuurinaya oo irbaddii hurdada lagu mudey, damac indho la' ayuu ahaaye oo cod ku doon ah ee ma ahayn mid ku yimid Dan qaran, Aramidiisuna ay dhali-doonto cawaaqib xumooyin badan haddaan la sixin imika!! Waxaan aad ula yaabaa, baac la'aanta reer magaalka maantu aanu isku hawlin la socdka dhacdooyinka Maamulka ee kolba arrinta joogta uun lagu mashquuliyo, iyada oo wixii ay ku timid arrinta hadba laysku hayaa?!! Sheekada Filmkan Riyaale ee dhammadey, Xubnihii ay Golaha Guurtida iyo Xisbiyada Mucaridkuna uu isaga oo Tartame Doorasho Madaxweyne ah, haddana ku toshey, Darajadii Golaha Wakiillada oo ah hay'adda keliya ee xaqa u leh , kala shaandheyna, Ansixinta ama diidista Xubnaha loo soo magacaabo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, isaga oo, Riyale ahaan sku deyeya in uu Muran hor leh ka abuuro arrintan. Beddelka Xubnahani ee Hay'adihii soo magacaabey ay ku beddeleen, maaha Diyaafadeynta Riyaale , ee waa dhufeyskii ugu dameeyey oo ay ka saareen, Illeyn Geed la cuskadaana!! Marwo Ilhaan iyo Xubintan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, waddankooda ayaa ku filan marka Dawlad shuruuceed la helo, waayo waa aqoon yahanno Dalku aanu ka maarmin, Riyaale iyo Kooxdiisase, wuu ka maarmaa, sababta oo ah wax ay u dhimeen mooyaane, waxba kuma ay soo kordhin oo waxay socdaanba Mushaharkii shaqaalaha oo laga la'yahay iyo Dhulkii Danta guud oo ay xaraashayaan iyaga oo aan buul habreedna ku dhehoo, waxba Dalka ku soo kordhin!! Inta haddaba, lacagta xaaraan daabaca ah ee UDUB, ama jagooyinka Siyaasadeed ee dhawrka bilood ah damaceedu Kildhiga Madaxa u gelisey, waxa la gudboon inta aanay Doorashada k hadal in ay si xaqsoor leh isu weydiiyaan, Maxay UDUB u qabatey Dalka!!? Saddex habeen iyo Saddexdooda Maalmeed haddii noocan qol lagu xidho oo la yidhaahdo, bal u keliyeyso oo yaan cidina ku rabshin ee adigoo u fiirsanaya soo qor waxa ay qabteen Kooxdan abeesada Madaxa loogu duubey ee moodeysa Cimaamaddu, hal shey sooma qabanayaan, haddana way sawaaban yihiin oo way daba socdaan!! Bulshadu manta waxa ay u yeeshey sedan ay degdegga ugu bedeshey Xubnaha muran abuurka loogu diidey sifaha aan Dastuurka iyo shuruucd Dalka u yaall , waa Jiitinta u jiidis hadal dambe oo laga dhegeysto Riyaale, waayo, saacad kasta oo ay sii joogaan kooxdanu, waa Dal Dumin iyo Sumcadda ka dilka Somaliland, Waa sabooeynta ummadda, waa Siyaasado shisheeye oo lagu fuliyo (shares ama Commission ) la qaato!! Waa dhulkii Danta Guud iyo Ma guurtadii qaranka oo inta yare e ka hadheyna lays kabo-raaciyo. Miyaan Geeddi-Baabuu, geyigu maalinnaba waayin?!! Wixii manta ka bilowda , UDUB in ay hore u socoto oo ay Doorasho Xor ah oo Xalaal ah gasho, iyo Duufaanka Bulshadu ku kala tago, labadaas midda ay doorbiddo ha raacdo. Macno ma sameynayo, wax uu kaga Duwanaan karo kuwii imika aynu dareerinney ee Guddiga Dooashoyinka Qarankuna ma jireyso, Guddiga cusubi, haddii uu Riyale rabitaankiisa ku dhismo, Guddigase Maamulaya Doorashada , haddii aqoon iyo Caddaalad la hadlayo, Sharciga Riyaale Saddexda Xubnood in uu soo magacaabo siinayaa maaha mid ka tarjumaya "Dimuqraaddiyad " kol haddii aanu Mucaaridkana , mid walba siineyn in uu saddex xubnood iyana mid waliba soo magacaabo!! Dimuqraaddiyadda Madaxweyne Riyaale ee qoreysa in ay isaga iyo Golihii ay is-Xambaara ahaayeen 5:2 Guddiga ku hoggaamiyaan, inta aan Cayaarta loollanka Siyaasadeed bilaabminba, Waa Adan yabaaleys sidiisa ah. Madaxweynuhu haddii uu Doorasho Xor ah oo Xalaal ah doonayo in ay Dalka ka dhacdo, 2007kii ayuu qaban lahaa ee mid ayuu yaqiin sanyahay, Bulshadii oo Gacanta Mucaaridka isugu tagtey, loollan siyaasadeed oo Doorasho qabashadeedu in ay Dibadda ka dhigeyso Madaxtooyada, isna uu haysto Hantidii Ummadda iyo Awooddii Maamul, una dheertahay lacag la soo daabacdaa!! Dan waxa uu u arkaa in aanay qabsoominba Doorasho illeyn Dibadda ayuu uga baxayaa Madaxtooyada'e!! Baaqa Nayroobi ee Garaadka Cimaamaddu ka dhacdey, Dulmiga Bardaale ee Dambaska huwan iyo Murankan Dhicisoobey intuba waxay ka mid ahaayeen xeeladaha lagu dhaabadeynayo Doorasho Dhacda. Maantana maxay keeni, illeyn Geed la Cuskadaana!! Dr. Cali Cabdi Muxumed.
|
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
19 October, 2009
Maantana UDUB maxay keeni, Illeyn Geed la Cuskadaana!!
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment