05 September, 2009

Waa Kuma Abu Mansuur Al Amriiki

Waa Kuma Abu Mansuur Al Amriiki
voa

05-September-2009
Listen to This Report Warbixintii Abu Mansur Al Amriki
Dhegayso (MP3

Abu Manusr Al Amriki
Abu Manusr Al Amriki
Abu Mansour Al Amriki oo ah nin Maraykan ah Magaciisa dhabta ahna yahay Cumar Hamammi oo ka tirsan Al Shabaab kuna sugan Somalia ayaan warbixntan ku eegaynaa cidda uu yahay iyo sida uu Somalia ku yimid .

Abu Mansour ayaa ah nin 25 jir ah. wuxuunaku dhashay kuna koray gobolka Alabama ee dalka maraykanka.

Yaraantiisii wuxuu soo dhigtey dugsiga dhexe oo loo yaqaano Daphne high school oo ku yaalo isla tuulada loogu magic daray ee Daphne oo ku taalo gobolkaasi Alabama.

Wuxuu sidoo kale soo dhigtey iskoolka la yiraahdo Al Alam oo isla magaaladaas ku yaalo oo abaahis uu ka yahay Maamule.

Aabahiis Shafiq Hamami wuxuu sidoo kale hoggaamiyaa masaajidka muslimiinta ee magaalada Mobile oo uu Abu Mansour ka tirsanaa.

Markii uu dugsi dhexe ka qalin jabiyey Abu Mansour wuxuu aadey jaamacadda Koonfurta Alabama ee ku taaley magaalada Mobile balse asaga oon dhamaystirin waxbarashadiisa ayuu ka harey wuxuuna bilaabey safaradiisa dibedda oo kadib geyndoona Somalia. Inta uu jaamacadda dhiganayey abu mansour wuxuu ka tirsanaa madaxna u ahaa ururka ardeyda muslimiinta ee jaamacadaas waxaana xilligaas dhacay qaraxii September 11keedii ee ka dhacay dalkan maraykanka.

Abu Mansour markii uu gaarey Somalia wuxuu ku biirey kooxda al-shabab , kooxdaas uu ku jirta liiska argagixisada ee dalkan maraykanka wuxuuna bilaabey videoyaal inuu soo geliyo internetka oo uu ku dhawaaqayo in Somalia jihad ka socdo oo muslimiinta siiba ragga ay u soo gurmadaan walaalahood somaliyeed si ay waxa uu asaga ku sheegey cadowga gaalada ah looga saaro dhulkooda.

Hadaba videoyaashaas sameynta ay ku yeesheen muuqaalka ay maraykanka ka heystaan Abu Mansour iyo beesha caalamkaba ayaan ka warraynsay dambi bare madax banana oo kiiska Abu Mansour sanadkii ugu dambeeyey dabo taagnaa.

Dambi baarahaas oo lagu magacaabo Bill Warner ayaa VOAda ugu warramay macluumaadka uu illaa iyo hadda helay maxay yihiin, Wuxuu sheegey Mr Warner in markii ugu horreysey oo uu ka warhelo howsha oo uu Abu mansour lugta kula jira in ay ahayd 2008dii wuxuuna ku arkey bog internetka ku yaaley oo laga lahaa magaalada Vancouver ee gobolka Washington wuxuuna matalayey kooxda Al-shabab.

Videogaas ujeedadiisa wuxuu ahaa sida uu sheegey dambi baare Warner in lagu diiwaan galiyo xubno isku qarxiya Somalia ama ku soo biiro kooxdaas oo si ay ugadagaalamaan Somalia.

Boggaas internetka ayaa la xiray bishii janaayo ee sanadkan markii ay maxkamd Mareykan ah dabo gashay sheekada balse wuxuu xusay dambi baaraha bilaha uu videogaasi saarnaa boggaas wuxuu sameyn ku lahaanayey dadka maraykanka iyo caalamka luuqadda ingriiska fahmayo oo dhan.

Mr Warner ayaa VOAda uga warramay sameynta muuqaaladaasi videoga ku yeesheen dadka dhageystey inte ay leegtahay isaga oo sheegay in ay ahayd saamayn aad u wayan, wuxuuna tusaaale u soo qaatay dhalinyarada somaliyeed oo ka tagey gobolka Minnesota kana howlgalay Somalia.

Kadib waxaan ka warhelney ayuu sheegey dambi baaraha ninkii ugu horreeyey oo dhalasho maraykan heysta oo Somalia gudaheeda sku qarxiyey.

Sidoo kale waxay sameyn ku yeelatey dadka Britain ka daawanayey oo halkaasina waxaa ka tagey xubno Somalia gaarey oo ayagana al-shabab ku biirey. Wuxuu sheegey videoga inuu sidoo kale afsomali lagu qorey oo somalida ingriiska aan fahmeynin ayey gareysey.

Wuxuuna naga wargaliyey Mr Warner xarunta dambi baarista ee FBIda ee gobolka uu Abu mansour ka soo jeedo ee Alabama in ay dacwad ku soo oogeen oo la maxkamadeyn doono.

Faahfaahinta warbixintan ka dhegayso midigta sare ee boggan.

No comments: