Maxaa laga yidhi Maxamed Mooge Liibaan?

Hargeysa (Somalilandpress)- "Maxamed wuxuu isku taxluujiyay inuu fanka, faaniinta iyo hal abuurada kuligood gacanta ku dhigo, kuwii uu ku dhigi kari waayayna ay colaadi u taalo. Wayna u suurto gashay inuu dhamaantood gacanta ku dhigo. Fanaaniinta kale inta badan hoboladiii waaberi ayay ka tiirsanaayeen, isaguse wuu ka madaxbanaana sharciyada loogu talo galay. Wuxuu noqday nin hoodo ku leh fanka iyo codka, wakhti kooban ayuu saameeyay dadka oo dhan. Maxamed Mooge waxa loogu jeclaa magaalada Jabuuti.
Waxa isu waafaqay inuu codkiisu ahaa mid logdan oo loxdan oo aan cid kale lahayn, tii ugu khayr ka roonayd isaga oo ku jira oo waajibkaa gudanaya, ayay tiisii timi alle ha u naxariistee." Sidaa waxa yidhi Abwaanka Caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ka hadlayay taariikhda Maxamed Mooge Liibaan iyo waxa uu uga joogay intii uu noolaa.
Muuse Biixi Cabdi Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye "Maxamed Mooge oo heesaya markii iigu horaysay ee aan arkay waxaan la kulmay isaga oo ku heesaya afka Ingiriisiga. Waxa uu qaaday heesta Scotka loo qaadi jiray, oo sidii aan maalintii u maqlay aan u qaybay." Sidaana waxa hadalkiisa ku bilaabay Gudoomiye ku-xigeenka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaana dadkii fadhiyay madasha lagaga waramayay taariikhda Maxamed Mooge ay ka codsadeen inuu ku luuqeeyo heestaas Afka Ingiriisiga ah, halkaas ayaanu dadka hortiisa Muuse Biixi kaga luuqeeyay heestaas. Isaga oo ka sii faaloonaya Maxamed Mooge-na waxa uu intaas ku daray oo yidhi: "Maxamed Mooge, wuxuu isku qaaday shaqoba shaqaday ka adkayd, macalimiintana waxaad moodaa malaa'iig dadka loo soo diray, tii labaadna waxay ahayd waxa uu is yidhi waxa kugu jira dadkaaga wax ugu sheeg, taasuu hadana ku qaaday inuu Abwaanimo dadkiisa wax ugu taro, ka dibna waxa uu yidhi waa inaan noqdaa halgamaa hubka sida oo Askari buu noqday."
Maxamuud Ismaaciil Xudaydi: "Wuxuu u dhintay ma lahayaa maanta, waa maya, Maxamed wuu wanaagsanaa arrin maaha. Laakiin wuxuu u dhintay waa in lagu kaco ayuu abaal-gudkiisu yahay. Waa wadanimada oo waxay dilaysaa wadaninimadu qabyaalada.
BBC-da ayaa sheegtay inay tartansiisay Radio Muqdisho iyo Radio Wardheer guulaysteen maadaama uu Maxamed Mooge ka heesay. Heesaha iyo suugaanta wuxuu u lahaa deeq ilaahay, oo asluubta, edebta iyo hadalku siduu u taxan yahay u lahaa. Maxamed Mooge wuxuu hadana deeq u lahaa fahmada, Cabdikariin Cashuur oo jaamacada haystay baa u yeedhay oo ku yidhi soo gal jaamacada, waayahay buu yidhi, muddo dhan buu ka maqnaa, bishii u dambaysay ayuu imtixaankii soo galay, wuxuuna ku guulaystay kaalinta saddexaad oo deeq ilaahay siiyay bay ahayd.
Maxamed Mooge Saddex eray hadu yidhaahdo Laba Soomaaliday ku saabsanaan jireen. Muu lacag jeclayn, muu ammaan jeclayn, wuxuu jeclaa dalka, waxa uu gaadhay heer u qaado hees uu yidhi Tollaay reer Hargeysaay. Markaa Maxamed Mooge ilaa intii uu ka baxayay Muqdisho ilaa intii uu ku soo noqonayay cidi nooma dhaxay, markii dawlada xidhay, iyada lafteeda ninkii u shaqaynayay ee laga baqayay ayaa u dagaalamay, xadhigiisu hodheel oo kale ayuu ahaa.waayo lama xumay, ka Askari ah baa jeclaa, oo ka jeelka ku jiraa, NNS-ta ah ayaa jeclaa, shakhsiyad aad loo jecel yahay buu ahaa, shakhsiyad dadka Soomaalida ah aad u jeclaa ayuu ahaa, ilaahay wuxuu jeclaa ha idinka muujiyo, nin dal jecel buu ahaayee."
Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID, Dr. Maxamed Rashiid: "Maxamed Mooge waxa maskaxdaada ku soo dhacaysa siday Somaliland u tahay Qoys keliya, dhalinyaro ahaan waanu is wada naqaanaa jiilkayagii, Siciid, Boobe, Xudaydi, hadraawi, Muuse Biixi, dhamaantayo waanu kulmi jirnay. Inta Afka Soomaaliga ku hadasha hormoodkeedu reer Somaliland bay ahaayeen,
Wuxuu noogu iman jiray Maxamed Mooge Oodwayne, mushaharkii ugu horeeyay een shaqadaydii Baanka Burco ka iibsaday Saacad iyo Giitaar, Inan baa ila yaabtay oo igu tidhi iyada oo Sheekh ku dhalay maxaa Giitarkan ku fashay.
Wakhtiga uu Maxamed mooge soo baxay waxay ahayd taariikhda Soomaalida, Somaliland, taariikhda Afrika mid ka duwan ta aad iminka dhalinyarooy ku nooshihiin markaad xaga dhaqanka iyo suugaanta ka eegto. Waxaanu uga daadan jirnay gidaarada markaanu maqalno riwaayada Hadraawi oo kale.
Waxaan ku xasuusan karnaa maxamed mooge taas maanta Ayaan iyo kooxda ay hormoodka ka tahay in aan xusuusano dadkeenii taariikhda ku soo kordhiyay umada guud ahaan, siiba Somaliland."
No comments:
Post a Comment