05 September, 2009

Somaliland: Guurtida iyo Baarlamaanka oo ka hadlay Muranka Siyaasadda

Somaliland: Guurtida iyo Baarlamaanka oo ka hadlay Muranka Siyaasadda
VOA

05-September-2009

Listen to This Report Warbixintii Somaliland
Dhegayso (MP3)

Golaha Guurtida Jamhuriyada labaxday Somaliland ayaa sheegay inay fulinayaan tallaabooyin Dasturi ah hadii xisbiyadu heshiin waayan . Gees Kalena fadhi Golaha wakiiladu yeeshay ayaa 38 Mudane soo gudbiyeen Moshin lagu casilayo madaxweynaha iyo ku xigenka.

Sideed Iyo Sodon Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa u gudbiyay Shirgudoonka golahaasi Mooshin lagu rabo in mamuus ka xayuubin lagu sameeyo Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Iyo Kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasin,.

Guddomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Mooshinkaa loo gudbinayo La Taliyaha sharciga ee Golaha Wakiillada Somaliland isaga oo muddo 24-sacadood gudahood ku soo eegi doona Mooshinka Golahana dibna ugu soo celin doona fadhiga beri .

Gees Kalena Guddi ka kooban 25 mudane oo golaha Guurtidu ay hore ugu xilsaareen sida laga yeelayo muranka siyaasadda ee cirka isku shareeray ayaa golaha maanta oo sabti ah sheegay in ay isla garteen go'aanadii ay hore galaha Guurtidu ay iskula garteen ee nuxurkooda ahaa in goluhu dhexdhexada ka ahaado siyaasadda isla markaana ay mudanayaasha goluhu aanay ka mid noqon axsaabta siyaasadda.

Guddigan ka tirsan golaha guurtida ayaa soo jeediyay in goluhu uu qaado talaaboyinka uu Dastuurku u ogollyahay hadii muranka siyaasadeed sii daba dheeraado.

Go'aanda guddigan oo ay Goluhu u codeeyeen ayaa waxaa taageeray 55 Mudane oo ka mid ahaa 58 mudane oo fadhiga maanta ka soo qaybgalay.

Faahfaahinta warkaasi ka dhegayso midigta sare ee boggan.

No comments: