24 September, 2009

Khilaafka siyaasadeed ee Somaliland

Khilaafka siyaasadeed ee Somaliland

http://www.bbc.co.uk/f/t.gif

Aqalka Wakiilada

Aqalka Wakiilada

Kala-fadhigii maanta ee guolaha guurtida Somaliland oo dhaamaday, ayaa waxaa lagu ballamay in ay berito oo Jimca ah, iskugu soo noqdaan muddo kordhinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID feysal Cali Waraabe oo maanta hor tegay Golaha Guurtida fadhigooda Maanta, waxeyna ka codsadeen in aanay Guurtidu u Kordhin Madaxweynaha iyo Madaxweyne Xigeenka Somaliland Muddo Kordhin aan saddexda Xisbi ee Somaliland Heshiis ku ahayn.

Dhinaca kale, Weriyaha BBC-da, ayaa ka waraystay sida ay xisbiyada mucaaradku arkaan tallooyin bulshada caalamku ka soo jeediyeen xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee Somaliland.

http://www.bbc.co.uk/somali/images/furniture/button_audio.gifWaraysiga

Ugu horaynta waxaa u waramay Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

http://www.bbc.co.uk/somali/images/furniture/button_audio.gifWaraysiga

Sidoo kale ayaa Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID uu uga waramay dhankiisa wariyaha BBCda ee Hargeysa Axmed Saciid Cige talooyinka ay beesha calamku siiyeen xisbiyada mucaaradka Somaliland.

No comments: