05 September, 2009

Qorshaha Siyaasadeed Xukuumadu ku Duminayso Dimqoraadiyada Somaliland.

Qorshaha Siyaasadeed Xukuumadu ku Duminayso Dimqoraadiyada Somaliland.

ku Duminayso Dimqoraadiyada Somaliland.
Xukumada Dahir Riyaale, waxay qorsheysatay hab ay ku duminayaso dimoqoraadiyada Somaliland, Qorshahasi waxa weeye, inaanay Somaliland ka suurtagelin wax doorasho ah, lana baabi'iyo hanaankii Dimoqoraadiyada Somaliland. Khilaafadka siyaasadeed ee doorashada madaxweynaha Somaliland waa mid si ula kac ah oo qorsheysan Dahir Riyaale iyo xukumadiisu u sameeyeen, waxanay ku tala-geleen qorshe ah, in sida la isu haysto oo murankan siyaasadeed ee u abuuray u jiro in la isla gaadho 2010, xiligii la qaban lahaa doorashadii golaha wakiilada. Marka wakhtigaa surtagal maha doorashada golaha wakiilada in la qabtaa, sababtoo ah kuwii ka horeeyeyba lama qaban-wali sida: Doorashadii Madaxweynaha, Doorashadii Deeganka, Doorashadii Guurtida iyo tan wakiilada oo la soo gaadhay.

Xaalku wuxuu noqonaya dhamaan hayadaha Sharci dejinta labada gole, Xukuumada oo fulintii ah iyo golaha degaankuba inay ku fadhiyaan sifo sharci darro ah, wixii labaatanka sano la soo dhisayeyna halkaa ku dumo, geedi socodkii dimoqoraadiyada Somaliland iyo qarankii Somaliland halkaa ku burburto.Intaa kadib Dahir Riyaale & kooxdiisa waxa u qorsheysan haday u suurtagasho inuu wadanka ku xukumo keligii talisnimo oo calaamadeheedi u horeeyey hadaba ay muuqdaan.

Xukumada Dahir Riyaale wuxuu si badheedha oo ula kaca u duminayaa golayaashii sharci Dejintaa {Wakiilada & Guurtida } isagoo ku laalushaya lacagtii qaranka kuna kala qeybinaya xildhibaanada, waxaana ugu dambaysay inuu ciidamo ku isticmaalo oo awood ciidan ku qabsado xaruntii golaha wakiilada 29/08/09 , talaabadan ugu dambeysay uu kula kacay golaha wakiilada waxa u ka gudbay xariiqi casaa, wax dambe oo la sii eegtaana majiraan.

Dhaqaalaha:Waxaynu aad uga wada war qabnaa, Madaxweyne Dahir Riyaale xukumadiisu si badheedha u babi'isay uguna tagrifashay dhaqaalihii wadanka ka soo baxayey. Waxa la xaqiijinayaa in saddexdii bilood u dambaysay shaqaalaha dawladu ayna qaadan wax mushahaar ah.

Ganacsigii xoolaha, ee xorta ahaa oo loo xidhay shirkadda Jaabiri, oo Dahir Riyaale la galay heshiis isaga iyo shirkada u gaar ah.

  1. Waxa la curyaamiyay ilihii dhaqaalaha sida Dekeda berbera iyo dhoofkii xoolaha oo ay u wareejisay dekeda Djabouti.

Dahir Riyaale, maha nin leh haykalkii hogaamiye qaran, waa nin ku mashquulsan dano gaar ahaaneed iyo ficiltan yar oo hoose, waa nin aan lahayna xirfad, aqoon iyo farsamo uu mushkilada iyo dhibaatada wadanka ka jira kaga saaro, tusaale ahaan: Colaada ceelberdaale ee labada beelood oo walaalaha ah dhextaala, oo in badan soo jiitamaysay nafo badana galaafatay xalinteeda iyo khilaafkan cakrin ee doorashada Somaliland. Qofka waxa si fiican loo qimeyn karaa kartidiisa, aqoontiisa, hogaamintiisa iyo xilkasnimadiisa, markii dhibaato timaado sida uu u mareeyo una xaliyo mushkilada.

Shacabka Somaliland iyo Goloyaasha sharci dejinta waxaan u sheegayaa, sabab loo sii eegto Dahir Riyaale inuu ku sii nagaado kursiga ma taalo, sababtoo ah joogitaankiis dhibaato iyo khasaare ayaa wadanka ugu jira. Madaxweyne Dahir Riyaale wuu galay dambiyo badan oo maamuska xilka madaxweyne lagaga qaadi karo tusaale ahaan waxa ka mid ah:

  • Dumistu u duminayo golayaasha sharci dejint oo ay ugu dambaysay 29/08/09 dulaanku ku qaaday ee ciidanka uu u diray oo qabsaday golihii sharci dejinta Somaliland ee shacabku soo doortay, iyo laalushka aan qarsoonayn ee lacagtii qaranka uu u isticmaalaya inuu ku burburiyo golayaasha sharci dejinta.
  • Waajibaadkii qaranka ka saara madaxweyne ahaan uu ku guuldaraysto inuu qabto sida doorashadii madaxweynaha iyo dooroshooyinkii golayaasha deeganka oo u suura gelin waayey inay qabsooman.
  • Mudadii xilka shacabka Somaliland u doortay oo dhamaatay laba sano ka hor.

Waxaan golayaasha sharci dejinta Somaliland {Golaha wakiilada iyo Golaha Guurtida Somaliland }u soo jeedinayaa in masuuliyad weyni wadan ka saaran tahay, wadankiina xaalad khatar ah oo dumin karta ku jiro, waxaanu ka codsanayaa goloyaasha qaranka inay gutaan xilkooda distooriga ah ee ka saran badbaadada qaranka iyo ka hortaga burburka iyo dumitaanka qarran. Waxaynu ognahay inaanay doorashadu ku dhacayn wakhtigii loogu talagalay, cidna ka yeelimayso Dahir Riyaale inuu keligii sanduuq dhigto, mudo kordhin dambe oo la aqbalayaana ma jirto. Hadaba in la sugo maha intay taariikhdu gaadhayso 27th September 2009 oo ah maalintii madaxweyne cusub la soo dooran lahaa, maalinta wixii ka dambeeyana Dahir Riyaale ma sii ahaanayo madaxweynaha Somaliland. Labada gole intaanay taariikhda gaadhin waxaa loo baahan yahay inay layimaadan qorshe cad oo lagu dhisayo, maamulkii si kumeel gaadh ah u bedeli-lahaa maamulkan Dahir Riyaale, doorasho xaq ahna gaadhsiin lahaa ummada, iyadoo la raacayo distoorka iyo xeerarka sharciga ah ee wadanka u yaala.

Madaxweyne Dahir, oo ku guuldaraysto inuu hogaamiyo qaranka, waa in sida ugu dhakhsaha badan ee surtagalka ah maamuska xilka madaxweyne looga xayuubiya. Daawada khilaafka Somaliland waxay ku jirtaa Dahir Riyaale oo ummadan uu meela u wadi waayey ka hor-dhaqaaqa.

Allah Mahad Leh

Kosaar Aideed Abdi

Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID UK

London UK

No comments: