25 September, 2009

SOMALILAND:Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Madexda Xisbi

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Max'ud Aadan oo caawa shir jaraa'id ku qabtay gurigiisa ayaa waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Rayaale inuu jabiyay heshiis sadexda Xisbi ka gaadheen xal u helida muranka Doorashooyinka oo uu sheegay Beesha Caalamku inay ku dhedhexaadisay waxaanu ugu baaqay inuu ka noqdo ka bixitaanka heshiiskaasi

Saleebaan Max'ud Aadan waxa uu sheegay fadhiga Golahu inn beri qabsoomayo oo loo codayn doono in lagu kordhiyo mudada xilka Madaxweynaha balse waxa uu ka digay wixii dhibaato ah ee ka dhaca codayntaasi inn Masuuliyadeeda yeelan doono Madaxweyne Rayaale

Waxa uu sheegay Guddomiyuhu Goluhu inuu Go'aan ku gaadahay beri inuu codeeyo oo ay xildhibaanadu ay xaq u leeyihiin laakiin lagu degdegayo in mudo kordhinta la sameeyo halkii la isku soo jiidi lahaa aragtiyaha la kala qabo

Fadhigii Golaha oo ay laba cisho ka socotay dooda muddo kordhinta oo maanta lasoo gabagabeeyay ayaa waxa uu shirguddonka khilaaf ku dhex maray in maanta loo coddeeyo iyi in sabtida loo codeeyo nalse markii danbe waxa la isla qaatay in beri oo jimce ah codayntu dhacdo

Xildhibaanada Golaha Guurtida ee ka soo horjeeda muddo kordhinta ayaa iyana shir jaraa'id oo ay caawa qabteen ka digay khasaaraha ka dhalan kara inuu Goluhu gud galo inuu wakhtiga kordhiyo

No comments: