Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa maanta Koobab guddoonsiiyay Laba Kooxood oo ka mid ah Kooxaha Kubbadda Cagta ee Degmooyinka Magaalada Hargeysa, kuwaas oo ku guulaystay tartan Kubbadeed socday muddo bil ah oo ay ka qayb-galeen 12 Kooxood oo ka kala socday 5-ta Degmo ee Magaalada.
Munaasibaddii Guddoonsiinta Koobabkan oo ay ka qayb galeen Madaxa Ololaha Doorashada ee Gobollada Galbeedka Somaliland Cali Maxamed Guuleed (Maarshaal), Murashaxa Madaxwene-xigeenka Xisbigaas Cabdiraxman-Saylici, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Cabdilaahi-Xamarji iyo Masuuliyiin kale, isla markaana lagu qabtay Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Kulmiye Cabdilaahi-Xamarji. Waxaanu sheegay in Xisbigoodu diyaar u yahay taakulaynta iyo horumarinta dhalinyarada.
Sidoo kale, Cali Maxamed Guuleed (Maarshaal) oo isna halkaa ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Kulmiye ahaan farxad bay noo tahay in aau halkan Koobab ku guddoonsiino labadii Kooxood ee kaalmaha koowaad iyo labaad ka galay tartankii Kubbadda ee aynu bilownay bil ka hor..Waanu diidnay in Magaca Kulmiye cidi ku ciyaarto, waayo anaga waad noo siman tihiin, idinmana waydiino xaafadda aad ka timaaddeen iyo Xisbiga aad taageertaan toona.” Isaga oo Cali hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “UDUB waxay bilowday Ciyaaro ay ka dheegatay Xisbiga Kulmiye, waxaanu bilaabay tartan Koox ah. Ololihii wuu soo dhaw yahay, wax ay UDUB ka eegato Kulmiye mooyaane qorshe cusub oo ay la imanaysaa ma jiro.” Waxaanu sheegya in Xukuumaddu intii ay talada dalka haysay aanay waxba u qaban Dhalinyarada, sidaasi darteed aan maanta laga sugayn in ay wax u qabato.
Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Kulmiye Cabdiraxmaan-Saylici oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday Muhiimadda Ciyaaraha iyo faa’iidooyinka ay leeyihiin. “Dhalinyaro ahaan waanu idinku dhiirigelinaynaa Ciyaaraha, sababtoo ah waxay gabbood u tahay inaad barataan Belwadaha xunxun..Ciyaartuna waa tartan, Siyaasadduna waa iska ciyaar oo waa tartan ee maaha sida ay UDUB u taqaano cadaawad. Marka lagaa badiyana waa in aad hambalyaysaa cidii kaa badisay.” Ayuu yidhi Saylici.
Xil. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Goaha Wakiillada oo isna halkaa ka hadlay ayaa u hambalyeeyay Kooxahan Koobka ku guulaystay. Waxaanu ugu baaqay in ay sii xoojiyaan mihnaddooda.
Ugu dambayntii waxa halkaa lagu guddoonsiiyay Labadii Kooxood ee kaalmaha koowaad iyo labaad galay Koobabkii ay ku guulaysteen. Isla markaana waxay Masuuliyiintaasi ka cudur-daarteen in aan goobtaa lagu guddoonsiin Bilado loogu talo-galay 5 Ciyaartoy cilad timi awgeed, hase ahaatee waxay ballan qaadeen inay guddoonsiinayaan.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
No comments:
Post a Comment