Guddoomiyeyaasha Labada Xisbiyada Mucaarid Oo Ku Baaqay kacdoon-shacbi oo ka qabsooma dalka oo dhan Haddii Guurtidu Madaxweynaha Iyo Ku-xigeenkiisa U Kordhiso Muddo Aan Heshiis Lagu Ahayn
Hargaysa (Ooddweynenews)- Labada Xisbi mucaarid ayaa sheegay in hadii Golaha Guurtidu ay wax muddo kordhin ah u sameeyaan Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, inay dhinacooda ku dhawaaqi doonaan dawlad ay ku midaysan yihiin Xisbiyada KULMIYE iyo UCID, waxaanay shacabka ugu baaaqeen in ay arintaas muddo kordhinta dareenkooda ka muujiyaan, isla markaana mudaharaad salmi ah oo waddooyinka lagaga xidhaayo mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland maalinta berito ah [jimcaha] oo ay u balansan yihiin inay cod u qaadaan muddo sanad ah iyo in kale.
Sidaana waxa ay ku sheegeen shir jaraa'id oo ay caawa si wada jir u qabteen labada Guddoomiye KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Eng Faysal Cali Waraabe hotel imperial ee magaalada Hargaysa.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ugu horayn shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay ku caano maashay nabadgalyo wadatashi iyo dimuquraadiyad, balse waxa uu tilmaamay inay meesha ka saareen Xukuumada uu hogaamiyo Madaxwayne Rayaale, waxaanu yidhi "Dalkan Somaliland wuxuu muddo badan ku soo caano maalay nabadgalyo, wadatashi iyo dimuquraadiyad, waxaynu ognahay in mudo ah inay arintaasi meesha ka saareen Xukuumada uu hogaamiyo Daahir Rayaale Kaahin, waxaana la waayay Doorashooyinkii, Horumarkii iyo Xasiloonidii waynu ka warqabnaa, iyadoo ay ummadu mar walba u dhabar adagto oo Xisbiyada mucaaridku debcinayaan, inagoo ku cimro qaadanayna dhibaatooyinka mandaqada ka taagan ayay shacabka reer Somaliland iyo Xisbiyada mucaaridku ay la imanayeen adkaysi."
Md Axmed Siilaanyo waxa uu intaas ku daray in dhex dhexaadintii ugu danbaysay ay ahayd tii qoraalkii ay wadeen wadamada daneeya Somaliland, waxaanu yidhi "Dhexdhexaadintii ugu danbaysay waxay ahayd heshiiskii ay keeneen wadamada daneeya Somaliland ee xaga horumarka iyo dimuquraadiyada ka caawiya oo ahaa kuwii aynu ictiraafka ka sugaynay heshiiskii ay wadeen ee dhawrka qodob ka koobnaa ee hore u sharaxnay ayaa nala soo hordhigay, heshiiskaas oo nuxurkiisu ahaa in lagu noqdo muddada gaaban lagu noqdo hawshii Serverka oo gacantana cid dhex ahi ku qabtaan si sharciyada dalka loogu soo cesho, taas waanu u hogaansanay Xisbiyada mucaaridka, mudadaas gaaban ee hawsha Serverka la wado in loo ogolaado in Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisu sii fadhiyaan.
Inkastoo ay jireen heshiisyadii hore ee ummadu markhaatiga ka ahayd oo ahaa hadii doorashadu dhici waydo in aanay Xukuumada manta jirtaa Golaha Guurtida ka codsan wax muddo kordhin ah, anigu hadaanu nahay Xisbiyada mucaaridka waxa aanu ogolaanay heshiiska cusub ee dhawrka qodobka ka kooban, heshiiskaas waxa ka mid ahaa in Komishanka doorashooyinka la bedelo, in mudadaa lagu beego muddo aan ka badnayn."
Isagoo sii wata hadalkiisana waxa uu yidhi " Golaha Guurtida oo ka mid ah haya'adaha sharciga ah iyo Golaha wakiiladu badhkood ay Xukuumada ku haysay faro gelin oo laaluush iyo lacag uu kula dhex jiro, Golaha wakiiladu hawshaas uu ka gilgishay mawqif adag ayay ka qaateen, golaha guurtida oo ah meesha uu isku lahaynaayo waxa uu ku abaabulay inay fadhiistaan oo ay khasbaan oo loo koredhiyo moddo dheer oo wakhtigii lagu heshiiyay ka fog oo ah sanad.
Taas oo macnaheedu yahay inay soo galaan doorashooyinkii dawladaha hoose, xilka doorashadu inuu wakhtigaas dhaco cida waajibku ka saran yahay waa isaga Madaxwayne Rayaale, ummada waxaanu u sheegaynaa in barito Golaha Guurtida la soo dhigaayo muddo kordhin, markaa shacabka Somaliland inuu meel adag iska taago oo halkaas Guurtida la isugu yimaado oo dareenkooda diidmo ku muujiyaaan."
Intaas kadib waxa isna hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo sheegay in hadii Golaha Guurtidu wax muddo kordhin ah u sameeyo Xukuumada Daahir Rayaale inay dhinacooda ku dhawaaqi doonaan Dawlad ay ku midaysan yihiin KULMIYE iyo UCID.
Sidoo kalena Eng Faysal waxa uu shacabka ugu baaqay inay waddooyinka ka xidhaan Xildhibaanada Guurtida ee u balansan maalinta jimcaha inay xilka muddada u kordhiyaan Madaxwayne Daahir Rayaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf, waxaanu intaas raaciyay in heshiiskii ay wadeen wadamada daneeya Somaliland oo ka koobnaa dhawr qodob inay ka baxeen Xisbiga talada haya ee UDUB, isla markaana ay soo dhaweeyeen Xisbiyada mucaaridka, waxaanu yidhi " Daahir Rayaale mooshinkii maamuus ka xayuubinta ee ka socday Golaha wakiilada wuu qufulay, markaa manta inagu (Shacabi ahaan), waddooyinka ayaynu xidhaynaa oo waxaynu u diidaynaa inay fadhiistaan oo Xukuumada Rayaale u kordhiyaan, waxaanan si gaara ula hadlayaa Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure, Xaaji Cabdi Waraabe iyo Siciid oo aan leeyahay dalka qaska ka daaya oo dadku fidmo uma baah-na. Ergadii dhex dhexaadinta ee ku hawlanaa xal u helida khilaafka siyaasiga ah albaadaba ayuu ka xidhay."
Intaa ka dib Gudoomiye labaxa xisbi waxa ay waxa ay si wad-jir ah uu soo saareen War-saxaafadeed ay arrinkaa kaga hadlayaan, kaa oo ay warbaahinta maxaliga ah u qaybiyeen waxaana uu u dhignaa sidan:-
"QORSHAHA GUURTIDA QAYB KA MID AH EE MUDDO KORDHINTA XILKA MADAXTOOYADA
1.Digniin ku wajahan talaabada guracan ee qayb ka mid ah Golaha Guurtidu go'aansadeen in barito oo Jimce ah oo taariikhdu tahay 25 September, 2009 ay isugu yimaadaan fadhi ay ku doonayaan muddo kordhin ay u samaynayaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa xilkoodii dhammaanayo 29 October, 2009, kaasoo sharciga baalmarsan, layskuna waafaqsanayn, lidna ku ah aqbalaadii 6-dii qodob ee beesha caalamku u soo jeediyeen saddexda Xisbi Qaran, kuwaas oo ay aqbaleen saddexda Xisbiba.
2.Sidoo kale, ayaa looga digayaa Madaxweynaha, Xukuumadiisa, iyo Xisbigiisa UDUB ee u tafaxaytay meel-marinta mooshinkaas muddo kordhinta ee aan la isku raacsanayn, isla markaana ka hor-imanaya shuruucda iyo heshiisyadii ay wada galeen saddexda Xisbi Qaran., kaasoo dalka u horseedaya qalalaase iyo burbur.
3.Waxaanu ku wargelinaynaa Shacab weynaha Somaliland gudde iyo dibedba iyo Guddiyadii kala duwanaa ee isku xilsaaray dhexdhexaadinta iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee ka oogan dalka inuu dhabarjebiyey Xisbiga talada hayaa ee uu Guddoomiyaha ka yahay Daahir Riyaale Kaahin, isagoo horena horseed ka ahaa muranka siyaasadeed ee ka oogan dalka.
4. Sidoo kale, waxaanu ku wargelinaynaa beesha caalamka ee daneeya Somaliland iyo wadamada aynu saaxiibka nahay ee deriska ah, muddadana ku hawlanaa xal-u-helida khilaafyada siyaasadeed iyo kuwa sharciyeed ee dalka ka jira in xukuumadda Riyaale ay hortaagan tahay dedaalkii iyo gunaanadkii iyo soo ururintii qodobada saldhiga u noqonaya heshiis waara oo dhex mara saddexda Xisbi Qaran, una horseeda qabsoomidda doorasho xor oo xalaal ah.
Waxa nasiib darro ah, in Xisbigii shalay ogolaaday tallo bixintii beesha caalamka, inuu maantana si badheedh ah gaashaanka ugu dhuftay, diidayna hir-gelintiisa, una diga-rogtay muddo kordhin khasab ah, oo aan raali laga wada ahayn, isla markaana u horseedaysa dalka burbur, halisna gelinaysa jiritaanka Somaliland.
Waxay labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE ugu baaqayaan dadweynaha Somaliland inuu galbaday hanaankii doorasho, mugdina uu galay midnimadii shacabweynaha Somaliland, iyada oo ay Guurtidu abaalmarin uga dhigayso Madaxweyne Riyaale iyo ku xigeenkiisa muddo kordhin aan sharciga waafaqsanayn, ka dib markii ay ku guuldaraysteen mas'uuliyadii ka saarnayn gudashada waajibaadkooda Qaran, isla markaana suurta-gelin waayey qabsoomida doorashooyin ka hirgala dalka wakhtigii loogu talo galay.
Sidaas awgeed, Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay ugu baaqayaan dadweynaha Somaliland iyo bulshada Caalamka inay ka hortagaan qalalaasaha la abuurayo ee saamaynaya Somaliland iyo dalalka aynu deriska nahay.
Haddaba, waxay labada Xisbi Qaran ku boorinayaan muwaadiniinta Somaliland inay kaalintooda ka qaataan badbaadinta iyo samata-bixinta Qaranka haadaanta ka laalaada, waxaanay u arkaan in halistaasi soo foodsaartay dalka lagu badbaadin karo kacdoon shacbi oo ka qabsooma dalka oo dhan.
Ugu danbayntii, waxay labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE xusuusinayaan ciidanka booliska inay waajibaadkooda nabadgalyo gutaan, hase yeeshee ka taxadiraan ku xad-gudubka xuquuqda muwaadinka."
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Fe
No comments:
Post a Comment